Joker(ka) noo harsanaa ee laysku badbaadin karay wuxuu ahaa Diinta, isagiina si khaldan oo aqoon yari, siyaasad xumi iyo virus Q u sabab yihiin baa loo isticmaalay.
Maadaama xubnaha kala yaacaya ay markii horeba ka tirsanaayeen jir muslin ah, ayay unuggyo ka tirsan xubnaha qaarkood la noqotay gariisa ahaan (by instinct); ’in jirka Soomaaliga dib laysugu soo cesho, iyadoo la adeegsanayo shareecada Islaamka’.
Halkii ay isku hawlin lahaayeen badbaadinta iyo nafaqaynta Dhiciska iyo daaweynta iyo soo kicinta Maskaxda suuxsan, ayay iyagoo si xawli ah u socda xoog u dhex galeen xubnihii jirka qaarkood. Sidoo kale, halkii ay la xiriiri ama kaashan lahaayeen unugyada kale
ee xubnaha jirka, ee laftigoodu rabay shareecada Islaamka – bay la noqotay inay iyaga keliya wataan islaamkii saafiga ama runta ahaa (pure or real Islam!)
Qaylo dhaan iyo waa waray baa bilaabatay. “Hanalaga soo gaaro unugyadaan… waxaan isaga difaacno ma haysanno…Maskaxdii naga dhicin lahayd weli waa suuxsan tahay…iwm.
Si dhiciska loo badbaadiyo, xubnahana looga cesho soogalootiga(antigens), ayaa adduun- weynuhu soo gurmaday. Haatan adduunku wuxuu goostay inuu jirkaan iska soo taagan ee 17(ka) sano bilaa maskaxda ah wax ka qabto. Waxaa xusid mudan in noo soo gurmadka adduunku ay unugyada jirka Soomaaliyeed ku dhalisay laba mawjadood oo kala aragti ah.
Qole qabta in soo galooti shisheeye (foreign antigens) oo cadow ahi ay jirka Soomaaliga xoog ku soo galeen; iyo qolo qabta in la helo cid naga xoog badan (waxay rabto ha ahaatee) oo xubnahaan isku dhex raftay dib isugu keenta. Qolada hore waxay leedahay, marnaba macquul maahan in cadow kuu gargaaro; qolada dambena, waxay la tahay in cadowga laftiisa laysku daaweeyo. Tusaale ahaan, si dadka jirrooyinka halista ah looga badbaadiyo, laftigooda ayaa lagu tallaalaa (vaccination); sidoo kale, haddii loo leexdo suugaan carruureedka Soomaalida, waxaa jira googaale xigmad weyn ku fadhiya oo carruurtu isku xujeeyaan. “Col ku dilay ciidan mood” – oo jawaabtiisu tahay “Qodaxda”. Reer miyigu , markii qodaxi muddo mid kalay isaga bixiyaan! Illeyn irbad iyo wax kala toona lama haystee. Nimankii ummadda neefta ku ceshay oo maarada loo waayay, baa la yiri, “ Na hoggaamiya oo Maskax(dawlad) noo foosha oo mooryaanta kale ee yaryar naqa qabta, idinkaa tab yaqaane!”. Arrinta cadowga soo galayna in badan baa ciidan u aragta.
Intaanan dhan kale u gudbin, waxaa xusid mudan dhawr arrimood oo bulshada badankeedu aysan si fiican u wada fahansanayn, oo ku saabsan garta ama xaalka dhexyaal kooxaha cusub ee asalraaca isku tilmaama iyo ahlu sunnah wal jamaaca; macnaha salaf saalixiin iyo khalaf as-saadiqiin; macnaha ay leeyihiin ereyada sunnah, mad-hab, fiqi, iwm. Ereyada samankaan badiba lawada hadal hayo waa Salafiya iyo Sunnah.
Horta ma jirto madhab la yiraahdo Salafiya. Qolooyinka asal raaca ah ee diiddan tixraacidda fiqiga madaahibta (taqliid) ayaa la baxay Salafiyiin, iyagoo ka wada inay u dhuun daloolaan samankii Salaf saalixiinta oo ahaa muslimiintii labadii qarni ee ugu horreeyey ee Islaamka (Saxaabadii, Taabiciintii iyo Kuwii-sii-taabacay). Culimadii Islaamka ee timid qarniyadii 3aad iyo 4aad baa iyagana la yiraahdaa Khalaf as-saadiqiin. Ictiqaadkii iyo ijtihaadkii culimadaas ayaa la yiraahdaa madaahibta Ahlu sunnah wal jamaaca. Afarta ugu waaweyni waa Shaaficiya, Hanbaliya, Maalikiya iyo Xanafiya. Usuusha Islaamku waa labo (quraanka & sunnada), waxaase lugu kala aragti noqday fahamka(fiqiga) Usuusha oo noqday (Furuucda).
