Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Falaqaynta Jimcaha:Diin mise qabiil? Labadu isma galaan ee kala daaya (QAYBTII 1-AAD.

London (WNT)-Weligii ma salaadin,Ma soomin,balwaduhuna uma kala soocna haddana waxaa uu hadda diinta ka xiggaa wadaadka caalimka ah,oo isagu barshada diinta  iyo ku dhaqankeeda jaamacad uga soo baxay dhinaca asluubta marka laga eegana ah shaqsi aad loogu daydo dadkuna ay jecel yihiin,waxaa mararka qaarkood kuu soo baxaya sawir ah, in aduunku madaxa ku socdo cajiib nin baa laga sheegay ma anigaa walaan mise cadan baa laga heesayaa?. 

 

Ma la oran karaa horay dadku waa kala soocnaayeen ee xilligii maxkamadahay isku yaacday?lama oran karo oo jabku waa ka horeeyey,malaha digtooni baan jirin,waxaana sahlanaatay in si aan kala sooc lahayn loogu dhuunto oo weliba si tartiiba ah ugu milmo ma xishoode gaamuray wadaadadii ay ka go'nayd inay mar uun arkaan xukun islaamiya,  waxaase aysan dhab ugu bislaan xagga mukhaabaraadka ama daba galka iyo hargardaamooyinka kuwa u shaqeeya sirdoonka dalalka Soomaaliya daneeya iyo weliba casharadii iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay ururadii iyaga ka horeeyey oo ay ka mid ahaayeen, FIS Aljeeriya,Xamaas Falastiin,Dalibaan iyo gooni u goosatada Jejniya, intaan halkaas la gaarin waxaa dhuunta ugu shubay miday isaga qaldantay "QABIIL IYO DIIN" tacadina horay u gaystay, qabiilku ma reebana sida diintu sheegtay laakiin waxaa laga hadlayaa waa inaan si qaldan loo isticmaalin. 

 

Prof Max'ed Said Samatar oo ah nin caalim ku ah arimaha dhaqaalaha iyo siyaasada ayaa mar talabixin ka jeedinayey shir lagu casumay oo uu isu yeeray nin istusay in Soomaaliya madaxweyne ka noqday ayuu u sheegay inay la macne tahay nin laba buurood oo dhaadheer oo is dhinacyaal midood cirfka sare kaga istaagay isla markiina ku fakaray inuu u talaabo buurta kale isaga oo aan hoos eegin haadaanta u dhaxaysa labada buurood, haddii si loo eego waa sidii wax u dhaceen. 

 

Kolkii ay ku jabeen wadaadu dagaalkii Araare ee sanadii 1991 ayay go,aansadeen inay u haajiraan cirifka bari ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Boosaaso oo kolkaas ay gacanta ku hayeen wadaado aad tiro yaraa haddana aad tayo wanaagsanaa marka laga eego xagga shaqa badnaanta,asluubta iyo weliba aaminka waxaana hal mar dadkii ku hadaaqeen (wadaada Ikhwaanka ama itixaad),waxaa qaaday daad markii ay soo galeen wadaado ka soo haajiray dhanka cirif koonfureed,kuwaasi oo xarumo ka dhigtay meelaha halbowlaha u ahaa magaalada Boosaaso sida isbitalada iyo xeryaha dawlada. 

 

Waa xilli la soo qaxay oo ay socdaan ama dheceen dagaalo sokeeyo waxaana si fiican loo kala aqoon dadka dhaqnaa gobolada marka laga eego xagga haybta,waxaa jirta dhaqaale xumi waxaa wax xoogaa dhaqaale ah lagu tuhmayaa wadaada (cantuugo jiilaal canba can uu bidaa),waxaa nin walbaa si tartiib ah u galay wadaada dabcan rag ay daacad ka ahayd waa jireen,laakiin waxaa badnaa xariifka surweelka kubka ka xaabiyey cimaamada madax ku duubtay, ma ka diin baa? Mise busaaradaa la gashay?, malaha busaarada la gashay ileen shabeel marabi ma noqdee. 

