Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Isku shaandhaynta golaha wasiraadda Puntland ma dan guud baa mise degel adkaysi?

London(WNT)-Deg deg loogama jawaabi karo su,aashan oo waa middi calool ku
jirta,dhinaca qiyaastase ninba jaho ayuu u dhaqaajiyey,iyadoo arimaha ay meelo badan
ka eegayaan,waa ninkii faalka dhigay oo kale dhabtu waxaase weeye taariikhdu iyadaa
is qori doonta.


Dayacaadda xagga ammaanka iyo musuq maasuqa galay xubin kasta, oo xidida Puntland ka mid ayaan lagu eedayn karin maamulka uu hogaanka u hayo M/weyne Cadde Muuse
Boqor,waxaase la oran karaa waxaa qayb ka ah dadka gobolka, oo iyagu aan marna
diyaar u ahayn inay xisaabtan dhab ah ula yimaadaan ragga gobolka gar wadeenka ka
ah,iyagoo wax walba laba arimood ku jaan gooya caadifad qabiil, oo loogu adeego kuwa
dhibka ku haya iyo tan labaad, oo ah eray gobolka caadi ka noqoday ina ka daaya dhib
ayaa ka imaanaya, waxaana guud ahaan labadani arimood hor istaageen in wax uun
horumar  uu shacabku ku talaabsado ilaa gobolkii isu rogay gel gelin aan madax iyo
majo toona lahayn.

Col.C/laahi Said Samatar shacabka Puntland Ma jecla cabashooyin badana way ka muujiyeen.


Gobolka ayaa guud ahaan gobollada kale ee dalka Soomaaliya waxaa uu kaga duwanaa
xagga nabad gelyada,iyadoo xataa mararka qaarkood siyaasiyiintu ay isku hayaan dano
gaar ah,waxaana wax walba kala weynaa xagga ammaanka iyo kala danbaynta caymisna
waxaa u ahaan yaan la taaban waa ina hebele!.


M/weyne Cadde Muuse ayaa eedeedaymaha ugu waaweyn ee dadku ujeedinayaan  inay ku hungoobeen uuna noqon waayey sidii loo malaynayey,iyadoo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee loo haystaa ay yihiin xagga Musuq maasuqa iyo ammaan darada gobolka soo wajahaday.


Guud ahaan eedaymaha loo haysto M/wynaha Cadde Muuse ayaa la aaminsan inay sabab u yihiin ragga kala taliya xagga siyaasadda ,oo ay  majara habaabiyeen kana weeciyeen waddooyinkii uu sheegay inuu ku socon doono haddii loo dhiibo xilkii uu dhiiga u soo daadiyey uuna dhaami doono odaygii meesha ay isku hardiyeen,oo isagu ahaa nin askari oo aan wax horumar ah shaqo ku lahayn,waxaana raggani kala dileen guud ahaan dadka gobolka ku nool waxaana xumaan kastaa jawaab u tahay hab dhaqanka ragga
madaxtooyadda fureheeda haya.


Hoggaanka ayaa awal ku kala didsanaa kala boobka hantida gobolka ka soo baxda
waxaase qiyaame oo kale dadka deegaan Puntland ku noqotay qabsigii magaalada
Laascaanood waxaana soo baxday quusta ah in dalku guud ahaanba uusan gacan ku jirin
oo ayba sahlanaan karo inay gacantooda ka baxdo xataa xarumohooda ugu waaweyn sida Garoowe iyo Boosaaso,mar haddii mid ka mid ah magaalooyinkii ugu dadka badnaa
gobolku qaxii ugu xoogganaa uu kadhacay lagana fara maroojiyey,walow ay jiraan warar
soo baxaya oo sheegayey inuu jiray heshiis ah in Puntland ay wareejiso magaalada
Laascaanood oo siiso Soomaaliland.


Isku dhaandhaynta cusub ee wasiiradda Puntland ayaa dadka qaar qabaan in ujeedadu
tahay in cadde Muuse uu ku doonayo inuu ku cimri dheeraysto sii haynta
xilkaan,isagana moosayo rag uu ka shaki qabo inay meesha ku soo hunguriyeeyaan, oo
ay ka mid yihiin Col Carays oo mar ahaa taliyaha ciidamada Punland iyo Xassan Abshir
Farax oo xildhibaan ka ah dawlada FS oo isna shaaciyey inuu isu sharrixi doono
M/weynaha Puntland.


Dadka arimaha Puntland fallanqeeya ayaa sheegay in Cadde isago oo ka cararaya Col
Carys uu isaga gudbay Col Cali Sheekh Cismaan Cali Baadiye oo uu magacaabay taliyaha
Ciidanka Puntland intii uusan sameyn isku shaadhayntaan cusub,si Carays meesha boos
uusan uga heli, halka isku shaadhaynta cusubna uu dhabarta ka taabtay Wasiirkii
qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Cabdi Salaad Cali oo isna xagga siyaasada isu
dhawyihiin Xassan Abshir Faarax, waxaa iyana jira warar soo baxaya oo sheegay inuu
shaki weyn ka muujiyey Cali Cabdi Awaare inuu tub uu isagu rabay ka leexday.


Mid ka mid ah wasiiradda cusub ee hadda la doortay oo diiday in magiciisa la
shaaciyo,oo aanu su,aasha ah in isku shaandhaynta cusub ay tahay cimri dheeraysi ee
uusan jirin wax qabad u soo socda dadka gobolka ay ku tilmaamay haddalladan kuwo
mala awaal ah oo aan waxba ka jirin,waxaanu sheegay in sababta hadda isku
shaandhaynta loo sameeyey ay tahay in maamulka sida uu hadda yahay laga horumariyo
sida ugu dhaqso badana loo soo celyo magaalada Laascaanood.


Wasiirka ayaa sheegay in doorashadu Puntland ay dhici doonto xilligii loogu tala
galay maalina aysan dhaafayn uuna qabsan doono gobolka ninkii ku guulaystaa,waxaase
uu wacad ku maray inay guntiga u xiran doonaan sidii magaalada Laascaanood ay u
keeni lahaayeen.haddana ay qorsheheeda ku jiraan.


Marka aad weydiiso dadka gobolka ayey isla markiiba la soo boodayaan in Cadde Muuse
ujeedada hadda uu leeyahay ay tahay sidii uu u adkaysan lahaa xukunkiisa oo uu ugu
salayn lahaa mid ka dhisan dhinaca lacag urursiga iyo awoodda ciidan si aan loo
hunguriyeyn, laakiin uusan dan sidaas u weyn ka lahayn qabsiga iyo maqnaanta
magaalada Laascaanood,isku shaandhaynta golaha wasiraadda Puntland ma dan guud baa mise degel adkaysi?.


Abdirazak Yaassin Caanogeel
Waayaha.net,
London,UK




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software