Habkii (method) ay culimadaasi Usuusha u fahmeen oo u fasireen si loogu dhaqmo ayaa mad-hab la yiraahdaa. Fahamka Usuushu(Quraanka & Sunnada Nebiga scw), iyo fasiriddooda iyo ama xukun ka soo saariddoodu aqoon farabadan oo ugu yaraan 15 maaddo lugu sheego bay u baahan tahay.Tusaale ahaan waxaa ka mid ah : Cilmu Luuqa (philology of language); Naxwe (syntax); Sarf (etymology); Ishtiqaaq (derivatives); Cilmul macaani (knowledge of semantics); Cilmul bayaan (knowledge of figures of speech); Cilmul balaaqa (knowledge of rhetoric); Cilmul qiraa’aat (knowledge of the art of pronunciation); Cilmul Cibaadaat (knowledge of the fundamentals of faith); Usuul fiqi (principles of islamic Jurisprudence); Cilmul xadiith (knowledge of axaadiith); iwm. Wadaaddada hadda jooga qaarkood baa yiraahda culuumta aan kor ku soo sheegay waa bidco oo kama soo aroorin (ma jirin) samankii Salafu Saalixiinka !!! Sidaas daraadeed, loomaba baahna!!!!
Fiqiga Waddamada Islaamka waa Ijtihaadkii iyo fahankii afarta A’imo.Tusaale ahaan: Aljeeriya, Morocco,Liibiya, Bahrain, Muritaanya, iwm waa Maaliki; Turkiya, Aasiyada dhexe, Pakistan, Bangladesh, Iraaq, Balkans(ka), iwm waa Xanafi; Sucuudi Caraabiya, Qatar, waqooyi bari Omaan, iyo Imaaraadka qaarkiis waa Xanbali; Soomaaliya, muslinka Ethiopia, Yemen, Indonesia, Malaysiya, muslinka Filibiin, iwm waa Shaafici.
Mad-hab kasta waxaa usuul u ah Quraanka iyo Sunnada. Usuushu maahan wax sidii Dastuur oo kale qodob qodob u qoran( article by article).
Shareecaduna waa xeerar iyo qawaaniin laga soo daliishaday Quraanka, Sunnada iyo weliba Ijmaaca iyo Qiyaasta culimada. Matalan, Succudiya oo Shareecada Islaamka ku dhaqanta haddii ay qof dembi galay ku xukunto 6 bilood oo xarig ah. Meelna kagama qorna Quraanka iyo Sunnadaba 6 bilood oo xarig ah. Waa qodob xeereed lagala soo baxay aayad quraan ah ama nus hadiith ah. Si xeer, sharci, go’aan ama Fatwo looga soo saaro Usuusha waxaa loo baahan yahay fiqi.
Dadaal aan yarayn iyo ijtihaad farabadan bay soo galeen culimadii hore ee Islaamka. Haddaba, haddii fiqiga la dhinac maro sidee dal ama dad loogu dhaqi karaa shareecada Islaamka? Markii la waydiiyo wadaaddada asal raaca ah , marjaciyaddooda ama fiqigooda ay shareecada Islaamka Soomaaliya ugu dabiqi doonaan, jawaab ku qancisa ka helimaysid.
Dhinac kale haddaan eego, sheegashada ay leeyihiin Quraankii iyo Sunnadii keliya baan haysanna, baa caamadu is tiraahdaa iyaga keliya baa saxsan amaba waaba firqatul najaat (kooxda badbaaday).Waxaad had iyo jeer qurbaha ku arkaysaa qolooyin aad u khushuucsan oo qaba in diintaba qurbaha lugu bartay. Diinta yaanba si fiican loogu dhaqmin, laakiin Soomaaliya bilaa Diin ma ahayn.