 

In yar ka dib kolkii uu dhacay gaalkii lagu hoobtay ee u dhexeeyey Al-Itixaad iyo SSDF ayaa hal mar la arkay rag culumo u muuqday oo garka makiinada ku boobay,qayilaadana la soo fariistay buushashka lagu marqaamo, haddii ay biyaha kulul heli karaana cid ay uga haybaysan lahaayeen ayaan jirin, marar qaar ayaad is tusi kartaa war dadka diinta miyaa lagu khasbay?nin baa laga sheegay 20 jir Mudug jooga rabi uma xil qarin,kanise maba kala jecla. 

 

Guud ahaan dagaaladii qabsaday wadaada ayaa laga qori karay buugaag aysan baabuurtu qaadi karin waxaana laga heli karay faa'iido aad u ballaaran, haddii si fiican loo maarayn lahaa dad badani aysan dhinteen, sheekha ugu cilmi badan gobolada Puntland safka horena ka geli kara culumada Soomaaliya oo ka cududaartay in magiciisa la shaaciyo oo isagu dagaalka diidanaa ayaa sheegay inay qaadan karto 15/20 inay ku gaaraan heerka ay markaas joogeen haddii dadka dagaal lagu qaado, waxaana uu mar walba ku adkaysanyey dadka jahliga ha laga saaro oo wax la baro intaan xabada lala boodin allow talo ma hayd.

 

Talada sheekha lama qaadan waxaana tala lagu moosay in xabada xal laga doono si jidbo iyo caadifad qabiil ku jirto waranka laysaga aslay,waxaana si u le'day da'yar xufaad u badaney laga bilaabo miyaga magaalada Buurtile ilaa degmada Laas qoray oo, aakhirkii wadaado ku kala guureen,waxaase dhimashada ugu badani ka dhacday magaalada Garoowe. 

 

 

Col,Yuusuf wuxuu ku dadka ku jiitay in arrintu qabiil tahay.
Maxaa dagaalka soo dedejiyey?,waxaa isla markiiba shaki xun iyo walaac ka muujiyey Col C/llaahi Yuusuf oo isagu qabay haddii aan wadaada laga hortegin inay qabsanayaan gobolka,waxana isla markiiba  fiday in wadaadu ay yihiin ciidamo caydiid u shaqeeya, waxaa la orankaraa fikirku waa shaqeeyey waxaana ay ahay hubkii ugu khatarta badnaa ee loo isticmaaly dagaalka. 

 

Dagaalka ayaa waxaa ka dhex muuqday wadaadka caanka ah

Col Xassan Daahir wuxuu ruuxa ugu tunka weynaa wadadii Bari ka dagalamayey.
ee Sheikh Xasan Daahir Aways walow rag kale  oo saarkiil iyo culumo ahba ay dagaalka ku wada jireen haddana waxaa uu ahaa xubinta keliya ee dadka lagu dagaal geliyey inuu doonayo inuu qabiil u adeegayo,goblkana uu doonayo inuu qabsado, waa su,aale muxuu Caydiid oo ay isku hay ahaayeen Caano ugu lisi waayey  kolkii ay isaga horyimaadeen deegaanka Araare ee gobolka Jubba Hoose? welise wax baa qaldane maxaa Maxaa culumadu dagaalka xal u moodeen oo sida sheekha kor aan ku soo sheenay uu sheegay ay dhinaca aqoonta u dooran waayeen?. 

 

Waxa jiray shaki soo baxay oo rag milatari ah oo culumada ka tirsanaa ay qabeen oo ahaa inaysan iyaga iyo Col C/llaahi Yuusuf  fara isla gafayn,inta uusan ku bilaabina ay iyagu gacanta kala horeeyaan. 

 

Diin mise qabiil labadu isma galaan ee kala daaya

Qatbtii kowaad laso qaybta labaad jimcaha danbe.

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha.net,London,UK

Fikirkaaga ka dhiibo,kuna soo dir Emailkan:editor@waayaha.net

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software