Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
War niman yohow Raggii meeye?

Hordhac iyo afeef

In muddo ah ayaan ka fakarayay diyaarinta iyo qoridda maqaalkaan. Waxaan ugu horreyntiiba, ku mahadinayaa Allahii igu dhaliyay, iina sahlay curinta maqaalkaan.

Hadafkaygu wuxuu yahay, bal inaan isku dayo, inaan sharraxaad guud  ka bixiyo astaamaha muuqda iyo kuwa qarsoon ee xanuunka bulshadeenna haya. 

Ruuxii buka ama jirran, marka hore waa la baaraa, si loo helo nooca cudurka. Markii cudurka la gartana, daawo (hadduu leeyahay) ayaa loo qoraa, waxaana ka dhasha ruuxii oo biskooda. 

Waxaan maqaalkaan dheer ku lafagurayaa, bal iney suuroobi karto in  Waalli fayow ama cudur ladan la daaweyn karo ama laga biskoon karo iyo in kale? Sidoo kale, waxaan ku eegayaa, bal in waalidaan fayow ay tahay mid laga dhaxlay  awooweyaasheen (sida dhiig- karka, neefta iwm); iyo inay tahay mid geyiga geeska Afrika laga qaaday(sida sanboorka, duumada iwm); iyo/ama inay tahay mid dad shisheeye nugu rideen( sida Gumeysigii reer Yurub). 

Nuxurka maqaalku wuxuu ka shidaal qaatay isku dhafka wax aan maqlay…arkay… ku fakaray…ku hammiyey…mala awaalay…odorosay…sahamiyey…amaba aan ku khilaaweeyay!!! 

Tu kalena, waxay tahay, waxaa dhici karta, inaan hadba, sida aan wax uga soo xusuusto, aan wax uga soo xigto maqaal aan 1996kii qorey oo aan BBC(da), laanta af Soomaaliga u direy, laakiinse aysan soo dayn. Cinwaanka maqaalku wuxuu ahaa: “Takarafowfow…sidee dawlad loo dhalaa?” 

Maadaama Soomaalida lugu tilmaamo dad isleh, oo isku isir, diin, af iyo dhaqan ah, ayaan aragti ahaan, ku sifeeyey jir bani aadan(human body) oo kale.

Waxaa la yiri , ruuxii raba inuu arko Ilaahay, ha fiirsho uunkiisa. Akhristow, adigoon meel kale aadin, bal adigu is fiiri. Jirkaaga ku khilaawee. Xubnaha jirkaagu ka kooban yahay; sidey isugu xir xiran yihiin;sidey u wada shaqaynayan; sideeyan u kala maarmin; sidey u wada xanuunsadaan!! Haddaba, si fahmidda shaxda maqaalku ay kuugu sahlanaato:Ereyada hoos ku qoran, macnaha ku hor qoran  baan ula jeedaa:- 

Jirka Soomaaliga (Somali body) = Ummadda Soomaaliyeed.

Xubnaha jirka(body organs) = kuwa lugu abtirsado, sida Jilibyahan, Suxulyahan, iwm.

Maskaxda jirka Soomaaliga (brain of Somali body) =  Dowlad ama Qaranimo.

Unugyada xubnaha=  Shakhsiyaadka ay xubini ka samaysan tahay amaba ku dhexjira.

Maskaxda=  Dowladnimo / qaybta unuggu(qofku) wax ku garto;

Rooxaan= Awoodda unug ku garto hadba xubinta keliya ee uu isu haysto inuu yahay.

Burji =  haybadda ka soo baxda maskaxda xubnaheeda oo dhammi wada ifayaan ee     unug(qof) kaamil ah isu aragta. 

Virus Q = Qabyaaladda.

Waxaan ka afeefanayaa habka iyo hannaanka aan maqaalkaan u qoray. Waxaan si ula kac ah, uga weecday hababka iyo nidaamyada wax loo qoro. Waxaa dhici karta, inaan dhawr sadar, bog barkii ama bog keliya uga hadlo dhawr arrimood oo aan shaqo isku lahayn.  

Hadba sida maskaxdu u godlato…inta gacantu qalinka hayso… ayaan maqaalka u soo lisay! 

Aragti ahaan, afkaarta maqaalka waan isku dhex yaaciyay  (Buufis-style)…Si ay sawir ugu noqoto ama ay uga tarjunto isku dhex-yaacsanaanta iyo jahwareerka xaalka tolweynaha Soomaalida. 

Waxaan si gaar ah, akhristayaasha uga raalli gelinayaa isticmaalidda xuruuf, ereyo ama weero af shisheeye ku qoran oo aan ka fursan waayay. Sidoo kale, waxaa dhici karta in akhrinta maqaalku ay dhaliso xanuun ama daqnasho.  Takhtarradu markay rabaan inay nabar ama boog kaa dhayaan xanuun baa ka dhasha. Anigu takhtar ma ihi waxaanse is iri nabarrada inagu yaalla qolfaha ama diirka ka fuji , si inta loo dhayo ay Eebbe idankiis u biskoodaan.

Ugu dambaystii,waxaan waxgaradka Soomaaliyeed (Rag & Dumar) ee laga tirada badan yahay, ee aan u arko inay Others(ka) runta ah yihiin, ka codsanayaa in wixii gafaf  kama’ ah , ee uga muuqda aqaalkaan, iney i tusaan, iina so gudbiyaan talooyinkooda ku wajahan.

Wixii ka yimaada maqaalkaan  – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa hala ogaado. 