Qolooyinka aaminsan in Dahaarada qurbaha lugu bartay, baan waxaan ku xujeeyay bal inay ii soo helaan qof Soomaaliyeed oo reer Baadiye ah (tus.geeljire) oo aan aqoon ereyga “Istijo!” amaba intuu muraadaysto aan isagoo isnadiifin iska kaca!! Afarta wax ee ugu horreeya wax ka sheegga Islaanimadii Soomaaliya waa “Waa la digriyi jirey; mawliidkaa loo dabbaaldegi jirey; ahlu qubuurtaa la baryi jirey iyo Suufinimo!”. (Nin baa laga hayaa, ‘Maanaa suufiya mise dadkii baa salafiyoobay!!!’.
Horaa waxaa isugu soo dhacay ‘Saalixiya & Qaadiriya’, samankii Daraawiishta, hadda oo lugu jiro samankii Maxkamadaha, ‘Salafiya & Suufiya’ baa si xun ceega isugu haya. Eebbow kuwii roon reerka u daa!). Keddib si loo badbaadiyo Unugyada Soomaalida, waxaa dalkii iyo qurbahaba ka bilawday muxaadarooyin iyo tabliiq ku salaysan Manhajyo ka soo arooray dhawr Shiikh oo (magacyadooda la yaqan) oo ka mid culimadii hore iyo kuwa samankaan.
Wixii culimadaas ka aragti duwanna waxay geleyaan baabul Bidco iyo taqliid.Unug Soomaaliyeed ee rooxaan qaba, hadduu arrimaha qaarkood ka hadlo waa lugu soo boodayaa oo looma adkaysan karo. Markayse arkaan unugyo ajnabi oo Burji leh oo digrinaya (tus. dalka Suudaan, ama sunno afar afar rakcadood ah tukanaya ama tusbax kugu soo halgaadaya salaadda keddib (sida Turkiga) ama gacmo sii days ku tukanaya (sida Liibiya) hoos bay isaga hogtaan oo kuma dhacaan inay tabliiqiyaan ama wax u saxaan si kastay Carabiga u yaqaanaan.
Hadday qolada badbaadaysa isu arkaan, maxay laftigoodi u kala firiqsan yihiin? Oo manhajyadoodu u kala duwan yihiin? Waxaa jira Salafiya jihaadiya; Salafiya tazfiya; Salafiya siyaasiya, Salafiya jadiida(neo-salafism) iwm. Fikriyan waxaaba ila macquulsan qolada labaad oo qabta in marka hore qofka diintiisa si fiican loo baro, intaan lagula xisaabtamin oo aan la karbaashin! Waxaase dhacday, in markii la yiri, ‘war Ilaahay xaggiisa haloo noqdo oo dadka Usuusha – Quraanka & Sunnada – hala baro, inay wadaaddo u badan kitaabgaab, la noqotay inaan Fiqiba loo baahnayn!!! Waxaa kaloo xusid mudan magacyada kala duwan ee kooxahaani la baxeen ee la wada garanayo.Waxa alla wixii aragtidooda ka duwani waa bidco. Arrintoodu waa ‘Sida aan annagu u fahannay Usuusha oo keliya baa sax ah.’
Ereyada ugu hadalhayska badan qoloyinkaan, waxaa ka mid ah,’sooma aroorin, waa bidco, xadiis cad baan haystaa!, waa sunno! Iwm.’
Ereyga ‘Sunnah’ waxaa mar loo isticmaalaa qaybta labaad ee Usuusha Diinka.(tus. Quranka iyo Sunnada); mar kale, waxaa loo isticmaalaa wixii ‘aan faral’ ahayn sida salaadaha sunnada ah, waxaa kaloo loo isticmaalaa’sunooyinkii – (caadaat)kii nebi Maxamed – scw. Matalan siduu wax u cuni jirey, ama u seexan jirey ama u lebisan jirey iyo wax Alla wixii uu samayn jiray ee aan ka mid ahayn Shareecada. Qolooyinkaani markay muxaadareynayaan, ma kala saaraan macnaha Sunnada. Ma kala sheegaan in sunnada ay ka hadlayaan ay tahay mid “qawli, faacili ama taqriiri ah – verbal, actions and tacit approval” ama xataa ay tahay “Sunnah tashriiciya ama gayra tashriiciya – legal and non legal Sunnah.”
Intaas waxaad maqlaysa “Waa sunno!”. Oday Soomaaliyeed oo qurbaha jooga oo arrintaani ka bad badatay baa yiri baa la yiri: ”Kaalaya, horta ninkii faral la oran jirey ma Soomaaliya baan uga soo kacnay!?”
