Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Maxkamadaha oo Noqday la Dagaalanka Argagixisada iyo soo Celinta Nabadda

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waa war nabadaheey! War maxkamaduhu ma Maraykan bey lacag ka qaateen! Waxaa dhicikarta in dadka aan wax hubsani markey cinwaankaas arkaan dhahaan: maxkamadaha waxaa lacag siiyey Maraykan maxaa yeelay magacaas baa lagu sheegay; waxaana ku sheegay nin ka soo horjeedijiray dagaaloogayaasha.

Akhristayaal sidii Fircoon inta shir jaraa’id u qabto uu dadka ugu sheegijiray in Nabi Muuse (CS) uu u yimid inuu dadka diinta ka beddelo sidoo kalana uu dhulka fasaad ka wado ayaa si la mid ah, dagaaloogayaashuna ku sheegeen in maxkamaduhu khatar ku yihiin diinta iyo dadkeeda. Laakiin dadka wanaaga waday waa Nabi Muuse (CS) iyo maxkamadaha oo iyagu raba iney raacaan waddadii nabiyaasha (CS).

Ma loo Baahanyahan in Ciidan Shisheeye la Keeno

Akhristayaal shacabka Soomaaliyeed iyo maxkamaduhu waxay u dagaalamayaan si ay u suuliyaan fidnada sidoo kalana diinta Ilaahay kor u ahaato. Waa sidii Ilaahay faray. Hadda, magaaladii caasumadda ahayd oo Soomaaliya ugu dhibka badneyd waxaa Ilaahay ku nabadeeyey gacmaha shacabka ooy garwadeen u yihiin maxkamaduhu. Marka dagaal-oogihii ugu dambeeyey wakaas Ilaahay hoojiyey. Hadda carradu waa nabad. Mar haddii Xamar la xalliyey maxay “dowladdu” u rabtaa in ay dagaal abuurto si fidnadii iyo shisheeye Soomaaliya ugu soo noqdo?!

Hadalkii Ilaahay hala maqlo. Qur’aanku wuxuu sheegay in marka aan wanaag helno uu cadowgeennu dhibsanayo laakiin markii xumaan nagu dhacdo ay ku farxaan. Haddii aan samirnana uusan dhibkoodu wax na yeeleyn. Maxaa markii Xamar nabad noqotay ay reer Galbeedka iyo Itoobiya lakala ordayaan? Maxaa hubkii ay shacabka ku qaadatay iney ururiyaan in ka badan 4 bilood hadda loo leeyahay haloo fasaxo si hub kale usoo galo? Haddii UN-ku qaado cunaqabateynta hubka waxay la micnotahay ineysan Soomaaliya nabad la rabin. Taasi waxay keeneysaa in maamulka Baydhabo jooga ay ku sifoobidoonaan iney u adeegayaan danta cadowga Soomaaliyeed sidaas darteedna ay waajib ku tahay qof kasta oo Soomaaliya inuu ku jihaado dowladdaas iyo cadowga dabada ka wada.

Waxaan Beesha Caalamka kula talinlahaa iney shacabka Soomaaliyeed u daayaan dantiisa. Intaas oo jeer bey wax isku dayeen waana ku guuldarreysteen. Hadda shacabkii Soomaaliyeed waa tashaday marka yaan laga dhabqin dantooda.

Shirka Khartuum

Ilaahay wuxuu noo sheegay in haddaan ku shukrinno uu nimcada noo siyaadindoono laakiin haddaan ku gaaloowno inuu cadaabkiisu daranyahay. Sidaan la soconno, kacdoonkii shacabka waxaa u soo hambalyeeyey Soomaalidii meel kasta joogtay – Raas-caseyr ilaa Raas-kaambooni. Marka, shukrigaas kaddib waxaa shacabkii iyo maxkamadihii usii kordhey guulo iyo kheyr. Haddii Ilaahay idmo waxay Khartuum ku noqonayaan iyadoo Xamar nabad tahay kana wadataliyaan. Hadalka kasoo yeeraya wasiirka koowaad iyo kan arrimaha gudaha ee ah ineysan la hadleyn maxkamadaha waa micno-darro weliba iyagoo intaas raaciyey in kacdoonka shacbiga Xamar uu yahay mid Al-Qaacida ka dambeyso!

Horta markii dimuqraaddi laga hadlayo, dadka waxaa laga soo doortaa xaafad (constituency). Hadda oo Soomaali qabiil wax ku qeybsateyna waxaa la dhahaa wuxuu qof kasta metelaa qabiilkiis. Soomaaliyeey, ma ii sheegikartaan cid Geeddi iyo Xuseen Caydiid ay matalaan iyo magaalo Soomaaliyeed oo ay tegikaraan iney C/hi ku hoosnabanyihiin maahee? Maanta kama duwana labo qof oo caadi ah oo Soomaaliyeed. Waxaa intaas u dheer waa labo nin oo dambiilayaal ah. Marka qiyaasa saameynta ay Soomaali ku leeyihiin labo nin oo xabsi ku jira oo dambi ka dhan ah qaranka Soomaaliyeed lagu soo oogay?

