Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Cayuuban run waa la isku jeclaadaa (Jawaab maqaal)

Wax fiican aan wada sheegno waxna aan wada qabsano nin jeclaysiga iyo nin caygana aan iska dayno

 

Aniga oo aan nina wax u dhimayn ayaa hadana damiirkaygu isiin waayay in aan ka

aamuso Faaladii walaal kay liibaan Cali uu u soo gudbiyay webka Afnugaal.com oo uu hal qabsi uga dhigay Dhisidii Puntland iyo Intii ay jirtay in yar baa ku faa'iiday

!!!!

 

Hadalkaasi mar waa loo qateen laakin hadana waxaad moodaa inaanayn is lahayn

afqabsiga iyo guda galka Faalada waxyaabo badan oo ku buro ah ayaa jira.

Hadii aan wax ka iraahdo Faaladaasi waxaa aniga ila gudboon in marka hore la iska

dhiciyo horarka waa shay mushtamackasta ku waajib ah kii wax qabanayana la soo

dhawaysto.

 

Dhismaha Garonka Garowe oo uu walaalkay Liibaan Cali si khaldan u fasirtay hadii aan iclaamiyo sida uu ku socdo iyo asaaskiisii.Garoonka Garowe waxaa markii ugu horaysay u istaagay bulshawaynta Reer Nugaaleed oo ay garab siinayaan Jaaliyada Dibeda ee reer Nugaaleed iyaga oo Lacago isku dardaray taasi oo surta galisay in la bilaabo Garoonka iyada oo awal laga sugayay Xukuumadii Cabdilaahi yuusuf intii uu ahaa madaxwaynaha DGPl in uu Garoonka Garowe dhiso kadib markii xukuumadaasi ay lunsatay Hantidii laga iibshay Garoonkii hore ee Garowe oo ay dageen mushtamac reer Puntland ah kuwaasi oo laga iibiyay dhulkii hore ee Garoonkii hore ee Garowe laguna yiri dadka reer Garowe waxaa algu dhisayaa Garoon Cusub taasi ma suurta galin Lacgtaasina waxay ku dhacday Jeebaka Xukuumadii uu madaxda ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf.

 

Xiliba Xili buu Cayrsaday waxaa la waayay cid la aamino oo wax loo dhiibo kadib

markii ay dad isku tagay ay lacag yar ku bilaabeen Garoonka Garowe kaasi oo u

baahday lacag badan islamarkaana ay ka gaabisay xukuumadii Cadde Muuse, Cadde Muuse wuxuu balan qaaday in uu bixin doono $200.000 oo uu ku kabidoono Garoonka Garowe Lacagtaas oo aan ilaa hada laga hayn Cadde Muuse waxaa is taagay Garoonkii walina looma hayo lacag lagu kiciyo Garoonka.

 

Hada waxaa Garoonka Garowe kiciyay oo hawshiisa wada Shirkada dhismaha ee Mubaarag Group taasi oo sheegtay in ay dhamaystiri doonto Garoonka Garowe marka uu dhamaadana laga rabo Lacagta ku baxday Garoonka Issimada Nugaal iyo aqoonyahankooda taasi oo ay Issimaduna balan qaadeen in ay hadii ay wax kale waayaan ay xoolahooda u xaraashayaan.

 

Shirkada Macdanta ka baaraysa puntladn ee rangres ayaa iyadu bixisay $95000 oo

dollar Lacagta inta kale waxaa balan qaaday Issimada Puntland xukuumada Cadde Muuse waxay bixiso iska daayee Balanqaadkii ay balan qaaday ina ay garoonka Garowe dhisayso iska daayee xoogaagii yaraa ee uu madaxwaynuhu balan qaaday ayaa laga waayay halka Garoonka Boosaasana ay xukuumadu ku bixisay lacag ka badan Halmayan oo Dollar taasi si sida la rumaysan yahay ku dhacday dano gaar ah iyo dad gaara ee aan Garoonka lacagta intaa la eg aysan ku bixin.

 

Hadaba  Liibaan Cali waxaan waydiinayaa sababta uu uga hadalay Garoonka

Garowe iyada oo ay jiraan lacago aan la garanayn waxay ku baxaan oo ay Puntland

bixiso Sidoo kalena ay Puntland ku bixisay lagbadan Garoonka Boosaaso oo aan kow iyo laba joogin halka Kan Garowe ay u istaageen Bulshada Reer Nugaaleed balana ay ku qaadeen in ay dhamaystiridoonaan marbadana la yiri hadii Garoonka Garowe la dhameeyo Puntland madaxdeedu maka soo dagaysaa su'aashaas oo aaysan wali Puntland jawaab u helin.

 

Waxaan sidoo kale  Xasuusinayaa in Garowe ay la mid tahay magaalooyinka kale ee Puntland oo aysan jirin wax ay ku qabto xukuumada Cadde Muuse dhib maahane wali lama hayo hal mashruuc oo wax ku ool ah oo ay xukuumada Cadde Muuse ka Fulisay Magaalada Garowe in kasta oo ay xukuumadu iska tahay xukuumad bahdilan oo uu u taliyo nin waayeel ah oo hanti doona hadana Garowe dhib maahne dheef kuma qabto Sidoo kale Liibaan miyuusan maqal ama ogaan Lacgtii Cadde Muuse lagaga xaday Dubai isaga oo guri islahaa ku gado Lacag ka badan Halmayan oo Dollar taasi oo aan lahayn raqdeed meel ay ku baxday jeebkiisana ka maqan jeebka dadkiisan laga qaaday waayaabe miyaadan wadani ahayn inta aad Garoonka garowe oo ay mushtamiciisu dhisanayaan aad u jeedo miyaadan u jeedin Lacagaha la iska guranayo oo aan la cadaynayn sida ay ku baxayaan iyo meelaha lagu bixinayo ee sida qarsoodiga ah loo is ticmaalyo, waa ay fiicnaan lahayd in xukuumada Cadde Muuse ay gacata ku dhigto Garoonka Garowe oo ay dhisto waxaana uga siyaadi lahaa magac uun iyo waxtar oo uu taray dadka balse nina dheef uusan lahayn lama saaree wallaal Liibaan dib isusax oo qoraaladaada runtooda gaar.

 

Rangres markii ay bixinaysay lacagtii ay u balan qaaday Garoonka Garowe waxaa hor istaagay Wasiirka Maaliyada DGPL kaasi oo in mudo ah ay u xayirnayd Lacagtaasi markii danbana keenay $95000 iyada oo ay lacagtaasi ahayd intii ay Rangres ugu talagashay shismaha Garoonka Garowe $200.000 sidaasna uu Gaagaab u goostay lacag dhan $105.000 taasi waxay Cadaynaysaa sida ay uga xuntahay xukuumada Cadde Muuse horumarka shacabka Puntland is la markaana aysan o golayn in ay shacabku wax qabsdaan.

 

Wixii iga dhiman shacabka ayaa iigu daraya iyo wixii aan ka tagay wixii aan

khaldayna shaydaan bay ahaadeen ee ii sax bulshoooy.

 

A/rizak Aadan koronto

garowe Puntland

Afeef maqaalkani ka turjumi mayo shabakada wararka Waayaha.net



   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software