Iyadoo awalba bulshadu la rafanaysay buktada Virus Q(ga), ee rooxaanta ku shaqaysa, baa waxaa waayadaan dambe xagga Diinta naga soo galay arrimo muslinimadii unugga shaki gelinaya.
Badiba waa la wada xusuusan yahay amuurihii soo bilawday samankii kacaanka ee tartiib tartiibta u soo xoogaysanayay, illaa hadda ay soo gaareen heer aan loo babac dhigi karin. Dhallinyaradii iyo waaridyadii isku dhacay, keddib markii dhallinyaradu yiraahdeen, ‘Xalaal iskuma aydaan soo guursan,’ ama ‘waa inaad hadda diinta soo gashaan oo aad ashahaadataan.’. Aayadahii Kufaarta ku soo degay oo laysku soo dejiyay! Guryihii ama qoysaskii la dumiyay, keddib markii rag badan xaasaskoodi laga furay, iyadoo sabab looga dhigayey taarikul salaadnimo iwm. Ugu dambaystii, waxaa haddataan weli jira qolooyin qurbaha iyo dalkiiba ku sugan, oo haddaad neef usoo gawracdid aan hilibkiisa cunayn amaba aan salaad kula tukanaynin haddaysan iyagu Iimaam kuu ahayn, oo ay Islaanimada iyo Soomaalinimaduba idinka dhexeyso!!!!!!!!!!!
Waxaa keliya ee noo haray waa in nala daaweeyaa, weliba si khasab naxdin leh ah(enforced Shock therapy), oo qaliin nalagu sameeyaa, si xubnaha jirka Soomaaliga dib laysugu wada tolo. Markaasna ay wada shaqayntii jirku ay dib usoo noqoto. Niman badan baa ku dooda oo yiraahda ”war jirka Soomaaliga iyo xubnihiisa ha laysu daayo …iyagaa is fahmi doona e” iyo “ Uma baahnin takhaatiir (faragelin shisheeye).”. Bal adigu, Reer Jeegoyahan iyo Reer Ciribyahan ma kulmin kartaa,amaba ma ka dhaadhicin kartaa inay yihiin xubno hal jir ka wada tirsan oo isku DNA ah? Maskaxdii iyo dareemayaashii ay isku fahmi lahaayeen baan weli jirin!
Waxaa jirta in cudurka waalidu uu noocyo iyo heerar kala daran oo kala duwan leeyahay. Soomaaliduse waxay waalida u taqaan mid keliya. Kan qofka la xirxiro. Qofi waa ama waalan yahay ama waa miyirqabaa(fayow yahay). Wax ka dhexeeya lama yaqaan.Buufisku waa nooc ka mid ah waalida heerka hoose. Waxaa dhacda in qof caato ahi isu arka inuu buuran yahay, oo uu cunnada ka waantoobo illaa uu lafalafo noqdo.
Markuu muraayad isku fiirshaba, cayilkiisa ayuu ka naxaa.Qofku waa isla caafimaad qabaa, cidna ka dhegeysan mayo inuu baan u baahan yahay. Sida keliya ee lugu daaweyn karo waa in si jujuub ah(khasab) ah isbitaal lugu jiifiyo. Cudurkaas waxaa la yiraahdaa Anorexia.
Sidoo kale,waxaa jira mid qofku ku waasho cunno cunid oo la yiraahdo Bulimia. Waxaa kaloo dhacda in qofi ismoodo wuxuusan ahayn, sabab kasta ha lahaatee. Waxaa jiray nin ismooday inuu yahay xabbad masaggo ah. Nin wuxuu ahaa sidiisa kale caadi u ah oo fayow oo aadan wax yarna ka dareemayn. Dhibta keliya ee ninkaas haysay waxay ahayd
Digaagga(Doorada) oo uusan arki karin oo uu ka baqayay inay kub siiyaan( cunaan!). Isbitaal baa la geeyey oo muddo dheer la daaweynayey oo laga dhaadhicinayey inuu qof yahay. Ugu dambaystii,markii imtixaankii laga qaaday uu ku gudbay oo la yiri waad bixi kartaa, buu inta dhaqaaqay haddana dib usoo noqday oo takhaatiirtii su’aal waydiiyay:
“Anigu hadda waan fahansanahay inaan qof ahay, laakiin digaagga ma loo sheegay inaanan masaggo ahayn !!!”. Isbitaalkii baa lugu ceshey.