*************************************************************************

Aan ku bilaabee, waa maxay farqiga u dhexeeya niman iyo rag – ama naago iyo dumar? Waxay wada muujinayaan labada jinsi ee xoolaha, dhirta iyo dadku u qaybsamaan –  lab iyo dhedig. Rag iyo Dumar waa magacyo wadareed(plural names) oo keli(singular) ma leh. Labada kalese way leeyihiin oo waa nin iyo naag. Ninkii astaamo sare sida geesinimo, codkarnimo, deeqsinimo, hoggaamiyenimo, iwm. la soo baxa ayaa la yiraahdaa wan nin rag ah. Halkaas waxaa kaaga muuqanaysa in Raganimadu ay tahay maqaam ama darajo uusan nin waliba gaari ama yeelan Karin. Nin nin ka tegey oo keliya ayaa darajada raganimada kasban kara. Haddaba, inkastoo aynaan dhaqan iyo hiddo u lahayn, sow lama oran kari karin ‘naag naag ka tagtay oo keliya ayaa darajada Dumarnimada kasban karta.’ Dhaqanka iyo afka ayaa hor istaagay oo lama oran karo naag dumar ah – sida loo yiraahdo nin rag ah. 

Waxa keliya oo la oran kara waa “naag diric ah”.  Haweenka Soomaaliyeed barkood waxay u kasban kari waayeen darajada dumarnimada  waa mawduuc ballaaran oo ka baxsan hadafka iyo bartilmaameedka maqaalkaan. Waxaase dhici karta inaan si finfiniin ah,waxyaalaha qaarkood aan qalinka afkiisa ugu mudmudo…Si xanfaf leh, dhiigna uusan uga imaan. 

Waabaa waxaa jiri jirey Jir la yiraahdo Soomaali(Somali body). Astaamaha guud iyo kuwa gaar ee jirnimadiisu way u dhammaayeen. Maskax talinaysa, qalbi aan marna seexan oo dhiigga u qaybiya xubnaha jirka oo dhan, calool aan ka daalin nafaqo u qaybinta xubnaha jirka, iyo sambab hawada jirkoo dhan wada gaarsiiya.

Muddo markii jirka Soomaaligu bashbash iyo barwaaqo ku noolaa, ayaa mar waxaa dhacay in unugyo ka soo haajirey xubin X(ekis) ay xoog ku soo galeen maskaxda. Halkaasna waxaa ku burburay isu dheelli-tirnaantii unugyada maskaxda. Waxaa bilawday caddaalad darro, xaqdarro, eex, xubinkiil (ama qaraabakiil!) iyo xubno kala-jecleysi. Calooshii nafaqada qaybin jirtey, baa nafaqadii ka dhigtay qayb ay u gudbiso xubin X iyo qayb ay iyadu kaydsato. Calooshii baruur iyo xayr aan loogu talagelin baa ka muuqday. Xubnihii kale oo laf iyo maqaar noqday, ayaa arkay xubin X oo murqo aysan lahaan jirin la soo baxday.

Xubnihii jirku badankood waa gadoodeen. Waxaa la goostay in maskaxda laga badbaadiyo unugyada ku dhexjira. Dagaal ayaa bilawday. Dagaalka waxaa lagu qaaday unugyada difaaca maskaxda ee xubin walba dhex joogay. Xubin waliba waxay soo dirtay unugyadeeda wax-iska-caabbinta (antibodies). Waxay giddigood u wada dhaqaaqeen – inay maskaxda jirka badbaadiyaan – si ay u soo noqdaan caddaaladdii, kala dambayntii iyo wada shaqayntii xubnaha jirku ka kooban yahay. 

Markii madaxa la soo gaaray oo unugyadii laga saaray, baa maskaxdii si automatic ah oo isdifaac ka ah isu qafishay. Maskaxdu ma laha muruq iyo xoog ay isaga celiso xubnaha kale ee jirka. Sidii dhinacyada bur loo gala dhacayey, oo xididdada dhiiga u gudbiya looga jarayay, oo wax-iska-caabbinteedii loo sii wiiqayay, ayay COMA gashay – mase dhiman.

Hawlaheedii oo dhammi hal mar bay istaageen. Ayaan darradaas waxaa ka dhashay in xubnihii jirku ay isku soo jeestaan oo ay siday isu xigaan isu xasuuqaan, illaa ay xididdadii iyo seedihii isu wada hayey badankood ay jarjarmeen, lafahiina ay noqdeen kuwa dildilaacay ama burburay, qaarkoodna dhuuxii oo ceeriin lagala baxay.(Jirkii baa isku dhex raftay!!!). 

Weli adduunka luguma hayo qolo sideennoo  kale 17+ sano iska soo taagan iyagoo bilaa maskax ah.

Geedadaygnimo, bahalnimo, qalafsanaan, indhaadayg, bartiyaqaannimo,  aqoonla’aan, xishood la’aan, xaasidnimo, xoolajecli, iyo mooryaannimo ka dhalatay sunta virus Q(ga) ayaa noo suurageliyay inaan qaadno koobka maarta ee wax-iskuma-falnimada. 

Virus Q(gu) wuxuu kaloo noo sahlay in jirka Soomaaligu uu sameeyo tadawur ama taqyiir (isbaddal) korriimo oo aan dabiici ahayn oo dibusocod ah (Backward Metamorphosis).  

Taqyiirka caadiga ahi waa kan cayayaanka (insects) jirkoodu is badbadalo inta ay koreyaan. Tusaale ahaan, Ballanbaalista(butterfly) quruxda badani waxay markeedii hore ahayd amaba kasoo xuubsiibatay diirdiirta(caterpillar). Sunta virus(ku) waxay sababtay in carruurnimada jirka Soomaaligu ay noqoto sidii balanbaalis oo kale , markuu soo korana uu noqdo diirdiir oo kale.

