Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Soomaali wada jir ahaan ma u ducaynaa

Ku: Shacabka Soomaaliyeed

Ka:       Cabda Cabdullahi

Ujeedo:   Walaalayaal Wada Jir Maw Ducaysannaa

Taariikh: 11/10/07

 

Assalaamu calaykum wa Raxtullaahi wa Barakaatuhu Magaca Allaah baan ku bilaabayaa Walaalayaal ugu horayntii waxaan inoo rajaynayaa Ciid Barakaysan meel aan joognama.

 

Walaalayaal waxa inaku dhacay isugu soo celinmayno oo waa kawada dheregsannahay.

 

Allaah oo inoo naxariista maahe runtii xaalkeennu waa dhaafay waxa basharka caadiga ahi yaqaan.  Qofkii mooda in dad gaar ahi meesha aan naal ka mas’uul yihiin runta waa garab marsanyahay.  Waa run in lakala dambi badanyahay oo ay jiraan gacan ku dhiiglayaal iyo mujrimiin waawayn, laakiin Soomaalida ka badbaaday ka qayb qaadashada belaayada iyo bur burka dalkeenna, waxaan is leeyahay, ma badna.  17 sano baynu ku jirnaa inaynu caruurteenna iyo hooyooyinkeen layno, waxaan afka soo marikarinna ku samayno cirdigeenna, walina u heelannahay inaan sii wadno, Allaah SWT waxaan ka baryaynaa in sannadka 18 tobnaad nabad inooku bilawdo.

 

Walaalyaal waxaa jirta shax caalami ah “international” oo la yiraahdo labo daran mid

doorada maxaabiista “the Prisoners’ Dilemma” shaxdaasi labo dhinac bay u dhexaysa waxayna u dhigantahay sidan waxay tilmaamaysa sida shaxdu ku dhammaan karto:

 

guulayso       guulayso       “win Win”  = Heshiiskenna

guulayso       guul darayso   “win lose”

guul darayso   guulayso       “lose win”

guul darayso   guul darayso   “lose lose” = Dagaalkeenna

 

Innaga arrinteennu waxay ku socota shaxda meesha ugu hoosaysa haddaynaan is daba qaban.  Ogaadana si fudud baynu ku tagi karnaa shaxda meesha ugu saraysa, labada qaybood oo kale qofka ku tashadaa waa qof isagoo soo jeeda riyoonaya, ee waxaan u soo jeedinayaa inuu xaqiiqada ku baraarugo.

 

Intaas ka dib waxaan jeclahay inaan idinla wadaago su’aalaha soo socda in shaa Allaah.

 

Maysa su’aashay is layntenna faa’iidada ama khasaarada kuugu jirta, adiga qof ahaan, adduun iyo aakhiro?

 

Maysa su’aashay xukunka Allaah oo ku aadan qofka naf Allaah rumaysan xaq daro ku dila?

 

Haddaad maanta dhimatid meel sidee ah baad jeclaanlahayd inaad uga tagtid

carruurtaada.  Ma waxaad jeclaanlayhayd inaad uga tagtid guri colaadeed mise guri

nabad ah iyo daris wanaagsan. 

 

Ma waxaad aaminsantahay in kooxi koox inta ka adkaato khasab ku xukumayso?  Hadday dhacdase ma guul baad u aragtaa inaad walaalahaa gumaadid?

Maysu su’aashay, si dadnimo, daacadnimo iyo dammiir nooli ku jiro sababta runta ah

oo keentay Maraykanka diyaaradahiisa hawadeenna heehaabaya, qashinka dilaaga ah oo dhulkeenna lagu xabaalo, khayraadka baddeenna oo joogtada loo xadayo, Itoobiya iyo Eritreya oo dalkeenna ku loolamaya?

 

Ma ogtahay in Bush iyo xulufadiisu aad u danaynayaan in dagaalka Soomaaliya sii

socdo ayna kaga doodaan kulamadooda, iyagoo ka xun, in Soomaalidu wali is

jecelyihiin oo wax wada cunaan, wada fariistaan meel walba iyagoo qoslaya, ayanna

wali gaarin meeshi la rabilahaa inay gaaraan?  

 

Ma jeceshahay inaad nabad u seexatid gurigaaga adigoo aan Allaah maahe cid kale ka baqayn?  Waa siday Soomaaliya ahaan jirtay maalin maalmaha ka mid ah! Allow na waafaji inaan soo ceshanno annagaa iska tuuraye.

 

Maysa su’aashay cidda maslaxaddaadu ku xirantahay; ma dariskaagaa mise waa reer

qansaxa aad ku ab tirsatid?

 

Ma ogtahay dabka meesha lagu shido bay dhamacdiisu ku duugantahaye, waxaa la mid ah qofka sharka ka shaqeeya, guriisay dhibaatadu ku wareegsantahy, aakhirkana isagay halaagaysaa “Allaah SWT baa inoo sheegay marka shaki kuma jiro ee qof walowba ku dadaal inaad gacanta kala baxdid belaaya oo Allaah u carartid inta goori goor tahay.

 

10.Ma ogtahay Allaah SWT inuu ku tilmaamay qofka qof muslim ah xanta sidii qof

walaalki cilibkiisa oo mayd ah cunaya?  See yahay xaalkaagu haddaad banaysatid wax ka sheega qabiil ama qabaa’il dhan?

 

11.     Ma ogtahay in Allaah SWT yiri nafina naf kale dambigeeda ma qaado?  Sidee

baad qabiil dhan ama koox dhan dambi u wadaajisaa ma Allaah baad beeninaysaa?

 

Walaalayaal waxaan si niyad sami ah, oo walaalnimo, islaamnimo, ehelnimo, darisnimo,xididnimo, Soomalinimo iyo danteenna oo aan aaminsanahay inay HAL MID tahay u soo jeedinayaa inaynu inta is gaarsiinno meel aan joognaba wada jir u ducaysanno, oo Allaah ka barino inuu inaka dhaafo waxaan galay inakana dul qaado dhibaatada ina dul taal.

 

Waa walaashiin Cabda Cabdullaahi oo idin leh khayr ku ciida, nabad ku noolaada,

islaamnimo ku dhinta, islaamnimana kuna soo baxa maalinta Allaah la hor tagayo.

 

Wax ka sheegiinna iyo wax u sheegiinnaba waa soo dhawaynayaa in shaa Allaah.

 

Wassalaamu calaykum

 

Cabda12@hotmail.com

Maqaalka waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan ka turjumi mayo shabakada Waayaha.net

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software