Unug(qof) aan isu haysan inuu unug yahay, balse isu arka inuu yahay xubin ka mid jirkiisa (sida ninka xabbadda masagada ah ismooday), matalan Garabyahan, hadduu Diinta ama cilmi adduunyo wax ka barto, maxaa laga fili karaa?
Unugga(qofka) Soomaaligu burji ma leh, sababtoo ah wuxuu isu haystaa inuu xubin yahay, (tus. Cududyahan – bah Saddexsuulle, iwm.). Haddaba, ma lagu tilmaami karaa, mid kaamil ahoo wada leh astaamaha unugnimada(qofnimada)? Illaa yaraantiisi ayaa lagu soo ababinayay inuu yahay xubin. Waxa keliya ee maskaxdiisu fahmi karto, waa ka tirsanaanta iyo difaaca xubinta uu ka suntan yahay. Diin kastoo la barto ama aqoon kastoo la yeesho, waxay la mid tahay biyo lugu shubay dhul dalcad ahoo sibir(shamiito) ah. Badi waa ka wada dareerayaan. Xoogaaga qoyaanka ah ee soo harana, wuxuu ku eegayaa ama ku fasirayaa aragtii Xubinyahannimo. Waxaad arkaysaa ama maqlaysaa wadaad caalimmo ducaynaya oo leh, ‘Ilaahow jebi cadowgeenna ama gaalada’, isagoo ula jeeda reer hebelyahan. Ama waxbarte cilmi farabadan ku soo qubaystay oo ka hadlaya badbaadinta jirka Soomaaliga, isagoo ku eegaya aragtii xubneed (tus.Cagyahan – bah Rays magaadho!!!).
Aqoontu inta ay ku kooban tahay xubin keliya xigmad iyo garad toona ma yeelato. Unugga Soomaaligu weli ma uusan noqon mid isagu mas’uul ka ah falalkiisa oo qaan garay. Wax alla wixii xaggiisa ka yimaada, shar iyo khayrba waxaa ka mas’uul ah xubinta uu ku abtirsado.
Abtirisku (barashada iyo qaadsiinta virus Q(ka).), waa qaybta ugu muhiimsan uguna horreysa korinta iyo barbaarinta carruurta Soomaaliyeed. Ka tirsanaanta reer Geedyahan ama reer Bahalyahan ayaa hadhow ka xoog badata Diinta, Aqoonta, Akhlaaqda, Ilbaxnimada, iwm. Addunweynuhu, carruurtu markay dhashaan, waxay ka tallaalaan cudurada halista ah sida dabaysha (polio), innaguna lid ahaan (bilcaksi), mid halis ah oo maskaxda ilmaha dammaad joogta ah ku dhaliya (virus Q) ayaan qaadsiinnaa. Tallaalka waxaa laga sameeyaa soo galooti (antigen) – bacteria ama virus – sababa cudurka. Soo galooti(antigen) waa wax kastoo qalaad oo markay jirka soo galaan, jirku iska difaaco.
Ilmaha dhashay markii la Qaadsiiyo(lugu rido) virus Q(ga) wuxuu markay koraan, u sahlaa adeegsiga iyo ku kalsoonaanta qabyaaladda. Waa cudur halis ahoo lays qaadsiiyo. Waa cudur qofkii aan qabin, ay khasab ku noqonayso inuu hadba ka cararo meeshii lugu sheego ama qofkii qaba. Maadaama bulshadii oo dhammi wada qabto, haddee sabab loo kala cararaaba ma jirto! Meel laga wada waalan yahay haddaad miyir qabtid, wax falan baad noqonaysaa!!! Hadda waa dhici kartaa inaad maqashid qof buka oo leh, matalan, “barbar iiga durug, hargab ama TB baa igu dhacdee…Weli lama gaarin , in la yiraahdo, ”barbar iiga durug,Virus Q baan qabaaye.”