Xubnihii baa ka kaaftoomay wax maskax la yiraahdo oo bilaabay inay ku shaqeeyaan qariiso (instinct) keliya. Waxay ka nabadgaleen kadeedka iyo imtixaanka Fakaridda, Garashada iyo Dareemidda. Xubin waliba xor bay noqotay. Mid tiraahda “innagaa ismaamulayna tan iyo inta maskaxdu ka soo kacayso koomaha” (tus.Puntland), iyo mid tiraahda “Isma sheegano” (tus. Somaliland), oo weli xusuusan wixii ay ku dhigeen xubnaha kale ee jirka!!! –  

Halkaan laba arrimood ayaa xusid mudan:Waa mare, Somaliland waxay tiri,”annagu kama tirsanin jirka Soomaaliga (waan goosannay!) oo waxaa xad inoo ah haartii uu  reebay xarigga gumaystayaashu(Ingiriis & Talyaani) ay xubnaha jirka Soomaaliga ku kala guntadeen. Xubini sideedaba iskeed jir (body) ugama go’ikarto. Waa in awood jirka ka baxsan (tus.Takhtar, bahal, mooryaan, iwm.) ay gooyaan. Waa dhici kartaa in jirku xubin iska gooyo. Jir xubin la’ (sida, gacan, lug, iwm) waa noolaan karaa, laakiin xubin laga gooyay jir keligeed ma noolaan karto.Tan labaad waa magaca ay la bexeen oo ah Republic of Somaliland – markii la tarjumo waxay noqonaysaa –Jamhuuriyadda Dhulka Soomaalida 

Haddaba waxaa isweydiin leh, dhulka intiisa kale ma habar kuulay baa iska leh? Xataa haddii ay la bixi lahaayeen “Republic of North Somalia” (sida north korea. iwm) , macquul bay ila noqon lahayd. Iyo kuwo xubno kale dhex galay oo tuubooyin ku xirtay oo is yiri “isasii baanta inta maskaxdu suuxsan tahay”(tus.Gobolada dhexe & koofureed).Taas waxaa ka sii daran, in xubnihii jirku bilaabeen inay hadlaan iyagoo weli nool.…(Quraanka ayaa naloogu sheegay in Aakhira xubnuhu hadli doonaan!!!). 

Haddaan sarbeeb ahaan wax u eego, waxaad mooddaa in munaasabadaha Walqalka, in ilmaha Soomaalida laga saro(jeexo) hadba xubinta uu ku abtirsado – sida garab, jilib ama jeego. Keddibna waxaa dhiigga looga nadiifiyaa oo looga dhayaa dhacaanka virus Q ee geedka dhunkaasha. Isla marka dhacaanku gaaro xididdada dhiigga, ayuu durbadiiba madaxa u dhaqaaqaa. Halkaasoo xididdada maskaxda dhiigga siiya, giddigood marka laga reebo kan ka yimid xubinta laga saray ay wada xirmaan. Ilmuhu xaaladdaas ayuu ku koraya, isagoo isu haysta inuu xubin yahay.  

Dhacaanku wuxuu kaloo saameeyaa aragga indhaha. Sida dibiyada lugu cayaaro dalka Spain u arkaan midabka guduudan(red colour) oo keliya, ayaa indhahaanina u arkaan ifka yare e  ka soo baxaya xubinta ilmaha laga saray oo keliya.  

Intaan la qaangaarin, indhuhu weli si fiican uguma muuqdaan sumaduhu – Keddib, ayaa sarniinku si fiican oo qeexan usoo muuqdaa, jirka intiisa kalena ay hummaag noqotaa.

Laba unug(qof) oo noocaas ahi markay kulmaan – signalka ay labadooda maskaxood kala helayaan waa “xubno kulmay”.  

Haddii labadaas unug ay isku xubin ka ifaan, waa lays fahmayaa oo dhibi dhicimayso. Haddiise ay kala xubno noqdaan, mid waliba difaac iyo weerar laba weji leh bay u diyaargaroobaysaa. Haddii labada unug ay dalka gudihiisa ku sugan yihiin waa istaag iyo orod ku dirir. Haddiise ay qurbaha joogaan waa fadhi ku dirir.  

Waa unugyo cajaa’ib ahoo si xad dhaaf ah u ciseeya ugana dambeeya unugyada kale ee ajaanibka. Laga yaabee iney taasi ka dhalatay isliididdooda (inferiority complex), ay is leeyihiin waa laydinka burji, barako iyo iftiin badan yahay.Kuwaani markay is dhugtaan, kiiba bar yaroo ifeysa baa kan kale uga muuqata (tusaale:suxulyahan la kulmay suulyahan iwm.). Marnaba isuma arki karaan laba unug(qof) oo Soomaali ah 

Markayse ajnabiga dhugtaan, waxaa u muuqda unugyo dhammaystiran oo wada ifaya oo burji leh.(tusaale:unug (qof) Ingiriis, Talyaani, Sucuudi, Ruush, Shiineys, Keenyaati ah. iwm). Haddii unugga ajnabi uu yahay reer galbeed, wuxuu kuwaan ku dhaliyaa qablan iyo qiiro ku salaysan “Gaal facaa miyaa!!!” ama “Ilaahow gaal hanoo waayin, gaalna hanaga dhigin.”. Haddiise uu unuggaasi yahay Carab, waxaa ka dhasha burur iyo maashaa’allaah ku salaysan “Carabtu iyadaa diinta nooga sokeysa!!!”.

