(WYNET)London:-· Soomaliya waxaa dagaal sokeeya ka biloowday 1991-dii kaasoo lagu waayey dowladdii dhex ee Somalia waxaana si xoowli ah u bilowday dagaallo qabiil oo saameeyey guud ahaan Somaliya oo dhan waxaana ugu waaweynaa kii Daroodka & Hawiyaha.
kana dhacayey koonfurta Somaliya, Jubooyinka, Gedo iyo dhinac kale konfurta mudug ee Galkacyo iyo gobolka Galgaduud sida Balanbale,C/waaq iyo Dhuusa Mareeb. sidoo kale waxaa dagaaladaasi ka socdeen jiidda waqooyi sida xuduudda gobolka Sool iyo Tog Dheer gobolka Sanaag degmadda Ceerigaabo.
Cadde Muuse xilliga dagaaladaasi soconayeen waxaa uu ku noolaa wadanka Canada dagaalkaas oo lagu soo qaaday dadka uu haatan madaxda u yahay kama uusan geeysan wax gacan ah ficil ah iyo hadal toona ah.
Maamul goboleed Puntland ayaa la dhisay sannadkii 1998-dii kaasoo uu Cadde Muuse ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo hor jeeday oo diidanaa dhismiha maamul Goboleedka Puntland iyo taaba galin tiisaba. isagoo fikradiisu ku salaeysnaa in aan lagu soo darin goboladda Sool iyo Sanaag aysana ka mid noqon maamulka Punland.
Wuxuunna qabay fikrad sheegeysa in laga dhigo Maamulka la dhisayo gobalaada Bari, Nugaal.& Mudug, nasiib wanaag ma aysan her galin fikirkaasi.
Waxaana sannadkii 2001-dii soo ifbaxa y khilaaf Siyaasadeed oo si weyn hareeyey maamul goboleedka Puntland kana dhashay Diidmadii doorashaadii Cabdulaahi Yuusuf uu diiday inuu qabto waqtigiina kororsaday kadibna waxaa gacan adag kala hor yimid shacabka Punland, Taasoo xididadda loo siibtay maamulkii Col.Cabdulaahi kasoo u soo cararay magaladda Galkacyo saldhigna ka dhigtay.
kadibna waxaa la isugu yimid doorasho cusub waxana la doortay Jaamac Cali Jaamac 18/11/2001 kdibna waxaa kusoo duulay sadax bari kadib Col Cabdulaahi Yuusuf ,isagoo ka saaray magalaada Garoowe 21/11/2001-kii islamarkasna ku beegnayd 5-tii bishaa Ramadaan.
kadibna waxaa biloowday dagalo ka dhex dhacay labadaasi Colonel- waxana looga taag roonaaday Col. Jaamac Cali Jaamac kaasoo u baxsaday dhica dalka Jabuuti kadibna waxaa dagaladdii Si hiil ah usoo galay Cadde Muuse waxuuna hogaamiyey dagalkii ka dhacay dhuudo 30/12/2002 kasoo looga itaal roonaaday Cadde Muuse loona baacsaday dhinaca gobolka Sanaag isagoo markii danbe saldhig ka dhigtay degmadda Ceel Afweyn ,halkaas oo uu ka bilaabay Inqilaab uuna taladdii kala wareegay Jaamac Cali Jaamac kuna kala qeybshay beeshiisa, halkaas oo uu ka ga dhawaaqay jabhad beeleed uuna ugu magac daray jifi hoosaadkiisa GBB oo la macna ah ( jabhadda badbaadda Bahdir)) waxuuna hishiis gaar ah la galay Col Cabdulaahi Yuusuf uuna kaga qatay lacag gaareysa 600.000us dolar kasoo uu u soo qaaday Liibaan Muuse Boqor iyadoo loo balan qaaday lacag inatas ka badan si uu u baabiyo maleeshiyo beeleed kiisa.
