Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Beesha Ciise oo kalsoonidii kala noqotay dowlada Labada Kornayl.

Sida la wada ogsoonyahay Besha Ciise Max’ud  waxay ka mid tahay beel weynta Harti ee dagta Gobolada Puntland,Jubaland,gaar ahaana Beesha Ciise Max’ud waxay si gaara u dagtaa meelo ka mid ah ah gobolka Bari,Sida Boossaaso,Baayla iyo Qardho,

 

Beeshu sidoo kale waxay dagtaa gobolka  Nugaal gebi ahaanba iyo gobolka Mudug,sidoo kale waxay Maajoorati ka tahay dadka dega Jubbada hoose,gaar ahaan Kismaayo,Buula iyo Xeebta dheer ee Kismaayo ilaa xuduudka Kenya,iyadoo ah Soomalida aagaas dagta

75%.

 

Beesha Ciise Max’ud waxay leedahay Hogaan dhaqan oo ka kooban ISlaan,Suldaan iyo Waliba Nabadoonka guud ee Jubadda Hoose,Beeshu waxay kale oo ay leedahay in ka badan 37Nabadoon iyo Caaqil.

 

Beesha Ciise Max’ud waxay kale oo ay can ku ahayd inay ka mid ahayd Xildhibaandii Somalida ee xilliyadii 1954-1969-kii ,kuwaas oo kala ahaa Xaaji Aden,Xaaji Max’ud Cabdulle,Xaaji Abshir,Xaajamac Aw-Nuur,Xirsi Bulxan,Max’ed Cali Dacar,Max’ed Ciise Wacays(Xiiray),Axmed Ceegaag,Diiriye Muuse Matan oo ka iman jiray dhinaca gobolada Puntland.

 

Dhinaca Juballand waxay Beeshu ku lahayd Xildhibaan Max’ed Mire,Max’ud Ciise

Dhalacadde iyo Ismacil Xaaji Warsame.

 

Beesha ayaa sidoo kale Cuqaal iyo waxgarad ku lahayd gobolada kale oo Somaliya Sida gobolka Galguduud oo uu joogay Xaaji Cilmi,Gobolka Hiiraan Yuusuf Ismaciil,Gobolka Banaadir Sheikh Xassan Lugay,Gobolka Bakool Xaaji Noor Daarood kuwaas oo u dhignaa  Heer Harti iyo Daarood weynaba.

 

Hadaba waxaan umadda Somaliyeed u sheegay in beesha deegaanka iyo baaxada intaas la eg leh,aan dhismaha dowlada FKMG ah ay ka waydo wax Saami ah,aysan ahayn wax qabta.

 

Beeshu Xukuumadii horena way ku xaqinayd oo kama aysan helin wax u dhigma cadadka iyo balaarka deegaanka ay leedahay,wayna ku samirtay kuna aamusnayd hadii xal Somaaliyeed lagu gaarayo,waxaase layaab iyo fajiciso noqotay in sadkii ay awalba quursanaysay hadda ay waydo,sidaas Darteed waxaan u sheegaynaa umadda Somaliyeed dhamaanteed in manta wixii ka danbeeya aysan beeshu ka mid ahayn DFKMG ah,Kalsoonidiina ay kala noqotay,cidii ay wax kala galaana ay si toos ah ugala soo xiriiri karayaan hogaanka dhaqanka ee Beesha,C/laahi Yuusufna uusan Beeshaas Matalin,wuxuu la yimaado khayr iyo Sharba ay isaga u gaar tahay.

 

Col.C/laahi Yuusuf iyo Gen.Cadde ayaa iyagu ku shirkoobay in Wixii Mansab iyo Maal ah ee ka soo baxa labada Maamul ee Federalka iyo Puntland ay afka u dhigtaan,waxayna u dhiibteen si laysu aamino laba nin oo midba midka kale ay jifi hoose isla yihiin,Tusaale ahaan Gaagaab oo  C/laahi Yuusuf Adeer u yahay,(Reer Mahad Cumar Max’ed)wuxuu hayaa Wasaarada Maaliyada Puntland,halka Max’ed Yuusuf ay Gen.Cadde isku jifi yihiin(Bah Dir C-Max’ud)taas oo u muuqata qayb xaaraan  ah oo aan israaci Karin,aysana ka dhex  heli Karin  Besha,Daarood,Harti,Majeerteen,iyo waliba Max’ud Saleebaan midna.

 

Beesha Ciise Max’ud waxaa kale oo layaab ku noqotay khayaanadii uu C/laahi yuusuf ka samaynayey gobolka Jubadda hoose,ka dib markii ay xooga kusoo galeen Malayshiyo beeleedka doolka ah ee  u habsaday magaalada Kismaayo,isagoo  mar walba ka hor istaagi jiray waxii qaban qaabo,abaabul iyo diyaar garow ah oo beelaha weynta Harti ay ku doonayeen in magaalada ay dib ula soo noqdaan,isagoo  kuna andacoon jiray ama ku hoodadayn jiray in isagu uu jac la maaganyahay,anaa qabanaya dowlad baan ahay,dab kalaa igu shidan iigu kaadsha,taas oo u muuqata diidmo dabdan oo kursigiisa uu ku xajisanayo.

 

Gen Cadde iyo Col.C/laahi Yuusuf ayaa waxay kale oo ay isku ahaysteen,burburinta Puntland,sida Dhaca,khiyaanada,xaalufinta dhaqaale ee bad iyo birriga iyo iibinta dhulka SOOL,SANAAG iyo CAYN,ku darsashada hal sano oo aan Dastuurka waafaqsanayn oo isaguna khiyaano ah,iyagoo ku doonaya xoolo gurasho iyo xukun aan cago adag ku taagnayn,kaas oo aan haysan kalsoonida shacabka Puntland iyo kan Somaliyeed intaba.

 

Gadashada Siyaasadeed ee gobolada Sool Sanaag,Cayn iyo waliba jubada hoose waa mid ay ka midaysan yihiin labadan nin ee  Gen.Cadde iyo Col.C/laahi Yuusuf.

 

Hadaba waxaan ugu baaqaynaa Shacabka gobolada Puntland iyo Jubbaland inay isugu yimaadaan Shirar deg deg ah oo laggaa arrinsanayo aayaha deegaanadooda iyo

kalsoonida lagu sii qabi karo Cadde iyo C/laahi.

 

Beeshu waxay haatan ku guda jirtaa shirar muhiim ah oo ay kaga

arrinsanayso,arrimahaas madowga weyni hareeyey,Waxayna shirar ku qaban doontaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,waxayna shir weyn ku yeelanayaan khadka telefoonka ee loo yaqaan (Teleconference) Maalinta Axadda ee fooda inakusoo haysa.

 

Waxaana la ogaysiinaya aciida ay qusayso inay wixii faah faahinta kala xiiriraan

Emailo sireeda Beesha.

 

Waad Mahadsantihiin.

A.H.Mohamed.

Deeble72@hotmail.com 

 

Afeef maqaalkani ka turjumi mayo shabakada wararka Waayaha.net, waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan   

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software