In badan baa waxaa isaga khaldan carabnimada iyo islanimada. In aan yarayn baa xataa aaminsan in Carabtu diinta nooga dhowdahay. Taqwo keliya baa Carab iyo Cajami ku kala duwanaan karaan, sida uu nebigeenni suubana(scw) yiri. Niman badan baa ku hamminaysa in af Carabigu baddalo af Soomaaliga, oo aan oggolaynba in carruurta afkooda iyo dhaqankooda iyo hiddahooda suuban la baro!(‘sooma aroorin’ miyay ka tahay?). Xataa hooyooyin fara badan oo qurbajoog ah baan isku taxaluujin inay carruurtooda af Soomaaliga baran oo mooday mindhaa in waxbarashaduba tahay in af kale la barto oo keliya! 

Maadaama aan wada muslin nahay, waa waajib in af Carabiga la barto, laakiin inuu meesha ka saaro afkii hooyo  caqli maahan. Dhar la qaato (sida qamiis cigaal ama cimaamad.iwm) ama magacyo lala baxo (sida Abuu Maxamed iyo ummul Sumaya!) ama Carabiga oo la bartaa keliya kaa  dhigi mayaan qof muslin ah.  Ilaahay baa quraankiisa ku sheegay inuu dadka carrabyadooda (afafkooda) iyo midabyadoodaba kala duwey. (fiiri Suuradda Ruum, Aayadda 22aad).  

Magacyadaan ka wada bilawda Abuu(ga) iyo ummul(ka), Islaamka ka hor bay jiri jireen. Dhaqan ahaan, waxay Carabtu ku muujin jireen in hebel uu ama hebla ay waarid noqotay.  Dhanka kalena, waxay muujisaa awlaad ku faanka, Waxayna ka dhigan tahay ‘Hebel aabbihiis ama Heblaayo hooyadeed baan ahay’. Halkaasna waxaa mudnaanta koowaad la siiyay carruurta. Arrintaan markaan barbar dhigo dhaqankeena, waxaa ii soo baxday inaan Innagu dhankaas Carabta kaga fiican nahay. Sababtoo ah, waxaan mudnaanta koowaad siinnaa Waaridka. Tusaale ahaan: Ina Sugulle Geeddi, Ina Cabdi Gaab.

Haddaad gashid paltalk(ga) ama internet(kaba), magacyo aad la yaabtid ama kaa qosliya baad ku arkaysaa. Matalan “Abuu Xinjir bin dhakafaar” – stop – kan anaa allifay!!!

Tu kalena waxay tahay, qolooyinka carruurtooda  ula baxay magacyo Kitaabiya. Qaar badanina iyagaa magacyadii iska baddalay.(Wasalat alfikrah!!!!!!). 

Iftiinka  faraha badan ee jirarka ajnabiga ah ka soo baxa, aad ayuu u dhibaa indhaha unugyadaan xubinta keliya ka ifa. Taasina waxay dhalisaa inay ajnabiga (nooc kasta ha ahaadee) hortiisa ku biciriirsadaan!!  

Had iyo jeer ,waxaad maqlaysaa unug hebel ama xubin hebel qole hebel baa hoggaanka u haysa! Waxaynu nahay ummad lugu soo koriyay virus Q; waxaynu nahay ummad kala sarreysa oo isliidda; waxaynu nahay ummad aan weli iska ridin heeryadii shisheeyaha; waxaynu nahay ummad diinta ay sheeganayso in yar ka taqaan; waxaynu nahay ummad aan weli fahmin qiimaha qofka iyo noloshiisa. 

Maraykan,Talyaani, Masar, Sucuudi,Iiraan, Ethiopia,Eritrea iyo Yemen baa isbaarooyin (jidgoosyo) u dhigtay nimankii Soomaalida.Waxay la tahay in qolooyinkaani ay dantooda iyo maslaxaddooda wadaan.Qolooyinkaas waxaa ugu daran Talyaaniga. Waa adag tahay si looga lug baxo. Horay bay u soo gumaysteen Soomaalida oo si fican bay u yaqaanaan rooxaanta unugyada Soomaalidu ku shaqayso. 

 Si kastoo laysaga xoreeyay, weli wuxuu noo hayaa jacayl xad dhaaf ahoo indha la’ oo ku salaysan siyaasadda la yiraahdo Paternalism (qof ama dad, sidii inaad aabbe(waarid) u tahay oo kale looga walwalo oo baahidiisa/dooda oo dhan  la haqabtiro, iyadoo aan la siin wax xuquuq ama masuuliyad ah.).  

Waagii gumaysiga ayuu fahmay in Soomaalidu, si kastay dad is leh u yihiin,aysan lahayn maskax ama siyaasad midaysan. Si Talyaanigu u jebiyo xooggii Leegada(SYL) ayuu nin la oran jirey Vincenzo Calzia, oo markaas hawl ka hayey Eritrea, Mogadishu u soo badalay.  

Barnaamijka ninkaani wuxuu ahaa – Maalgelinta iyo dhiirrigelinta abuuritaanka ururro lid ku ah Leegada; isku deyid in hawlwadeennada Leegada la kala qayb qaybiyo; is hortaagid faafinta Far Soomaaliga - Z1T  Anebtdo1  (fartii uu allifay Cismaan Y. Keenadiid-Allaha u naxariistee  -Intii u dhexeysay 1920 -1922), maadaama ay Leegadu isticmaalaysay;iwm. Dadka qaar baa fartaas u yiqiinay Cusmaaniya, iyagoo Allifaha ugu magac daray. Talyaanigu wuxuu ku guulaystay inuu dad badan ka dhaadhiciyo in fartaasi ay tahay far xubneed/qabiil (tribal script) lugu doonayo in xubnaha kale ee jirka Soomaaliga loogu itaal sheegto. Xataa Ingiriisku  ma rabin in fartaas la qaato. Niman badan oo Soomaaliya baa u ololaynayay in far Laatiinka la qaato. Cismaan oo nimankaas ka hadlaya wuxuu yiri:-

Laqdabo nooma hoosayso iyo lab iyo ceebaale

Lahan keeni mayniyo wixii lur ina gaarsiine

Lillaahaan kaga xoojinnaa luqada teena ahe

Ninba wixii ku laabudani waa inay ka laacaane

Amar nagu luggooyo ah kufrina lagu libaynayo

Oo nagu lid ah bay wadaan nimanka ‘Laatiine’

Leelleel waxaa qaba ninkii diinka laayaca e

Ma liibaano ruux gaalnimo laabta ku hayaaye

Laasima Shareecada rag naga leexday baa jira e  

Keddib samankii kacaanka ayaa far Laatiinka la qaatay, iyadoo dadka badankiis lugu qanciyay inaan far Soomaaliga lugu gaari karin aqoon, horumar iyo ilbaxnimo.