Iyadoo maskaxdii jirka Soomaaligu ay kooma ku jirto, isfahankii iyo wada shaqayntii xubnaha jirku ay mar hore istaagtay, oo xubno badani horey isugu soo rafteen (adigoo ah unug wax-iska-caabin(antibody), haddaad u gudubtid ama gashid xubin kale, waxaad noqonaysaa soo-galooti(antigen).) ayaa waxaad maqlaysaa ama arkaysaa unug-xubneedyo siyaasadda ka hordega oo si indho-adayg fooqal caqli ah oo aan horay loo soo arag uga hadlaya siyaasadda. Waxay yiraahdaan, “Marakan ma jiraan xubno is haysta ama isku rafanaya – Waxa yaalla waa arrin siyaasadeed oo ah sidii laysu fahansiin lahaa ama meel loosoo wada fariisin lahaa unugyada waxiskacaabinta(antibodies) iyo kuwa soogalootiga (antigens) ee jirka Soomaaliga.”. Unugyadaani, waxay ila tahay inay ku hamminayaan in unugyadooda haatan ku sugan ama ku dhex jira xubno aan degaan u ahayn – in sidooda loo daayo – sidaasna jirku dib isugu fahmo! Macquul ma tahay in unugyo ka tirsan reer Cududyahan ay ka taliyaan reer Kubyahan?!
Daawada jirku waxay ku jirtaa in marka hore la kala saaro unugyada waxiskacaabinta iyo kuwa soogalootiga…Jirkoo dhanna dib laysu qabadsiiyo…Maskaxdana lala tacaalo inta ay koomada ka soo kacayso, si dhiciskuna u badbaado oo uu burji u yeesho oo uu caafimaad ugu koro. Haddii kale, ama waa dhimanayaa ama isagoo rooxaan qaba ayuu korayaa!!!! Hadduu qaangaaro isagoo rooxaan qaba, Isku-dhex-rafashadii ayaa haddana kow laga soo bilaabayaa iyadoo nakhtiin ah.
Diinta Islaamku waxay shaqsigii jaahiliga ahaa ka xoreysay nidaamyo iyo dhaqammo hortaagnaa. Islaamku kor buu u qaaday karaamadii iyo sharaftii qofku lahaa. Qof walba oo qaangaar ah isagaa ka mas’uul ah falalkiisa (xumaan & samaanba) adduun iyo aakhiraba.
Haddii xataa walaalka uu wax dhaco ama uu cid dilo, adigu dembi kuma lihid.
Toban sano ayaa Talyaanigu na barayay sida loo qaangaaro (waagii AFIS). Keddibna bannaanka ayaa nalagu siidaayay.Waxaynu ahayn toban jir laga dhaadhiciyay amaba lugu yiri “waxaad tahay Qaangaar” oo dastuurkii iyo nidaamkii waayeelka(adults) farta laga saaray.
Keddibna annagoo 19 jir ah baa barbaartii noo kacday ay qoor sagaaro nuqu qabteen, oo layska furfuri waayay, maadaamaa qoortii iyo gacmihii isku kokeen – sidii wax qalal qaba. Markaad xaalkeenna sidaas u fiirisid, shaki baa ku gelaya oo waxaad is leedahay meesha habaar kama marna! Yaraanteydii baan maqli jirey, ruuxii baras ku dhaco abtigiis baa habaaray.
Waa iga su’aale, Yaa Soomaalida reer abti u ah? Tolow ma rixinkii baan goynay? Waa iga dhabe, horta ma nala habaaray mise waa nala sixray mise il baa nugu dhacday mise sidatan baa naga dhab ah oo dad bukoo aan isu ogayn baan nahay!!!???
Haddii sheegashada Soomaalida la raaco, waxaynu nahay iska dhal, alyacni xubnaha oo dhammi waxay wada galaan Carab, afrikaankuna waa inoo reer abti . Haddii afrikaankiina aan yasno oo aan is kala weyn nahay, kana faaneyno, carabtiina ay na deyrisay. Maxaa inoo yaal?
Iska dhalku dhibaato iyo faa’idoba waa leeyahay.Waa mare waxaa la yiraahdaa waa caqli badan yihiin, marka labaadna, waxaa iska riixa reer abtigood iyo reer adeerkoodba. Sida ku dhacda carruurta ay isu dhalaan waarid kala ah madow iyo caddaan. Ummad reer abtigood nacday oo inkirtay, oo nabsi ahaan, iyagiina aabbeyaashood inkireen, maxaa laga fili karaa?
Xataa waa adag tahay si aan reer adeerkeen ula xididno! Si kastoo Muslinimadu nooga dhexeyso, nooma ay quraan inay gabdhohooda asalka (carabta dhabta ah) ah na siiyaan! Dhankaas way ka cunsurisan yihiin reer galbeedka.