Sida warar lagu kalsoonyahay sheegayaan waxaa la filayaa in wafdiga maxaakimtu uu kasii ballaarnaandoono kii hore oo laftiisu ahaa mid aad xul u ah. Kan waxaa ku jiridoona qeybaha bulshada oo dhan oo xitaa laga yaabo iney ku jiraan ciidamada qalabka sida. Booqashadii wafdigii xaqiiqo-raadiska ahayd ku yimaadeen Xamar ayaa weli lala fajacsanyahay. Meeshii lagu shirayey kama muuqan hal qof oo qori wata halka meelaha ay madaxdku ka degenyihiin reer Galbeedka aad ku arkeyso askar hubeysan iska daa waddamada ay xukumaan keligi-taliyaashee! Marka waxaa halkaas ka dhacay waxaan taariikhda lagu arag.

Golaha maxkamaduhu wuxuu isticmaalay xikmad iyo sidii la rabay. Dagaaloogayaashii macquulka ahaa waxay kula dhaqmeen qaab nabadeed; kuwii macangagga ahaana waxay kula dhaqmeen luuqad ay fahmikaraan. Marka waxay maxkamaduhu u tallaabsadeen sidii la rabay. Dad badan oo degdegayey baa jiray laakiin haddaa laga hadlikaraa maamul-dhis iyo ilo-dhaqaale furidood. Waxaan shacabka kula talinayaa inuusan is dhigan. Weli geeddigii waa biloow. Waxaa noo yaal howl aad u culus ooy dhicikarto iney ka mid tahay qaran-difaac. Waa siduu Carays Ciise Allaha u naxariistee u lahaa:

•howl kama daalooyinoow
•beeshii weli waa hayaan

Waxaa mahad leh Ilaaheennii guusha siiyey shacabka iyo maxkamadaha; waxaanna ka beryeynaa inuu noo sii badiyo guulahaas iyo kheyrkaas. Waxaan sidoo kale maxkamadaha uga mahadcelinayaa iney ka jawaabeen gabay uu lahaa Khaliif Sheekh Maxamuud oon maqaal ahaan ugu soo diray kacdoonka bilowgiisii. Waxaa ka mid ahaa:

•idinkaa dantiinnii u huray dal aad xoreysaane
•idinkaan u daaleyn sidii duul Malaa’igahe
• idinkaa halkaad dooneysaan degeya goor dhow’e
 
•idinkaa dariiqii Alliyo diinta aaminaye
•idinkaa siduu Daa’in yiri dowga kheyr maraye
•dinkaa Rasuulkii dugsaday daahirka ahaaye
 
•Idinkaa diyaarsaday hubkii diiradda lahaaye
•idinkaa daruuraha cirkiyo daafigaa maraye
•idinkaa cadowgii idin dayaa dabada taagaaye
 
•darajada Ilaahay ka badan doogga geedaha’e
•nimuu doortay iyo baa ka hela deeqsi geesi ahe
•darsigiina xaqa daalibaa laga duceystaaye
 
•doorroonayaaloow Jihaad waad u dareerteene
•xargihii la daahiyo haddaan derykii laga boodin
•oo aan duqii weli la qaban waan dayeysnahaye
 
•inkastood dadaal iyo waddaan doorar sharaf weyn leh
•darar saa’idiyo waan jeclahay ………………….
•durkiyoo kusii dara ma foga dowladnimadiiye
 
•ninna looma duurxulo halkuu doog ku leeyahaye
•dhakharrada ninkii geystayoo ina dubaaqeeyey
•oo dibadda idiin soo tubaa daakhilkii jira’e
 
•dumaal seege naagihii hadday da’i ku laabneyde
•sidii bey agoon daacufaa ula dareeraane
•sidii bey ilmada dililiqlihi uga da’eysaaye
 
•sidii Doollo dhaan loo direy ina dayaayaane
•dabka wax uma saaraan ilmaha waaga daalacaye
•degdeg nooga soo gaaraya iyo dooddu waa innaga’e
 
•haddaan diilalyada haysa iyo diifta laga baanan
•dayaceey qabaanniin haddaan laga daweyneynin
•Wallee labada doolaqoo lushiyo dalowgu waa beene

C/waaxid C/llaahi Khaliif
Fikirka qoraagu ka tujumi mayo shabakada Wararka Waayaha.com








   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software