Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Culumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Xamar siday u ahayd magaalada Soomaaliya ugu dhibka badan 16 sano ee ugu dambeeyey baa la arkey iyagoo dadkii Xamar degenaa hal maalin dhinac istaagay culumadooda kaddib markuu soo baxay xiriir ka dhaxeeya dagaaloogayaashii Soomaaliyeed iyo hay’adda sirdoonka ee Maraykanka, CIA. Maalintaas laga bilaabo waxay noqotay meesha Soomaaliya ugu amni badan. Waxaa intaas dheer iyadoo dadkii dibaha joogay iyo culumadii joogtay daafahaha Soomaaliya ay soo aadaan si ay indhahooda ugu soo arkaan si ay uga hadlaan. Beryahan waxaa boggagga internetka lagu faafinayey mid ka mid ah culumada reer Somaliland oo xabsi dhexdii lagu jirdilayo. Soomaali oo dhan baa afka qeylo ku shubatay iyagoo leh ma haddaa Soomaaliya lagu dhexarkay xabsiyo la mid ah kuwii Guantanamo Bay iyo Abuu-Qureyb! Runtii waxaa ka damqaday dadweyne dumar iyo dhallinyaro u badan oo jooga Hargeysa. Waxaa kaloo la sheegayaa in ardeyda dugsiyada iyo dadweynaha reer Ceerigaabo ay sameeyeen bannaanbax weyn oo looga soo horjeedo xariga culumadaas. Sida gobolka Waqooyi-Galbeed ay ugu taalo magaalo-madaxdii labadaad ee Soomaaliya ayeey waxay kaalinta labaad ka galeen u gargaarka culumada Soomaaliyeed. Waxaana Ilaahay ka rajeyneynaa inay kaalinta labaad ka galaan sameynta maxkamado Islaam oo kuwa Koonfur ku bah ah si wadajirka Soomaaliya ee muddo la la’aa uu meesha usoo galo. Marka waxaan ku leeyahay shacabka reer Somalilandiyoow gargaarka intaas ah kuma filna isbeddel ee waa in shacabku ka gadoodaa arrintaas. Waxaa meesha soo galay xaddiiskii nabiga (SCW) ee sheegayey in nabiga (SCW) la siiyey waxyaalo u khaas ah oo ay ka mid tahay in laga baqo meeshii bil loo socdo. Marka la yaab ma leh in labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ay ka baqaan maxkamadaha sida uu saaxiibkood Zenawiba uga baqo. Tan Ilaah baa socon. Sidaan la soconno Punland waxay sumcadda ku heshay waa sida dadweynaha halkaas degen ay u soo dhoweeyeen Soomaalidii kale khaasatan kuwii aan hubeysneyn. Markii dagaalkii sokeeye uu ka socday Koonfurta iyo Waqooyi-Galbeedka (Somaliland) waxaa wax lagala soo degi jiray dekedda Boosaaso. Waxaa sidoo kale deegaankaas ku badbaaday dadka ka soo jeeda beelaha aan hubeysneyn. Waxaa la ii sheegay in si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Gaalkacyo iyo Garoowe dad badan oo reer Waqooyi ahaa oo ka soo qaxay Xamar. Dabcan waxaa markaas Puntland xukumey Maxamed Abshir Haamaan. Waxaa waxaas oo dhan isku fuuqsaday maamulka hadda ka jira Puntland oo yiri qofkii Koonfurta Soomaaliya ka yimaada waxaan ku celineynaa meeshuu ka yimid! Dhib ma lahaateen haddii dadka tahriibaya keliya la celin lahaa laakiin waxay ku dareen waxay khatar ku yihiin nabadgelyada reer Puntland! Waxay ugu darneyd markii diyaarad dhan laga mamnuucay iney soo cagadhigato Puntland si aysan u soo qaadin culumo reer Puntland ah oo kasoo laabanayey Xamar. Culumadaasi waa kuwii midowga maxkamadaha ku yiri: ka jooga deegaanka Puntland maaddaama ay nabadi ka jirto. Xitaa waxay maxkamadaha ka codsadeen in aysan soo gelin Koonfurta Gaalkacyo oon Puntland hoos iman si dadka Soomaaliyeed loo kala badbaadsho. Maxkamaduhu si ku-meel-gaar ah ayey u yeeleen taladaas. Xanibaadaas loo geystay culumadaas oo ka mid ah dadka loogu qaddarin badanyahay Puntland cidna kama diirin kamana muddaharaadin. Dadkii diyaaradda loo diiday waxaa ka mid ahaa Cusmaan-caato laakiin wuxuu yiri Caato: haddaan dhulka maro yaa Gaalkacyo ii diidikara? Waxaa la sheegay inuu dhulka ku baxay. Marka hadda waxaa la hortaaganyahay waa culumadaas kasoo jeedda Puntland. Waxaa intaas dheer in culumada Puntland ka socota ay maxkamadaha kula tasheen in Jubbada Hoose iyo Shabellaha Hoose wax laga qabto. Ilaah amarkiis iyagoon weli Xamar ka ambabixin baa wax laga qabtay arrimahaas. Waxaa iigu yaab badneyd markii dadkii Hartiga ahaa ee Waamo degenaa ay soo dhoweeyeen maxkamadaha ooy dhaheen haddaa naacoow na martay ayaa korneyl C/hi Yuusuf, Barre Hiiraale, Cadde Muuse iyo Xasan Daahir (Af-qurac) waxay dhaheen Kismaayo waa la qabsaday! Kismaayo waxaa awal lagu qabsaday khilaaf dhexmaray Moorgan iyo C/hi iyo weerarkii ciidanka Dooxada Jubba. Marka ma fahmin sabab ay hadda Barre-hiiraale iyo C/hi uga hadlaan Kismaayo. Waxaa sidoo kale bayaan ay ku taageerayaan