intaa kadib waxaa doorasho ka dhacday Puntland kadib markii uu ku guuleystay Col Cabdulaahi Yuusuf madaxweyne- nimadda DFKM,Cadde Muusana uu la tartamay Madaxweynihii xilka hayey Mudane Maxamed Cabdi Xaashi waxuuna dheeraaday sadax Cod oo kaliya,taasoo shook ku noqotay shacabka Puntland.
soo bixitaanka Cade Muuse oo ay u sabab aheeyd khilaaf aan loo baahneeyn oo ka dhex dhacay Dr. Faroolle& mudane Maxamed Cabdi Xashi taasoo keentay guul darooyinka maanta lagu jiro .
kadib wuxuu bilaabay Cadde Muuse inuu soo dhiso xukuumaddii laga sugayey & qaybihii kala duwanaa ee maamulka Puntland isagoo u qeybiyey sidii qeybtii habar dugaag oo kale.
Beesha Cadde Muuse ee Cismaan Maxamuud.
1. M/weynaha Puntland.
1.- wasiirka dowladaha hoose & horo marinta . Cali Cabdi AWaare.
2- taliyaha booliska Yuusuf Axmed Khayr
3-hayadda kheyradka badda, Al-Xabaaib-Sacid.
4- hayadda musiibooyinka dabiiciga ah iyo Sunaamida.
5- agaasimaha dekadda weyn ee Boosaaso & maareeyaha dulimaadka puntland.
6-Agaasimaha Madaxtooyada Caydaruus Keenadiid.
8- agasimaha war faafinta Nuur Shire.
9- lataliyaha madaxweynaha C/laahi Siciid Samatar
kadib markii loo sheegay inaaysan beeshiisu qeyb u heli karin isna raaci karin hayadaha dhaqaalle iyo kuwa siyaasadeedba.ayuu waxuu ku jawaabay Cabdulaahiba waa sameyn jiray sidaan oo kale 1- wasiir beeshiisu waa laheeyd., 2- taliyaha daraawiishtu careeys ma uu aheynoo, 3- ina Cali Taar badda ma aheeynoo,(Somco) 4- agasimaha matax tooyadda ismaacil xaaji warsame ma uu ahaaynoo-5-hayadda dhismaha ayagu malaheynoo,(Nisha) 6-shuuke istiraajiyadda & hayadaha UNta ma uu aheynoo 7-Lataliyaha M/weynaha Gaagaab ma ahaynoo.
Waxaa kale oo Cadde Muusse uu ka sameeyey Ciidan loogu magic daray bir madka taliyana uga dhigay saciid garaabe, mar la weydiiyey ujeedda cidankaan & meeshuu ka tir san yahay sida daraawiishta, booliiska asluubta , cidamadda badda ayuu ku jawaabay midna ma ahan ee waa cidan ii gar ah Cabdulaahi Yuusuf waa uu leeyahay Xiif Cali Taar baa taliya u ah K/kacyeyna u joogaan.
hadaba (Somaliddu waxay ku maah maahdaa Ratiba ritiga ka horeeyuu saan qaadkiisa leeyahay)) wax walba waxaa uu Cadde uga cabir qaatay cabdulahi yuusuf .in kastoo Cabdulahi Yuusuf uusan kaga dayanin meelihii uu kaga fiicnaa sida difaaca puntlaand.
Difaaca Deeganada Puntland,kasbashadda beelaha, wax wada cunidda, dhismaha ciidan adag ee Puntland ay laheyd, dareenka iyo hanka siyaasadeed ee uu ka lahaa Somali weyn,Col cabdulahi yuusuf kana mashquulisay wax badan oo uu Puntland ka qaban lahaa halka Cadde muusse uu ku mashquul san yahay kala fur furidda, kala dirka & duminta puntlaand. isagoo bixiyey Sool iyo sanaag una howl galay siduu dadka deegaamadaas u durkin lahaa waxuu bilaabay xaalufin dhaqalaha puntland bad iyo bariba isagoo ku shubta akoono u gaar ah uu na u haayo liibaan Muusse Boqor.