Bal immisa dal baa adduunka jira oo aan Laatiinka isticmaalin oo horumarsanna!!Tusaale ahaan,Shiineyska, Hindiga, Iiraan, iwm. Xataa dalka Ethiopia ee aan deriska nahay far u gaar ah ayuu leeyahay.  

Calzia wuxuu ku guulaystay inuu abuuro ururro, kedibna uu ku mideeyey magaca ah “Conferenza della Somalia”. Xataa waagii kacaanka ee hantiwadaagga la ahaa, Talyaanigu nagama uusan lug bixin, oo rag ka tirsan xisbiyada hantiwadaagga iyo kan shuuciyadda ee Talyaaniga ayaa wakiillo uga ahaa Somaaliya. Sidoo kale, laga soo bilaabo bilowgii burburka qaranka Soomaalida illaa hadda waa nugu dhexjiraa.  

Hadba unuggii ama unugyadii uu is leeyahay waa la hagi karaa ayuu la soo xiriiraa. Intaas waxaad maqlaysaa jid bacaad ama guri geed ayuu Talyaanigu joogaa. Markay ku wareereen nimanka Soomaalida ee rooxaanta qaba ayey ka fakareen hadda in xagga dumarka laga soo maro oo la abaabulo. Waxaana ugu dambaystii timid wasiirad –ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Talyaaniga Marwo Patrizia Sentinelli. Nasiib wanaag kuma aysan guulaysan arrintaas.  

Talyaanigu maahan mid sahal ku haraya, oo isagaa EU wakiil uga ah arrimaha Soomaaliya.

Talyaanigu wuxuu aaminsan yahay inaanaan marnaba ka maarmi Karin. Illaa xadna waaba runtiis, maadaama unuugyada Soomaalidu ay xubno isu haystaan.Wixii Soomaaliya ka dhaca  ama ku saabsan oo dhan (dad , duunyo & dalba) isagaa laga wareystaa oo khabiir ku ah.

Mar horuu soo fahmay in unugga Soomaaliyeed uusan wax ka baxsan xubinta uu ku abtirsado garan Karin, iyo in unugyadu aysan marna wax meel isla dhigi karin:- 

Matalan;Haddii unugyo ku abtirsada reer Lugyahan ay shir isugu yimaadaan, waxay u badan tahay inaan shirkaasi waxba ka soo bixin, sababtoo ah: Reer Jilibyahan amar kama qaataan reer Bowdoyahan, iskoodna go’aan uma gaari karaan, sababtoo ah waxay sii kala yihiin reer Kubyahan oo u kala  baxa Lafdheeryahan (laba bahood), bah Seedyahan,iyo bah Canqowyahan(laba bah ah). Intuna waxay u sii kala baxaan reer Cagyahan oo u sii kala baxa Ciribyahan, bah Raysmagaadho, Suulyahan iyo Farayahan. Bah farayahan afar bay u kala baxaan, afartuna tan ugu yar bay liidaan, oo waxay ku magacaabaan bah Faryaro, laftigooduna waxay isu kala saaraan bah Hilibyahan(oo Laandheere ah) iyo bah Ciddiyahan. 

Markaan dhexdooda u soo noqdo, waxaad arkaysaa in sidey xubnuhu u kala waawayn yihiin ay u kala faanaan ama isu yasaan. Xataa xubnaha qaarkood hawlaha ama meheradaha ay qabtaan ayaa magac looga dhigay.Tusaale: Midgaan, Tumaal, Yibir iwm.

In magacyadaani aysan ahayn kuwa qabiil, waxaa lugu garan karaa…Magacyada qabiiladu naxwe ahaan,waa magacyo gaar ah (proper names) oo wadar ama jamac(plural) ma yeeshaan, taasoo muujinaysa inay yihiin magacyo xirfadeed:-

Nin Daarood ah                         Niman Daarood ah (ma jiraan Daroodyo ama Daaroodyaal)

  ,,    Hawiye  ah                        Niman Hawiye ah

 ,,      Isaaq ah                            Niman Isaaq ah

Nin Midgaan ah                        Niman Midgo ah (sida takhtar – takhtarro ama takhaatiir)

 ,,     Tumaal ah                         Niman Tumaallo ah

 ,,      Yibir ah                            Niman Yibro ah

 

Arrintoo kooban, geeljiraha Soomaaliyeed ee isku darsaday geesinimada, laandheernimada iyo xirfad-aqoon-la’aanta , ma uu jecla inuu la xidido amaba agtiisa lugu arko, ruuxa kabaha u tolay ama waranka uu bahallada isaga dhacsho u tumay!!!

Ummadaha adduunka badankood way sharfaan oo jecel yihiin xirfadaha iyo meheradaha oo xataa carruurtay ula baxaan. Matalan,dalalka Jarmalka iyo Iswiiska waxay carruurtooda ula baxaan magacyo ay ka mid yihiin “Schumacher”(Kabatole). Magacyada Ingiriisku la baxo, waxaa ka mid ah “Smith” oo macnihiisu yahay “Birtume ama Tumaal” . 

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii jrka Soomaaligu isku dhex raftay, waxaa nimanka Soomaaliyeed  hadba qabanayay fool beenaad. Dhawr iyo toban jeer oo hore ayaa isbitaallo dibedda ah la jiifiyey ( lugu shirey!), waxna kama soo bixin. Isbitaalkii Carta ayay cunug (dawlad) fadhiid noqday ku dhaleen.Isagiina markuu socon kari waayay oo waaridkiis iyo qaraabadiis dayriyeen oo uu cunno iyo cabid waayay buu macaluulay, keddibna dugaag baa cunay. 

Markii u dambaysay oo ay keenya laba sano ku soo foolanayeen, ayay dhaleen cunug dhicis ah (premature baby)!!! Waayadii hore, dhicisku rajo ma lahaan jirin oo inta badan waa dhiman jirey. Nin Soomaaliyeed oo beri loo soo sheegay in naagtiisii dhicisay, baa laga hayaa,”Awal baan waalnaa oo weel foorara wax ku shubtay!”.  

Hadda rajada dhicisku ku badbaado aad bay u korortay, waxaana u sabab ah horumarka laga gaaray cilmiga daawada(medicine). Niman baa intii maskaxda jirku koomaha ku jirtay, lasoo  baxay awood ku salaysan gariiso (instinct) oo aan marnaba rabin in dhicisku noolaato. Si kastoo wax loogu sheegaba, unugyadan(nimankan) marna lama fahansiin karo waxtarka ay maskaxdu(dawlad) u leedahay xubnaha jirka oo dhan.  

Ma arki…maqli…taaban…dhedhemin…urin  karaan macnaha maskaxda. Xataa waa ka daran yihiin rahii ceelka ku jiray ee halka xiddig keliya cirka ku arkayay. Si kastoo loogu sheego in cirku xiddigo badan yahay waa hal bacad lugu lisay! Illaa dib laysugu xirxiro xididdo-gudbiyeyaasha (Neurotransmitters) maskaxda ama (the messengers of the brain) oo maskaxdu dib u hawl gasho, markaas bay ogaanayaan maqaamkooda iyo awooddooda. Hadda maskaxdu Kooma ayay ku jirtaa,oo hadday reer Lugyahan socod damcaan, waxaa dhici kara in  reer Xagalyahan ay Isbaaro u dhigato! 

Waxaa jira dabaqad cusub  oo u badan qurbaha, oo markay wax barteen u xuubsiibtay aqoonta laftigeedii oo noqday ‘Aqoonyahanno’. Ma mooddaa magac xubin(qabiil)? Sida Jilibyahan. Sideedaba, aqoonta ma la yeeshaa mise waa la noqdaa? Xataa haddii arrintu ka dhalatay ereybixin khalad loo bixiyay, waxaa cajiib ah, sheegashada, indho-adaygga ku salaysan oo ay la soo taagan yihiin. “Haddaanu nahay Aqoonyahannada” iyo wax la mid ah.  

Unug ay usugu darsantay Virus Q iyo rooxaan iyo waxbarasho jaamacadeed, maxaa ka soo bixi kara? Seeflaboodnimo ku salaysan qiiro xubinyahanimo. Ereyga Seeflaboodka kama wado siday u yaqaanaan reer galbeedku, ee waxaan ula jeeda unug ay isugu darsantay xamaasad, aragti gaabni iyo hubsiimo la’aan. Nin reer miyi ah baa beri hore saddex su’aalood la weydiiyay: ‘Inta dhimatay iyo inta nool yaa badan?’ suuye, ‘haddii reer magaalka lugu daro, inta dhimataa badan’. ’Hodanka iyo saboolka kuwee badan?’ suuye, ‘Haddii lo’lay lugu daro saboolkaa badan.’. ‘Muslinka iyo gaalada kee badan?’ suuye, ‘Haddii naagaha lugu daro, gaaladaa badan.’. Aniguna mid afraad baan isweydiiyay oo isu jawaabay. ‘Mooryaanta iyo qurbajoogga kuwee badan?’ saanne, ‘Haddii Seeflaboodka lugu daro, qurbajooggaa badan’. 

Qolooyinkaan aqoonta noqday ee qurbajoogga u badan,waxay kaloo la soo baxeen soo jeedinta talooyin aan dhammaanayn  oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee Guriga(dawlad) Soomaalida loo dhisi karo. Giddigood fuundiyaal bay noqdeen. Aasaaskii, shub mise bulukeeti, intuu dabaq noqon lahaa iyo dhankii loo jeedin lahaa baa laysku haystaa!!! Wax walba in la wada sameeyo baa la rabaa! Guriga waa la idiin dhisayaaye, kaalayoo hadhow ka dhex shaqeeya, lagama karo. Mise arrintu aragti gaabni bay la xiriirtaa, oo guri dhiska (dawlad dhiska) wax dhaafsiisan ma arki karaan!  

Alla maxaan akhriyay maqaallo ay soo qoreen niman wax bartay oo leh aragti xubin-yahanimo. Haddaad aqoonta ay soo gudbinayaan oo keliya ka miiratid, cilmi farabadan ayaad ka heleysaa. Qaar baa iyagoo raba inay soo bandhigaan aragti xubneed ama qiil ugu sameeyaan jacayl ama nacayb xubneed/unuggeed, waxay wax ka soo xigtaan diinta Islaamka, gaar ahaan, Siiradii nebi Maxamed scw. Iyo Saxaabadii; qaar kale waxay wax ka soo xigtaan sooyaalka adduunka; qaarna waxay isku dayaan inay af Ingiriis wax ku soo qoraan, iyagoo marmar ku lifaaqaya buugag la tixraaco (reference books). Maqal ku salaysan aragtii reer Jeegalaqaf-yahan, iska daa reer dhabaryahane, xataa wuxuusan gaarayn reer Garabyahan.  

Xididdadii iyo seedihii isku hayay xubnaha jirka Soomaaliga, ayaa u qaybsamay kuwa tawafay, liciifay, jilcay ama dammaadsan!! Badankood nimanka Soomaalida waxaa halhays u noqday orahyo ay ka mid yihiin; ‘Looma dhamma!’; jirka Soomaaliga meel ka baxsan ha lagu shiro!’; hebel nama matalo!’; Suxulyahan kuma hadli karaan  afka reer Gacanyahan!’ iwm. 

Nidaamyo iyo arrimo kala duwan baa Soomaalidu soo aragtay:-Nidaamkii Dimoqraadiyadda iyo kii Hantigoosadka oo virus Q lugu iidaamay; Hantiwadaagga iyo Shuuciyadda oo virus Q hoggaanga u hayo;ciidamadii qalabka sidey oo laga dhigay dad mashiinno ah(robots) oo ku

Shaqeeya korontada virus Q(ga); 

“…Bal in meesha la doorsan yahay waxaa daliilkeed ah

  Kolkaasay warmaha kula didaan diidi mahayaane…”  (Cali Dhuux)  

jabhado isku deyey inay la diriraan xukunkii Ina Siyaad Barre (Allaha u naxariistee), iyagoo laftigoodu adeegsanayeen virus Q(ga); iyo ugu dambaystii Fawdo, burbur, kala yaac, Dawlad la’aan, rag la’aan, dumar la’aan, carruur la’aan, mabda’ la’aan, Diin yaraan, marjaciyo la’aan, dhaqan la’aan, iyo Sharaf la’aan.  

Waa iga su’aale, Marjaciyaddii  jirka Soomaaliga miyaa luntay mise weligeedba ma aanan yeelan? Haddaad u fiirsatid bulshooyinka adduunka, waxaad arkaysaa  umaaddo isku dhafan (complex) oo ku kala dhex dhex jira weegaarrada adeegga bulshooyinka, sida dhaqaalaha, waxbarashada,caafimaadka, warfaafinta,iyo siyaasadda. 

Arki maysid bulsho la leeyahay unugyadeedu(nimankeedu) waxay u badan yihiin weegaar hebel. Markaad u fiirsatid nimanka Soomaalida ee rooxaanta ku shaqeeya, waxaad arkaysaa marxalad kastoo la soo maray inay badankood isku meel u yaacayeen.(dameeri dhaan….!!!)

Ka soo bilaw waagii gobanimada la qaatay illaa 69kii waxaa  suuq lahaa xildhibaan (deputati); samankii kacaanka sarkaal/wakiil xisbi baa loo batay – waxaa kaloo isla jeerkaas lugu daatay Janaale;  jabhad baa ku xigay; waxaa ka sii dhashay qabqable, wax-iskuma-fale iyo indheergarad aan meel dhow wax ka arag. Hadda waxaa lugu jiraa xilligii amaba kalkii wadaadka.  

Waddaadada samankaan jooga waxay isku darsadeen tafaraaruq iyo waxtar aad u fara badan. Qolooyinkii hore waxay u badnaayeen kuwa leh aragtiyo midaysan.  

Waxaa wadaaddada laga kororsaday  aqoon fara badan oo dinnteenna ku saabsan. Dacwadda iyo tabliiqa iyo muxaadarooyinka ay ka sameeyeen dalka gudihiisa iyo qurbahaba waa arrimo an qofna inkiri karin. 95% haweenka Soomaalida ee dalkii ku sugan  xijaab iyo/ama niqaab bay wada xirteen. Sida la yiri 15% bay is asturiddu dhab ka tahay oo aaminsan in xijaabku yahay wax diintu nafarayso. Inta kale waxay isugu jiraan kuwo Moodo cusub mooday; kuwo faduusha nimanka ka nabad gala isleh oo markay magaalada ka soo noqdaan meel isaga tuura; kuwo is leh bulshada haka takoormina; iyo kuwo ku dhex dhuumanaya niqaabka oo loo yaqaan “Hayga baqin!” ama “Hooyo iga qari!”. 

Inkastoo wadaaddada dhabta ahi aad u dadaaleen welina dadaalayaan, waxaad arkaysaa in diin jacaylkii iyo dulmi jacaylkii unugyada(nimanka) Soomaalidu ay si xawli ah meel sare u wada marayaan! Tu kalena waxay tahay xawliga muxaadarooyinka iyo duruusta paltalk(gu) oo sababay in macalimiintu ay ka farabataan ardayda!  

Waxaa kaloo iyada xusid mudan, in arrimaha ama mawduucyada looga hadlo muxaadarooyinka aan loo kala soocin dhegeysta-yaasha (carruurta, haweenka iyo nimankaba).  

Waxaad maqlaysaa amuuro haweenka u gaar ah ama nimanka u gaar ah oo xasaasi ah oo la wada dhegaysanayo! Haween nuxnux leh, niman ilka caddaynaya iyo carruur qaylinaysa baa isku meel wax loogu sheegaa. Beri baa waxaa la yiri nin wadaad ah  baa wuxuu arkay nin kaloo uu garanayay oo haween dhex fadhiya oo inta macawistu si ka noqotay cawradiisu muuqato. Intuu ku naxay oo  cararay buu u tegay xertiisii oo ku yiri,”Waxba hays asturina…wax Alla wixii aynu soo qarinaynay tan iyo nabi Aadan, hebel baa maanta haweenkii tusay!!!”.  

Waxaa dhacda mar mar in wadaad ka hadlo arrimaha barbaarta iyo xumaanta ay sameeyaan, iyagoo meesha fadhiya.Taasoo keeni karta in kuwa khabardaarka ah ay shiikha laftigiisa waxyaalo aysan horey u ogayn ka bartaan!! 

Tabliiqa wadaaddadu xaggee buu diiradda saaray?  Ma wadaaddadaan  marnaba si dhab ah uga hadlin dulmiga iyo isku rafashada unugyada Soomaalida oo ka faaruqi waayay baabul Dahaara? Mise unuggga Soomaaliga ah ee  rooxaanta qaba ayaan waxba la fahansiin karin?  

Malla hayaa wadaad ama wadaaddo fahmay in unug ay isugu darsantay rooxaan iyo virus Q, uusan wada fahmi karin Diinta? Mise arrintu, waa un ha lagu shubo! Oo rooxaantu dhan walbay joogtaa! Waxaa xusid mudan, sida Diinta loogu daatay; Haweenka badankood waa xijaaban yihiin, masaajidyadu had iyo jeer waa cammiran yihiin, muxaadarooyinka looma kala haro, taraawiixda, soonka iyo salaadda…Sunnaha farahabadan, khayrka, ajarka iyo xasanaadka loo wada xiimayo… Waa arrimo runtii farxad weyn ku gelinaya. Markaadse fiirisid sida xaalkeennu  yahay ayaa dareen ku geleyaa. Waxaa kuu soo baxaya laba arrimood midkood:- In munaafaqii nugu batay iyo/ama in la buko oo daawo loo baahan yahay. Maadaama xubnihii jirka Soomaaligu kala gogo’een oo aysan jirin maskaxi, arrinta luguma fasiri karo munaafaqnimo. 

Unuggii kaamil ah oo fayow baa diinta Islaamka si kaamil ah u wada fahmi kara oo ku dhaqmi kara. Islaamku maahan Cibaadaysi keliya, ee waa Hab-nololeed(way of life) dhammaystiran oo loogu talagalay unug dhammaystiran(fayow). Unuggii aan fayoobeen, sida kan Soomaaliga ma uu wada fahmi karo saddexda weegaar ee Islaamka: Caqiidada, Cibaadaadka iyo Mucaamilaadka(Unugga iyo qayrkiis amaba ‘wixii unugyadu kala mudan yihiin’). Unugga Soomaaligu wuxuu badi fahmi karaa oo ku dhaqmi karaa labada hore oo keliya. 99% waa la wada cibaadaysanayaa, xaaraanta (tus, khamrada, khaansiirka, iwm.) looma dhowaado, laakiin unug aydaan isku xubin ahayn(Qayrkaa) shaqo kuma lihid. Wax walbaad ku samayn kartaa…Handadaad, xasid, dil, dhac, kufsasho, bililiqaysi, iwm. “Geeridu nimaadan aqoon( isku xubin ahayn) iyo geeljireey ku fiican tahay (si hadhow geeliisa loo bililiqaysto!) bay Soomaalidu tiraahdaa. Bal xaggee lugu arkay geeri fiican??!! (Digniin:Ulakas baan uga leexday ulajeedddadii dhabta ahayd ee maahmaahda!). Mar haddii maskaxdii unuggu aysan fayoobeen, oo aysan kaamil isu arag, aqoon kastoo la yeesho ama wadaad kastoo la noqdo, waa hal bacad lugu lisay. Diinta iyo aqoontaba aragti xubneed baa lugu eegayaa. Bal xusuuso, akhristow, maahmaahdii ahayd, fiqi bahdii(xubintii) kama janno tago. Ummad badi wada cibaadaysanaysa oo haddana badi is wada cunaysa!!!  

Xilli kastoo la soo marayba, dhib baa ka haysatay haweenka Soomaaliyeed. Dacwadahoodu weli waa socdaan. Matalan, samanki kacaanka, haweeneydii ninkeedu u diido inay aaddo golaha hanuuninta dadweynaha (orientation center(ka), waxay oran jirtay,”sarkaal hebel ama wakiil xisbi hebel baan kugu dacweynayaa.” Amaba toos bay u aadi jirtay. Haddana tii (qurbaha ku sugan) oo ninkeedu u diido inay aaddo muxaadaro ama ka dhegeysato paltalk(ga), Iimaam ama wadaad baa khadka soo gelaya! Waxaa kaloo jira qaar, markay dalkii joogeen u ekaa nooca loo yaqaan “Jabane kabto” oo kolkay qurbaha yimaadeen u xuub siibtay “kabane jebiso” oo niman badan ku riday buufis, fadqalalow iyo kalaguur (separation). Inay sida ka noqotay, ama ay niman ka aargoosi ka tahay, ama wax kale istuseen, ama latusay, Illaah baa garan kara! Dhanka kale markaan eego, waxaad arkaysaa in badan oo weli dalkii ku sugan oo isku haya hawlahoodii xaasnimo iyo hooyonimo iyo weliba shaqooyinkii ay dayaceen nimanka rooxaanta qaba. Haween badan baad dalkii ku arkaysaa, iyagoo ilmo xambaarsan suuqyada yaanyo ama xataa qaad ku iibinaya, nimankiina ay u qaybsameen kuwo qayilaya, ama qalaadaya, ama qoryo haysta ama qablamaya ama qurbe sugeyaal ah. Sidoo kale, nimanka qurbaha ku nool ee buufiska ka badbaaday, Eebbe ka sokow, xaasaskooda baa mahadda iska leh!!!    

Xaashi Yaasiin Cismaan

Switzerland

hashiyosman@hotmail.com

Qaybtii koowaad, qayta labaad barri la soco.

 

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software