Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
London: Siminaar lagu hirgelinayey sharciyo cusub oo ay qabatay shirkada Xawaaladda IFTIN EXPRESS.

Siminaar  ay isugu yimaadeen wakiilada shirkada Xawaalladda IFTIN EXPRESS ee UK,oo lagu qabtay Bridge Park Complex halka lagu magacaabo Stonebridge magaalada London, ayaa  ujeedadiisu ahayd sidii ay u dhaqan geli lahaayeen sharci cusub oo dhowaan lagu soo rogay shirkadaha Xaawalaha ka diwaan garaysan dalka ingiriiska. 

Sharcigaan oo lagu magacaabo  (Third EU Anti –Money  laundering Directive) ayaa wakiiladii shirkaan ka soo qayb galay waxay aad ugu dheeraadeen sidii sharcigaan cusub loo hir hir gelin lahaa,iyadoo laga dhaadhinacanyo macaamiisha shirkadaha iyo weliba sida uu iyaga u saamaynayo.

Sharcigaan ayaa dhaqan gelaya 15/12/2007 waxase shirkaddu soo hormarisay muddo bil  ah sidii ay u sii ay bari lahayd macaamiisheeda sharcigaan cusub.

Sharcigaan cusub ayaa qofka lacagta dirsanaya laga rabaa inuu la yimaado  waxyaabo cadaymo ah sida magaciisa oo buuxa, halka uu degan yahay iyo weliba dhalashadiisa, taasi oo aan horay u jiri jirin,waxaana iyana intas dheer oo qofka laga rabaa haddii uu dirayo lacag gaaraysa $1300 iyo wixii ka badan inuu la yimadaado aqoonsi sida Baasaboor iyo laysanka gaariga.

Shirkaan ayaa waxaa furay Naciim Cali oo ah madaxa shirkadda ee London, wuxuuna hadalkii ku wareegiyey C/rashiid Farax  oo ah madaxa shirkadda  ee dalka Ingiriiska.  C/rashiid ayaa si qoto dheer uga hadlay sidii ay shirkaddu ku gaarsiin lahayd wakiilada sharciyada caalamiga ee markaas soo baxa iyo weliba hir gelintooda.

Mar uu la halayey wakiilada ayuu Cabdirashiid carabka ku adkeeyey waajibka saraaran wakiilada iyo sida ay muhiim u tahay hirgelinta sharciyada markaas loo gudbiyo.

Waxaa isna sidaas oo kale shirkaas ka hadlay C/salaam Shariif oo ka socday Somali Financial Services Association (SFSA), waxaana uu sheegay in sharcigaan cusub ee soo baxay aan cid gaar ah laga raadsanayn ee ujeedadu tahay in lacagaha la dirayaa ay si sharciya ku baxaan, sida bangiyada iyo meelaha kale caalamiga ah ee lacagaha lagu diro.

C/salaam ayaa ku dhiiri geliyey wakiilada Shirkada IFTIN EXPRESS inay hir geliyaan sharcigaan, waxaana ugu baaqay dhamaan macaamiisha shirkada in arikaani uusan ahayn mid iyaga wax u dhimaya ama si gaar ah loogu beegsanyo.

Dadka lacaga dirsada qaarkood ayaa walaac ka muujiyey sharcigaan cusub waxaase shirkadu soo jeedisay in muhiim tahay macaamiisu sharciga u hogaasanto “qofku lacagtiisa isagaa leh  xorna u ah ma jiro cadad lacag ah oo loo xadiday” ayey yirahdeen maamulka shiradu iyagoo intaas raaciyey inay muhiim tahay in wax walba sharciga la waafajiyo.

Ugu danbaytii ayaa shirkadda IFTIN EXPRESS waxay ka codsatay macaamiisheeda labadan qodob.

1)-Macaamiisu inay la shaqeeyaan oo laga helo  ama ay dhiibaan waxaa uu sharcigu uga baahan  marka ay lacag dirsanayaan iyo marka lacag loo soo dirayo.

2)-Wakiiladu waa inay si buuxda uga dhaadhiciyaan macaamiisha sida sharcigu ayahay fuliyaana dhaqan gelinta sharcigaan cusub.

Gabagabadii shirkaan ayaa waxaa soo xiray Miciin Cali oo isagu ah mas'uulkii shirka soo qabanqaabiyey, wuxuuna u mahadceliyey wakiiladii iyo madaxdii ka soo qaybgashay shirkaan.

Abdirazak Yassin Caanogeel
WYN, London




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software