London (WNT)-Bad iyo beri ayuu la soo jiiray,waxa uu kala cararay gaajo iyo colaad haddana gacan kuma jiro oo meel ku sheegaba ma yaqaan,gablan maahan oo caruur ayuu la yimid qurbaha hadana meelna dhimasho iyo nolol midna kuma xisaabin karo.wax u tar buu lahaa laakiin ma miro dhalin, ma la oran karaa qaran jabkaa albaab walba garaacay.
Kolkii dagaalka sokeeye uu qorxay diraacdii 91dii ayaa nin walba oo markaas heli karay wax xoogaa dhaqaale ah oo meel ku gaari karo waxaa uu awooda saaray sidii carurtiisa yar yar uu ugu heli lahaa mustaqbal fiican oo uu kaga bad baadin karay dhibaatooyinka xooggaanaa ee ka curtay dalka Soomaaliya.
Inkatoo ay jiraan tiro ka bad baaday dhaqan bur burka ka dhacay qurbaha ayaa haddana la oran karaa waxaa xabsiyada Yurub iyo America hoy u noqdeen da'yar Soomaaliya oo iyagoo yar yar loola soo qaxay dalalka Gabeedka,waxayna xabsiyada ku mutusaysteen kolkii ay galeen denbiyo aad u cul culus oo ay ku jiraan dil iyo weliba iibinta waxyaabaha maanka dooriya.
Guud ahaan baaris qoto dheer oo lagu sameeyey sababaha keena in dhalinta yar yar ee Soomaalidu u badato inay galaan xabsiyada ayaa lagu tilmaamay dhawr arimood oo ay ugu waaweyn tahay in markii ay isticmaalaan waxyaabaha maanka dooriya aysan kartooli karin carradooda oo isla markiiba ama iyagu dagaal isku qaadaan ama cidka kale ay weerar la beegsadaan iyo tan labaad oo ah inta badan ilamaha oo qaraabo lagu keeno ama labada waarid midkood maqan yahay ay markii daryeelkoodu xumaado ay waxbarshada isaga tagaan dabadeedna si sahlan u galaan balwadaha iyo dunuub ay xarig ku mutastaan.
 |
| Maahir Osman |
Dabayaaqadii sanadkii aan ka soo gudubnay ayaa u ahaa dadka Soomaalida ee Ingiriiska ku nool sanad ay si naxdin leh u xusuustaan, nin ayaa laga sheegay korintooda kala celintooda ayaa nooga daran,waxaa samaysnay kooxo is ugaarsanaya oo Soomaaliya oo iska soo horjeeda waxaana taasi galaaftay nafta wiil yar oo Soomaali ah oo markaas jaamacadda bilaabay.
Waxaa naxdintii ugu weynayd ay soo baxday kolkii Kaamarooyinka waardiyaha ah laga dhex arkay wiilka oo ay ku qamaamayaan in ka badan 15 dhalin yaro ah oo Soomaaliya iyo weliba wiil uu dhalay M/weynihii hore ee dalka Ugaanda Ida Amin Daada,wiilka la dily ayey ku dhufteen in kabadan 21 toorayood.
|

|
| Faysal wuxuu mahir ka danbeyey muddo gaaban. |
Maahir C/raxmaan Cismaan ayaan ku geeriyood goobtii ay ku heshay musiibada geediga ah, waxaana iyana intii badney kooxdii ku qamaamtay lagu qabtay buskii ay saarayeen ka dib markii rakaabkii baska saarnaa ay waceen booliiska dawalkii baska wadayna amar lagu siiyey inuusan albaabka furin, inta badan kooxdaan ayaa xabsiga lala tiigsaday oo lagu xumay inta u dhexaysa 20 ilaa shansano, halka qaarna si qarsoodiya loogu qaxiyey halkii lagala soo qaxay ee Soomaaliya.