qabsiga maxkamadaha ee Kismaayo soo saaray waxgaradka iyo dadka reer Waamo ee degen Ingiriiska. Dabcan waxay heleen akhbaar sheegeysa in dadkoodii Waamo joogay uu waa’ cusub u baryey. Maaddaama kheyrka maxkamadaha lagu arkayo maalmo gudahood sida Xamar iyo Kismaayo ka dhacday ayaan waxaanan weli fahmin sababta qabiillooyinka degen Puntland ay u sameysan la’yihin maxkamado si ay ula midoobaan kuwa Xamar. Arrintaas waxay sidoo kale nasri u tahay walaalaha jooga Somaliland ileyn Puntland baa ku kala dhexjirtee. Arrintu waa qori-isku-dhiib. Marka haddii shacabka Puntland ay qabtaan qorigaas dabadeedna sii gaarsiiyaan walaalaha Somaliland, waxaa soo dhowaanaya midwoga Soomaaliya. Arrintaas darteed ayaa Puntland waxay leedahay muhiimad gooni ah. Inkastoonan caay ula dan lahayn ee aan xamaasad keliya ka rabo ileyn kheyrka laftiisu wuxuu rabaa xamaasade ayaan ka rabnaa in qabiilooyin badan oo Bari dega aan xasuusiyo gabeygii uu tiriyey Khaliif Sheekh Maxamuud Allaha u naxariistee. Haddii ay qolooyinkaasi furtaan maxkamado ileyn cidna wax kama qaadikartee maaddaama Puntland wax lagu dhistay qaab qabiil mana jiro qabiil qabiil kale ka horistaagi kara kheyrka iyo diinta ayey daaqada ka saareysaa kaftankii Khaliif. Khaliif. Wuxuu yiri: •Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku heeryeeyo •Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu dandaansiiyo •Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa dida’e •Ninna haddii uu darbaysnaan jiroo, ducuf ku weynaado •Inkastoo aad xornimo darartay iyo, daalash ugu yeertid •Dagaag kama hagaagiyo in uu, dib u gurguurtaaye •Cusri baa daboolaye hadduu, Saxal dul gawriiro •Dhaaxaan durqumiyaye haddii, diira laga waayey •Maxaan ficil ku doocdoociyaa, beer ma soo duxa’e •Daxal bay intay la uskageen, deri la yeesheene •Deexey dadkaygii isii, duul horaa yiriye •Dabciga iyo aqoontoodu waa, cananno soo diiqe Wuxuu kale oo sii yiri: •Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya •Dashiishiyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman door ah •Nin dudumo ammaantaan ahaa, damac la’aaneede •Dadaw Cali Jibraahiil haddaad, damac ka dhawreysey •Waakaa duskii Meeladeen, lagu lagu dabaaxaaye •Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway aadniguye •Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha Gumasoor ah •Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo dulbaaxsadaye •Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo danbaaburine •Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa doojey •Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka ku ogaaye •Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta soo marine •Inkastoo aan diqoonnoo sidii, digo naloo xaaqay •Walle daguug nalaka yeel, dirindir leelleel ah •Ama diillintaan maganahay, dunidu ciiryaantay Marka waxaan kula talinayaa in qabiilooyinkaas dega Bari iyo meelo kale oo Puntland ka mid ah ay iska meyraan waxaas lagu dacaayadeynayo una soo jeestaan iney taageeraan Kitaabka Ilaahay si loo helo caddaalad iyo nabad. Marka haddaad rabtaan in taariikda dib loo qoro haddee maanta ayaa kubbaddu dhinaciina taalaa. Waxaa rabaa inaan reer Somaliland iyo Puntland xasuusiyo in uu jiro xaddiis uu wariyey Imaam Al-Muslim iyo Tirmidi in nabigu (SCW) uu xusay qabiilooyin Carbeed isagoo leh: Aslam Allaha salaamo yeelo, Qafaar Allaha u dambidhaafo; Casiyah waxay caasiday Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Marka waxaa Ilaahay ka baryeynaa in dadkeenna Soomaaliyeed aynaan ku sifoobin kuwa la dagaala diinta Ilaahay oo ayna sifada qabiilkaas wax caasiyey eynaan raacin. Masaajid kastood tagtid waxaa muslimiintu kaaga hambalyeynayaan guusha maxkamadaha iyo sheekh Shariif. Iyadood mooddo inuu Sheekh Shariif ka mid yahay dhowrka qofka ee loogu jecelyahay caalamka Islaamka. Inkastoon is dhaho hadday dadkaas muslimiintaa ogaanlahaayeen inaan ka soo jeedo Puntland iima tahniyadeeyeen. Si kastaba ha ahaatee waxaa la joogaa waqtigii shacabka Puntland iyo Somaliland ay inta maxkamado sameystaan la midoobilahaayeen walaalahooda Koonfurta. Marka taariikhdaa qoraysa qofkii ka horyimaada Kitaabka Ilaahay. WABILLAAHI TOWFIIQ C/waaxid Cabdullaahi Khaliif Aragtida qoraaga maqaalkaan iska leh ka turjumi mayo shabkadada wararka waayaha.net



   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software