Waad heli kartaa nin carab ahoo inta gabar Soomaaliya soo doonay la siiyay (ama ay isa-siisay) oo xaflad loo sameeyey, laakiin, heli maysid nin Soomaali ahoo inta gabar carab ah soo doonay la siiyay xafladna loo dhigay. Hadduu jirana waa 0.0000000001%.
Arrintani waa tusaalaha ugu qeexan ee muujinaya in reer adeerken na dayriyeen. Waxaa taas ka sii daran, marna ma is weydiisay inta uu le’eg yahay(tirakoob ahaan) waxtarka naga soo gaaray waddamada carabta (guudahaan), muddadii dheereyd ee jirka Soomaaligu isku dhex rafanayay?? Carabta samankaan joogta, cisada iyo xurmada Soomaalidu u hayso uma ay hayaan.
Marmarka qaarkood,waxaabad isleedahay virus Q(guba) xaggaa iyo dhanka reer adeerkeen buu naga soo galay. Bal u fiirso, inta ay tiro le’eg yihiin, haddana aysan midaysnayn. Waa ummad isku af iyo diinba ah, oo kala firiqsan, oo xataa awoodi kari waayay inay walaashood Falastiin yuhuudda ka dhacshaan. Laftigeenna, haddii gobol waliba uu noqon lahaa waddan gooni ah, oo meel dhexdeenna ahi ay qole kale qabsato, weligeen kama dhicineen.Tabtaas haatan Carabtu ku sugan tahay baan tegi lahayn. Afrikaankuba waa leeyahay virus (ka), laakiin waa xubno inta badan kala af iyo dhaqanba ah(tus.Kikuyo iyo Masai) oo isticmaarku isku kabay oo waddan ka dhigay. Isticmaarku , dadkii kala duwanaana waa isku kabay ,kuwii islahaana (sida Soomaalida)waa kala qoqobay oo qaybsatay…Inta arrini sidaa tahayna, Afrika weligeed ka bixi mayso wareer.
Sideedaba, jahliga (aqoon la’aanta) waxaa looga ciil baxaa waxbarasho; gaajadana cunno; cudurkana daawo ayaa loo raadshaa; geeriduna waaba xaq. Waxaanse xal iyo daawo loo heli doonin dhallan rogmadka(acculturation!) ku dhacaya jiilka ku dhashay ama iyagoo yaryar la keenay qurbaha (gaar ahaan Yurub, waqooyi Ameerika ).
Waarid badan baa walwal iyo wareer iyo harjad qurbaha la fadhiya, oo si ay wax yeelaan iyo meelay ula cararaan carruurtooda aan garanaynin. Niman rooxaan qaba baa dalkoodii hooyo saar ku tumanaya! Halkay hadda joogaanna waaba xaruntii (HQ) shaydaanka, annaguna qaxooti baan ku nahay. Dhulkeeni iyo xataa waddamada Islaamka oo dhan shaydaanku wuxuu ku yahay qaxooti had iyo jeer layska naari karo oo bil kastoo Ramadaan la xiro!!
Halkaanse waaba gurigiisii oo haddaad damacdid iska naar, adigaa naarmaya oo halis u ah in buufis kugu dhaco! Marka waa un weligaa dhufays ku jir!!! (waa sarbeeb & kaftan dhable wada socda!!!)
Waxaan qabaa in nasiibkeennu (biskoodkeennu) uu ku dhex jiro nasiibdarrada ina haysata, taasoo aan ula jeedo, inaan maanta fursad u heli karno inaan keligeen daawadeenna raadsanno. Shardiga ugu horreeya uguna muhiimsan waa in bal marka hore ruux waliba uu fahmo kuna qanco inuu buko!(baabul qanaaca).
Sida ruuxii aan wax garanayn laakiinse garansoon inuusan waxba garanayn, wax loo bari karo, ayaa ruuxi buka oo garansoon inuu buko, loo daaweyn karaa! In la wada buko, waxaa daliilkeeda, daqnashada, xanuunka iyo isnidaamiska (nooc xajiinta ka mid ah) ka dhasha, markii xubinta qof ku abtirsado laga taabto, riixo, ama looba dhowaado. Ama wadaad caalima ahow ama jaamici ahow ama mooryaan ahow,waa un la wada daqnanayaa. Nimaan boogi ku oolini ma jiro, hadduu jirana, waxbaa si ka ah!!!(ha qoslin…qosol nooma bannaanee!).
