Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Masjidka AL HUDDA ee Garoowe oo u baahan il la dhamaystiro $45.000 kun oo Doolar,ka qayb qaado (fiiri sawirada)

Xaalada dhisme ee Masaajidka (AL-Hudaa)ayaa Maraysa Gabo gabo,iyadoo hadda gacanta lagu hayo qaybtii ugu danbaysay oo loo qorsheeyey inay noqoto Machad Diinta Islaamka lagu Faafiyo.

Masuuliyiinta Masaajidka AL-Hudaa ayaa hadaba Umadda Islaamka ah ka codsanaya iyagoo ka faaiidaysanaya Munaasabada Bisha Barakaysan ee Ramadaan inay ka qayb qaataan inta dhiman dhismaha Masjidka.





Shiikh C/qadir Nuur Faarax  oo ka mid ah culimada Somaliya aadka yaqaan isla markaana ah Sheikha Gacanta ku haya  dhismaha Masjidka  oo Shabakada Waayaha.net ay waraysi kala yeelatay Xaalada Dhismaha Masaajidka ayaa ku jawaabay sedan”Masaajidku waa 2qaybood , qaybta hoose waa dhamaystirantahay tan labaadna wax yara ayaa u dhiman, sidoo kale waxaa qabyo ah Machadka oo ah qaybta saddexaad, haddaba waxaan islaamka u sheegaynaa inay kaga faaiidaystaan fursada Bisha Ramadaan oo ay ka qayb qaataan dhamaystirka masaajidka , waana fursad qaaliya oo ah mid adduun iyo aakhiraba meel u yaala qofkii wax ku darsada dhamaytirka masaajidka.

Sheikh C/qaadir Nuur oo aanu wax ka waydiinay kharashka dhiman ee haatan Masaajidku u baahanyahay ayaa yiri Mar kale “Waxaanu ku qiyaasnay lacagta hadda uu u baahanyahay masjidku iyo mida dayntaa ee lagu leeyahayba sidatan:$10,000kun oo ah daynta masaajidka gashay,$15000 waxaa lagu qiimeeyay Manaarada masaajidka,iyo $20,000 oo aanu ku qiyaasnay dhamaystirka Machadka qaybta sare ah, Qiyaastaasna anagaa samaynay ee maahan mid uu injineer noo qiimeeyay, guud ahaana lacagta hadda lagu qiyaasay  inuu ubaahanyahay masjidku waa $45000kun oo Doolar*.

Hadaba hadaanu nahay Bahda Shabakada Warbaahinta ee Waayaha.net-Waxaanu Umadda Islaamka ah ka codsanaynaa meel Walba oo ay joogaan inay Masaajidkan u gurmadaan oo ay Saqadooda u ku darsadaan dhimaha Masaajidkan oo ah Sadaqada kaliya ee Ruuxa u socota ka dib marka uu geeriyoodo.

Wixii faah Faah Faahin ah kala Xiriir Sheikh C/Qaadir Nuur Faarax:-25290746134

Gudoomiyaha Masaajidka Yaasiin C/laahi Cali...........:25290724462

Xaaji Yuusuf Jamac Dagal Cambe----------------.-----25290794245

Nabigeenu Xadiis wuxuu ku yiri:Sadaqadu Xoolaha ma Nusqaamiso.

Daabacaada:Waayaha.net




   
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software