London:-BBc-da qaybta Ingiriiska ee war ahaan ugu baxa isla dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo News Night ayaa xalay waxaa uu si tafaf tiran uga hadalay magaalada Muqdisho iyo maxaakiimta ka dib markii ay booqdeen magaalada Muqdisho ilaa Jowhar oo hadda ah dhulka ay ka taliyaan MMI.
Waxaa weriyaha halkaas tegay ay sheegtay in Soomaaliya ay tahay dalka Muslim ah 100% iyadoo markaas tooshka ku shiday caruur quraan ku baraynsa dugsi ka mid ah dugsiyada magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in quraanka dusha laga baro caruuta oo ay yihiin kuwo xaafidiin.
Weriyaha ayaa ka warantay Soomaaliya oo dawlad la,aan ahayd 16 sano ay halkii iskuu lada ay buuxiyeen dugsi quraano caruuta wax lagu baro oo aysan inta badan caruurta Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool aysan nasiib u yeelan waxbarsaho xagga maadiga ah ama iskool la geeyo.
Caruurta ayey sheegtay in qaarkood noqdaan malayshiyo hubaysan qaarna ay noqdaan kuwo ku biira wadaada, waxaana TVga layska tusay caruur de’dooda lagu qiyaashay 14- 15 oo ku hubaysan AK47 qaarna ay dulsaaran yihiin baabuurta hubku ku rakiban yahay “ waxaanu ku faraxsanahay in qab qablayaashii meesha laga saaray” ayuu yiri nin dhalin yaro ah oo markaas qaad afka uga buuxay qoriguna garabka u surnaa.
Waxaa iyana weriyuhu su,aalo weydiiyey masuul iyiin ka tirsan maxaakiimta oo dugsi quraan ku haya magaalada muqdisho bal sida uu arko farqiga u dhexeeya iyaga iyo hogaamiye kooxeedyadii laga eryey magaalada Muqdisho “waqtiga ayaa na kala sheegi doona idinkuna indhihiina ayaad ku arki kartaan is badalka dhacay, caddaalad ayaan keeni doonaa” ayuu yiri wadaadkas oo aan magaciisa la sheegin.
Weriyaha ayaa qirtay in magaalada Muqdisho ay tahay mid xasiloon oo aan xabadi ka jirin hase ahaatee waxaan deg deg u buskoon Karin boogihii dhaawac ee ka soo garay dagaaladii sokeeye waxaayna ay ahayd magaaladu mid silic badani ka muuqdo.
Bakaaraha
Suuqa bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho waxaana si il qabatin leh oo aad isla markiiba arkaysaa bay tiri hubka, lacagta iyo baasaboorada waxaana dadku ay aad u door bidaan in wax lagu kala iibsado doolarka Maraykanka.Mid ka mid ah dadka Suuqa wax ku iibsada ayaa weriyaha u sheegay sida ay uga raysteen hogaamiye kooxeedyadii isbaarooyinka u dhagan jiray ee lacagta baada ah ka qaadi jiray.
Ceel macaan
Waa isha keliya ee wax uga soo degaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka dib markii irdaha laysugu dhuftay dekadii weynayd ee magaalada Muqdisho, waxaana lays tusay maraakiibta iyo doomaha ku xiran ceel macaan.
Mar wax laga weydiiyey raga u taliya ceel macaan bal inay muqdisho joogto argagixiso ayuu sheegay isaga oo dhoola caddaynaya “ horta Soomaali dhexdeed ma lagu dhuuman karaa anigu dad islaama baanu nahay Al-qaa’da dhulkayaga ma joogto islaamnida uun baa naga dhexaysa waxaa itaas sheega in dhulkayaga ay joogto argagixiso waa Bush ha noo daayo diintayada tiisa ma faragashanee….” Ayuu yiri wadaadkaasi.
Jowhar
Magaalada Jowhar oo lagala wareegay hogaamiye kooxeed ku xooganaa ayaa hadda waxaa ku fatahay webiga shabeelle waxaa midowga maxaakiimtu wadaan sidii ay iskaa wax u qabso ugu dhisilahaayeen wadadii oo biyo gooyeen waxaana magaalada u muuqataa bay tiri mid soo kabanaysa.
Qaadka
Qaadka ayaa ah ganacsi ku xoog weyn Soomaaliya qaar ahaan magaalada Muqdisho waxaana la sheegaa in maalintii ay soomaaliya dibada uga baxdo 500,000 $ maraykan ah waxaana aad uga ganacsada haweenka mar iyana haweenay gadda qaadka wax laga weydiiyey inay ka cabsi qabto in wadaadu ka joojiyaan iyo kale ayey ku jawaabtay u malayn mayo in maalmahan ay joojinayaan waxaanse aad u raacsanahay maxaakiimta oo waxaanu ka raysanyn dagaal oogayaashii.
Shariif Axmed.
Shariifka oo isaga la waraystay ayaa sheegay inuu dadka Soomaalidu ay ka soo daaleen dhibaatadii hogaamiyeyaasha maantana ay doonayaan inay dhibtaas ka baxaan, waxaase uu meesha ka saaray inaysan ka jirin dalka Soomaaliya wax argagixiso ah, waxaanu hadalkii Sheekh Osama ka yiri waa nin fikirkiisa cabiray ee anagu wax xiriir ah lama lihin.
Xeyaha Qaxootiga
Waxaa weriyuhu booqatay xeryo qaxooti oo dadka ku nooli iska rafaadsan yihiin, waxaana horjooge ka nin dhalin yaro ah oo sida la sheegay ka yimid dalka Sweden, waxaanu sheegay sida ay ugu baahan yihiin gurmad uga yimaada dalalka deeqda bixiya iyaga oo u soo marinaya dhinaca UN-ka waa sida uu hadalka u yiri e’, waxaanu sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in meesha laga saaray qab qablayaashii oo iyagu illaah ka dhigtay qoriga AK47.
Gaba gadadii ayaa weriyuhu sheegtay inay muqdisho iyo dadka ku dhaqin gacan u baahan yihiin haddii kale ay ka dilaaci doonto Daliban kale oo ka soo baxda geeska Africa.
A/razak Yassin Caanogeel
Waayaha,London,UK