Iyadoo ay weli qoyantahay geerida Maahir oo hooyadiis Caasho Barre Xayrdacna ay weli la qaracansantahay geerida naxdinta leh ee ku timid ayaa haddana maalmo kooban ka dib isna sidoo kale dil lala beegsaday de'dii ka weyneyd Maahir oo ah Faisal C/raxmaan Cismaan oo isaga dhab ahaan aan loo ogayn cidda dilkiisa ka danbaysay sida ay sheegeen Booliiska dalka Ingiriiska oo ilaa hadda baaris ku haya dhacdadan.
 |
| Charles Clark xog hayihii hore ariha gudaha oo u tacsiyeynaya qoyska laga geeriyooday. |
Allaha Naxariistee Faisal oo ahaa nin shaqaysta ayaa mar qur ah la waayey isagoo markii u danbaysay ee uu baxayey hooyadiis ku war geliyey inuu soo salaamyo saaxiib, hase ahaatee indhihii ayaa loo lahaa waxana muddo10casho ku siman ka dib ciidamada booliisku caasho ku war geliyeen war naxdin leh oo loo sheegay in Faisal uu soo tufay webiga Thames isagoo la sirqiyey (Ceejiyey).
Ka sokow geerida foosha xun ee ku dhacday qoyskan Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale iyana waxan dhibta ka bad baadin qoysaska kale oo caruurtoodu fal denbiyeedka galleen waxaa la soo gudboonaatay naxdin aysan marna ka soo waaqsan karin,maxaa yeelay waa kugu dhimay oo kaa dhimay,mana hayaan waxay ku soo tiir iyo tacab belleen oo waxaa ay noloshooda ku dhamaysteen xabsi.
Waxaa iyana la ildaran oo u go'ay isticmaalka Balwadaha in badan oo dhalintaan ka mid ah,kuwaasi aakhirkii ay maskaxdooda waxyeelayso maandooriyaha ay isticmaalaan,waxaa ku dhaca waali iyo buufis (Mental illness,distress and depression ).
Lama oran karo guud ahaan da'yarta oo dhan ayaa dhunsan oo waxaa jira dad aad u dadaalay oo wax bartay waxaadna dalka Ingiriiska,Yurubta,America iyo Autralia ka heli kartaa xirfadlayaal dhinac kasta ah oo Soomaali ah, waxaana marar qaar ay dhalintu soo hoyisaa guulo waweyn oo wax ku ool ah marka loo kaco dhinaca waxbarshada.
Bulshooyinka ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa leh ururo xooggan oo ku salaysan dal dal,kuwaasi oo ay hoos yimaadaan ururo yar yar oo u adeega bulshooyinkooda mararna qaarna waxaa dawladu u awood siisaa inay ilmuhu haddii uu dhaqan xumo la yimaado la tarxiilo oo la dhaqan celiyo ilaa saaxiga ka keeno xagee la geeyaa Soomaaliga, yaase qorshahan u diyaarin kara?.
Waxaa jira ururo badan oo Soomaali ah oo guud ahaan laga dheehan karo inay qabiil ku salaysan yihiin haddii shaqsiga iska lehna uu wanaagsan yahay waxa waji qabiil ka muujiya bushada inteeda kale "waxaa halkaas urur ku leh reer hebel" waa hal hayska ugu badan ee bulshada Soomaalida bar kulan ay awoodooda ku mideeyaana habasheegin.
Guud ahaan marka arimaha laysu geeyo ayaa lagu tilmaami karaa reer sahan la,aan guuray geedigiina ku furay xeryo qaniin iyo shilin ka buxaan,waxaa dulinkii saameeyey ubadkii u kici lahaa, ee uu mustaqbalka u rabay,gaajo iyo colaad buu kala cararay maantana hunguu ka tagaan yahay oo gacan waxba uguma jiraan.
Abdirazak Yassin Caanogeel
Axmed Xayrdaac
Waayaha.net,London,UK
Waayahanet@hotmail.com