Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
NAASO ADAG IYO WEEDHA MAXAA KULMIYAY

Haddii uu yahay xaq soo daahiray dhaqdhaqaaqa la magic baxay “Dalladda Maxkamadaha Islaamiga ah” iyo hadduu yahay shar ka mid ah shararkii hore oo xuub cusub loo huway, waa sida dadka qaarkii ku andacoonayaane. waxay ku xirnaan doontaa hadba sida ay Maxkamadahu u dhaqmaan.

Haddii ay u maraan hadafkooda waddada wadahadalka iyo is-fahamka, isla markaana iskaashi iyo wadashaqayn uu dhexmaro Dowladda ku meel gaarka ah, waxay noqonayaan xoog siyaasadeed oo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, haddiise ay u maraan gaarista ujeeddooyinkooda dagaal dhiig badan ku daato, waxaa ka soo raacaya magic xumo iyo nacayb loo qaado, sida dagaal oogayaashii hore oo weli ku sugan dalka gudahiisa.  Taasina wxay Soomaalidu u noqon doontaa waayo aragnimo cusb oo noloshooda ku soo korortay.

Suaasha ma taagnaa in goobaha ay ka tiliyaanbay ku soo rogeen nabad iyo xasilooni ama ay ka hirgeliyeen dhismo dugsi iyo adeegyada caafimaad, balse isweydiintu waxay tahay, maxaa isku soo hagaajiyay ololaha dagaalkooda iyo yagleelidda xukuumaddan cusub oo muddo dheer lagu taamayay.  Sheekada noocaan ah waxay dib noogu soo xusuusinaysaa xikmadii ka soo yeertay WIILWAAL ee oranaysay  SACA NAASO ADAG IYO WEEDHA MAXAA WADA KULMIYAY.


16kii sano ee dowlad la’aannata jirtay in ay soo baxaan xoogag iska caabiya kooxihii booliga ku haystay XAMAR, waxaa loo arki karay in ay tahay dow, hase yeeshee maanta oo Soomaalidu u baahan in ay soo baxaan xoogag u hiiliya dhidibo u aasidda dowladdan cusub ee tabarta yar, waxaa loo arki karaa oogidda dagaal hor leh oo ka soo cusboonaado Xamar in ay la micna tahay,  mu’aamarad lagu afgambinayo Xukuumaddas curdanka ah, ama lagu doonayo in lagu tabar yareeyo si ay iskeed isaga dhimato

Haddii taasi ay tahay ujeeddada dagaalka loo galay, waxay u  horseedi doontaa dadka Soomaaliyeed fowdo siyaasadeed ay ku bixin doonaan qiimo sare oo mood iyo noolba leh.  Inkastoo uu marar badan  ku celceliyay Guddoomiyaha Maxkamadahu in uu wax kasta ku raadinayo xagga nabadda, isla markaana uu muraad ka lahayn in uu Soomaaliya ka dhiso Qaran u shaqeeya sida kii TALIBAAN, haddana dadka ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa sidaa qabaa.

Gacan ku dhiggidda meelo ka mid ah XAMAR iyo Jowhar, waxaa soo dedejiyay nacaybka loo qaaday dagaal oogayaasha Xamar oo CIA-da Ameerikaanka  bishii Febraayo iyi Maarso ee  kal hore uga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha CISILEEY, hub,saanad iyo boqolaal kun doolar.  In gacantooda laga xoreeyo Xamar-na waxay noqotay mid lagu diirsaday, isla markaana heshay taageerada Soomaalida iyo  kuwa adduunweynaha, haddise dagaalka sii dheeraado, geeridana ay badato waxaa soo degdegaa nacayb loo qaado maxkamadaha.

Waxaa caqli gal ah, oo Soomaalidu iyo mujtamaca adduunkaba ku qanci karaan, in isbeddalka maxkamaduhu doonayaan uu ku yimaado hab dimoqraati ah, si dadka Soomaalidu u helaan fursad ay ku soo doortaan hogaankooda siyaasadda, taasina ay ku imaan karto marka dowladdan ku meelgaarka ah uu waqtigeeda dhamaado, dalkana laga abaabulo doorashooyin xor ah, iyadoo Maxkamaduhu isu beddalayaan XISBI.

Hase yeeshee isbeddal ku yimaada bunduq caaradiisa iyo hal-ku-dhegyo huwan caatifiyad, mala fili karo in ay shaqayn doonto  muddo dheer.  Haddii ujeeddada ahayn in si kam ah loo daadiyo dhiigga Soomaalida ee muqaddaska ah..
Dagaalkii labada toddobaad ee magaalada Xamar ku dhex maray Maxkamadaha iyo Isbahaysiga isku magacaabay Argagixiso La Dirarka, waxaa naftooda ku waayay dad kor u dhaafay 350 qof, halka dad gaaraya 2000 qofna ka soo gaaray dhaawacyo iyo barakac, markii madaafiic lala beegsaday guryahooda.

Ogow, dadkaas waxaa laayay ciidan sokeeye oo Soomaali ah, ee ma ahayn kuwa laayay ciidan shisheeye sida ITOOBIYAAN ama AMEERIKAAN.  Cadowna waxaa kuu ah kii ku dilayo, ganeecaba ALLE ha ka dhigee.

15kii sano iyo dheeraad, Soomaalida rayidka ah waxay naftooda ammaan ugu waayeen ciidamo sokeeye oo Soomaali ah.  Waxay ahayd mar ay laayaan iyo mar ay dhacaan, ama mar ay bililiqaystaan hantidooda ama ay xoog kula wareegaan dhul beereedkooda, kufsadaan haweenkooda sharafta leh iyo mar ay qafaashaan wiilashooda iyo ganacsatadooda si ay lacag ugu beddashaan iyo mar ay is hortaagaan in ay dhistaan dowlad sugta ammaankooda.

Soomaalidu, waxay manta u baahan tahay in loo taageero Dowladdan u dhisan, iyadoo loo marayo mabda’ wada hadalka iyo iyo wada xaajoodka,Maxkamaduhuna ay door ka ciyaaraan.

Shirkii magaalada Khartuun ku dhexmaray labada dhinac ee Dowladda iyo Maxkamadaha, waxaa la oran karaa waa fursad dahabi ah oo soo martay Shacbiga Soomaaliyeed, waana tilaabo hore loo qaaday.

Haddii lagu guulaysto isku daygan cusub, oo lagu xaajo falayo qalalaasaha siyaasadda Soomaaliya, milgadeeda ma yeelanayso oo keliya Dowladda ku meel gaarka ah iyo Maxkamadaha, balse waxa qayb shariif ah ku yeelanaya ururka Jaamacadda Carabta, iyo kan Afrikaanka ah  iyo Guddoomiyahooda sanadka, isla markaana ah madaxweynaha dalka GAANA mudane Menis Sassou Nguesso, oo si geesinimo leh ugu dirqiyay madaxweyne BUSH in uu wax ka beddalo siyaasaddiisa Soomaaliya.

W.Q
Cismaan Amiin Axmed
Osmanamin2004@yahoo.com
Waayaha,London,UK





   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software