Gen.Cadde Muusse ayaa Puntland u kala diray Sawir ahaan sidatan iyadoo aan tix ahaana ku muujin doono.
Cadde Wuxuu dhiibay gabi ahaanba gobolka Sool,Cayn iyo Sanaag oo u xuub siibatay Makhir.
Gobol Nugaal oo waxgaradkiisa,Isimadiisa iyo Siyaasiyiintiisaba ay kaso taagan yihiin,iyagoo fahmi waayey Siyaasada Cadde Muusse.
Halka Gobolka Bari ay beel Beel isu hortaagan yihiin kuna heshiin waayeen deegaankii isagoo ku dhex wada qas.
Gobolka Mudug ayaan Maamulka Cadde Gaarin waligiis,kana madax banana Maamulka Cadde.
Tixdan Murtida ah ayaan ku qeexaynaa Xaalada Guud ee Puntland iyo wax qabadka Cadde Muusse.
Sadexsaniyo dheeraad, macdanbaan safaynoo
Saliidbaa laqodayaa, ayaad nagu sasabaysee
Saakana xaalku suu yahay, caad kaama saarnee
Ee maxaad soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
Soonihii aad doontoo, Servey inaad udiratana
Siciimadii utalin jirey, Hadii ay saluugeen
Dhaqankaagu siduu yahay,
Maxaad soo sidaayoon, cadow kaa sugaynaa
Hadaan saafo hadalkoo, aan kadaayo saridoo aan hoos usii dego
Saleebaanadii toox, waa hore suntaystaa
Survey guud hajoogee, Sanbal saaka diidane
Sahan indan u dirataa, sahal maanta maahee
Maxaan soo sidaayoon, cadow kaa sugaynaa
Buruc sooneheedii, reer samantar diidoo
isa seegte waa hore, Bacaadoo kasoo rogan
Siciid oo matalayana,haduu saaka tegeyoo kugu yiri salaamaad
Maxaad soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
Xaabsadane sool iyo Sanaag koonfurteediyo Hadii uu lategey Cayn
Maxaan soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
Iyaguna sanaag bari, puntland kasiqe oo maakhir bay salaxayaan
Ee maxaad soo sidaayoon, Cadow kaasugaynaa
Sabadkii Nugaaleed, salaadiintii joogtiyo
saciimadoodii aragnoo, sadex waxay kumarayaan
sunijiif agteediyo, Conoco sooneheedaba Inaanad soo agmarikarin, dawladna ay lasugayaan Ee maxaad soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
Seeraheeda Mudugbaan, sadexsano iyo dheeraad saldanadaadu Gaarino, saamayn aanay lahaynoo saaka iyo seben hore, sifeheedu yahay same
Ee maxaad soo sidaayoon, cadow kaa sugaynaa Dadkeenii siraadiyo, areedada ku noolaa Silic bay mareenoo, u socdaale aakhiro
Inta saaka noolina, sedrigey ku haystaan
Saxalkaa ku foorara, saantey sariiktaan
Siqiirkaa lasuujaa, maatadaa lasolayaa
Ee Maxaad soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
Cimri tegey samaanbaa, lagu sii wadici jirey
Hadii aan sifeeyoo, siyaasdaada fiirshana
Waxa aad usoctaa, puntland soohdinteeduba
Bari inay kusimantoo, aad katahay siciim kore
Sokeeyehaa'iyo adiguna sunaada aad kagurataan
Ee Maxaad soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
Waxay saban sabdhaysaba, meel roon bey saldhiganoo
Puntland samaaniyo, khayrbaa eebe siinoo
Salowgaad kutuurtiyo, siriqda way kabixiyoo
Saatirkaa asturayoo, sinsaaradaada kaga filan
Adiguna sirlowow, sifahaagi aragnaye
Ee Maxaad soo sidaayoon, Cadow kaa sugaynaa
A.H.Mohamed
Deeble72@hotmail.com
Afeef maqaalkani ka turjumi mayo shabakada wararka Waayaha.net, waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan