Muqdisho (WNT)-Xusuuq aan qarsoodi lahayn laguna asal guurinayo dadka asal ahaan u leh magaalada Kismaayo ayaa maalmahan si xawli ah uga socda magaalada Kismaayo,kaasi oo lagu bar tilmaameedsanayo,dadka aqoonta iyo dhaqaalaha lagu tumayo.
Ujeedada arintaan ka danbaysa ayaa lagu sheegay sidii looga asal guurin lahaa dadka deegaanka magaalada Kismaayo, kaasi oo ay wadan malayshiyaadka magaalada haysta ee haraadii dooxada Jubba iyo malayshiyo beeleed horay dawlada u taba barratay oo iyana ku biiray xilligii ay ay magaalada qabsanayeen.
Magaalada oo soo martay mar xalado kala duwan intii ay Soomaaliya ay ka bilowdeen dagaalada sokeeye ayaa horay waxaa xasuuqii ugu weynaa hal habeen ka gaystay malayshiyaad ka amar qaadan jiray Axmed Cumar Jees kuwaasi oo magaalada ku dilay 98 oday iyo 13 aqoon yahan oo ah kuwii gobolkaas ee talada la weydiin jiray, arintu waxay ahayd mid isir tir tir laakiin Axmed kuma xisaabtamin haddii aqoonta u laayo cidda uu wax la qaysanayo? caqli fiicani ma fakarin.
Arintaan ayaa waxaa ka danbeeyey oo badalay is bahaysigii dooxada Jubba oo isagu si dadban iyo si muuqataba u qaxiyey oo u xasuuqay dadka deegaanka waxaana magaalada Kismaayo ka dhacay intii is bahaysugu joogay barakicii ugu xumaa iyadoo wixii harayna ay magaalada ku joogeen xoolahooda oo laga qaadi jiray lacag joogto ah oo lagu sheegay in ammaankooda lagu sugayo.
Dadka deegaanka ayaa rajaddii ugu roonayd u timid kolkii ay soo baxeen midowgii maxaakiimta islaamiga, waxaana dadka deegaanku sheegeen in maxakiimtu ay tahay rajadii ugu fiicnayd ee ka soo baxda koonfurta 17-kii sano ee ugu danbaysay, maxa yeelay bay yiraahdeen haddii ammaan aanu helo ayaa nooga fiican wax kasta.
Inkastoo qaybo ka mid ah dadka deegaanku ay carro xun ka muujiyeen qaab qaybiskii maamul ee maxaakiimta haddana mar walba waxay aammin sanaayeen in aan loo xasuuqayn si ili qabatay ah, oo ah midda ay ku kacaan malayshiyaadka dooxada Jubba.
In yar ka dib markii ay milmeen oo laga awood roonaaday midawygii maxakiimta ayaa halkaas waxaa dawlada FS ka samysay maamul ka kooban mid degmo iyo gobol, waxaase arintaas cagta ku dhuftay malayshiyaadkaan mudadii ugu danbaysay meesha lagu beerayey oo iyagu mar walba ku taamayey sidii ay mar kale gacantooda ugu soo noqon lahayn magaalada Kismaayo, waxaana meesha ka baxay guud ahaan maamulkii meesha laga unkay waxaana rabashadihii biloway 23 bishii April ee sandkaan ay ka tageen dhimashada ilaa 120 qof iyo dhawaac intaas intaas ka badan, taasi oo ay dheertay asal tir tir joogto ah oo lagu ugaarsanyo dadka gobolka ee aqoonta iyo dhaqaalaha u saaxiibka ah.
Dawlada ayaan iyadu markii ugu horaysay sheegtay inay arinta wax ka qabanayso, waxaase aan wax ka qabsoomin guud ahaan isku daygoodii oo waxaa gonofka ku dhuftay is bahaysiga doonada Jubba, iyagoo weliba waa is bahysigee ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan oo dejiyaan magaalada qaybo ka mid ah wufuudii loo soo diray, kuwaasi oo weli ku sugan magaalada Kismaayo markhaatina ka ah dilka lagula kacayo dadka biri mageydayda ah, waxaana meesha lagu siiyaa sandareerto yar oo looga soo gooyo canshuraha laga soo qaado dekada iyo lacagaha baada ah ee laga ururiyo dadka rayadka ah.
Marka loo eego xasuuqa joogtada ah iyo aamuska dawlada ayaa dadka siyaasada ka fooloodaa ay sheegeen inay M/weyne C/llaahi Yuusuf uu isagu heshiis qarsoodiya kula galay malayshiyaadkan inay iyagu gacanta ku hayaan magaalada Kismaayo si aan rabshooyin ugaga furmin gobolada ay ka soo jeedaan ee Gedo iyo Galgaduud taas oo inta badan lagu saleeyo aamuska dawlada (gaashaanti aamuskaa lagu meheriyaa).
Waxaa iyana jiray wafdi ballaaran oo ka socda beesha degaanka qabsatay oo ay hogaaminayeen Maslax Max’ed Siyaad iyo C/qaadir Xaaji Masalle oo tegay dalka Ethiopian, kuwaasi oo R/wasaare Zanawi ka codsaday inuu gacan ku siiyo gacan ku haynta magaalada Kismaayo sidii aabihiis max’ed Siyaad uu gacanta ugu siiyey sidii uu u noqon lahaa hogaamiyaha dalka Ethiopia, waxaana guud ahaan arimahani muujinyaan sawir ah in dawladu ay raali tahay arimaha meesha ka socda
Soomaalida ayaa tiraahda (Xagalo Geel wax gunti la geliyo ka weyn), waxaa taasi lagu sheegay xisaab xumo xagga dawlada ah oo haddii ay guul daraysatay inay u xaqsoorto shacabka ay sheegaysanyso inay matalyso, maxay ugu sheegi weyday malayshiyaadkan inaysan xasuuq u gaysan dadka loo hibeeyey,kismaayo se gunti ma geli kartaa?.
Waxaana arintaan shakigii ugu weynaa uu ka yimid kolkii sarkaal ka socda sir doonka dalka Ethiopia uu tegay magaalada Kismaayo si uu soo indha indheeyo habka ay maamulayaan malayshiyaadka magaalada haystaa iyo weliba inay joogaan meesha waxaa loogu yeero argagixisadu, waxaana tani meesha ka saartay rajadii laga qabay ciidamo dhowaanahan la sheegay in gobolka loo dirin doon si ay ammaanka soo celin doonaan,una bad baadiyaan waxaa ka sii harsan dadka deegaanka.
Falkii ugu foosha xumaa ayaa shalay kadhacay magaalada Kismaayo iyadoo duhur cad magaalada gudeheeda laga kaxaystay laba dhalin yaro ah oo ganacsato ah iyadoo si ili gabatay iyadoo dadku daba yaacayaan loo toogtay duleedka magaalada Kismaayo, waxaana arintaa lagu sheegay in loogu aarayey Tegrega ka tirsan sirdoonka Ethiopia oo habeenkii ka heeyey magaalada lagu xabadeeyey loogu aarayey si loogu qancinayo, cajiib!, waxaana tan ka horeeyey nabadoon ganacsade ahaa habeeno yar ka hor lagu khaarajiyey gurigiisa hortiisa?.
Guud ahaan arintaani waxa rajo xumo ka muujisay dadka deegaanka oo shalay iyagoo idacadaha ka hadlayey ka sheegay in laga soo gaaro xasuuqa lagu hayo,hase ahaatee uma muuqato mid ay gacan ku helayaan.
Marka laysku soo wada xooriyo, ayaa tan lagu tilmaami karaa xisaab xumo C/llaahi Yuusuf oo damiciisa qofka ah ku bixiyey gobol dhan iyo dadkiis iyadoon habeen kasta si joogta ah waranka looga aslayo mana uusan rog rogin dhibta asal ahaan arintani dawladiisa ku keeni karto.
Editorial In Chief Waayaha.net
Editor@waayaha.net