Xanunka ina haya maahan mid inta Aspirin la liqo haddiiba laga boodayo. Waa la dacaraysan yahay (la sumeysan yahay!). Waa xanuun ka biskoodkiisu muddo dheer qaadanayo, waxaanse awoodi karnaa, Ilaahay idankiis, inaan facaha dambe ka badbaadinno, oo aan dhaxal uga dhigno wanaag oo idil…Intaan isdaba qabanno.
Gunaanad
Ugu dambaystii, waxaan maqaalkayga ku soo gunaanadayaa sidatan:- Soomaalidu waxay tiraahdaa: Dagaal waa kadare, rag isbartaase waa door. Haddaba - Lays baray! – lakala adkaan waa! Laysma dhaamo! Dhafoorada na wada qiicaya! Lays wada murxi – meelina nooma fayooba! Wax walbaan isku soo falnay! xan, cay, habaar, nacalad, Inkaar, candhuufo, qandhuufo, haraati, jeega dharbaar, turaanturayn, legdin, dibir seexato, qoorsagaaro, feer iyo faralaab, ceego, hardi, handad, boob, dhac, bililiqo, dhaawac, kufsi ( gabar iyo habarba!), illaa la soo gaaray, “War nin yohow (ama – Ina adeerow) Ashahaado, inaan ku dilaan rabaaye!!!!!!” Oo inta looga dhabeeyey la dilay!!! Intaanan ilmada hadda iga timid iska tirin, akhristow, wax miyaa haray aan illoobay inaan xuso????????!!!!!!!!!!
Qolooyinka illaa haddadaan warmaha afaysanaya, ma nakhtiin bay rabaan mise qallaa ku jira??!??
Soomaaliyay, ama aan isdaba qabano ama oggolaada in nala xirxiro, si naloo daaweeyo.
Haddii ay noo suurowdo inaan marakan isdaba qabanno, oo aannu ku guulaysanno inay dib u soo noqdaan dowladnimadii, qaranimadii, marjaciyaddii, karaamadii, qiimihii, sharaftii, qabkii(dhanka suubban), qofnimadii, burjigii, barakadii, iyo RAGANIMADII luntay, waxaa dhici doonta, Ilaahay idankiis, inaan waddamo badan oo Afrikaan ah u noqonno tusaale lugu daydo – Hong kong, Switzerland, Singapore or Dubai of Africa –la noqdo.
Ilaahay mahaddiis, dhulkenna iyo baddeenuba waa wada bikro, oo waxaa ka buuxa amaba ceegaaga khayraad nooc walba leh. Bulshadeennu weli uma soo jeensan, sababtoo ah, iyagaa isu jeeda oo is gubaya. Dhulkeenna waxaa lagu qiyaasaa 637,657 km oo afargees ah, xeebteennu waa tan Afrika ugu dheer! Bal ka soo qaad in Soomaalidu tahay 10 malyan, haddii dhulkaas loo qaybiyo, immisaa qof walba ku soo aadaysa? Ma qof qadayaa jira?
Haddii aynu isla fahanno inaan buknoo daawo u wada baahan nahay, oo aan isku hadaf iyo mabda’ noqonno, oo aan diinteenna si kaamil ugu dhaqanno, oo aan tafaraaruqa ka dayno,
Waxaa dhici lahayd, inaynu ka xorowno ururada ku adeegta samafalka; waxaa dhici lahayd in waddamada deriska nala ahi ay dalkeenna shaqo ka soo raajicin lahaayeen; waxaa dhici lahayd in qurbajooggu dalkoodii ku soo noqon lahaayeen; waxaa dhici lahayd in laga badbaado saamaynta dhaqamada iyo caadooyinka xunxun ee reer galbeedka; waxaa dhici lahayd in guurkii iyo aqal dhiskii kala haadku hakiyey ay soo noqdaan; waxaa dhici lahayd…; waxaa dhici lahayd…; waxaa dhici…; waxaa…; wax…..; Yaa dhammayn kara!!!
Eebbow noo gargaar oo naga dhig kuwii
Dantooda iyo maslaxaddooda garta
Aamiin
Dhammad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
hashiyosman@hotmail.com
Qaybtii labaad