London (WNT)-Salaad bay ka ahayd laakiin iyagu sas bay ka qaadeen,kolkii saqda dhexe uu u istaagay salaatu layl, isagoo hagoogan go’iisa cad waxayna hal mar iyagoo qaylinaya ku dhawaageen reer aakhiraad….reer aakhiraad (ghost…ghost).
Dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin maalaayiin ka soo haajiray dalkoodii ayaa qolo weliba la timid dhaqamadii ay ku haysteen halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, oo ay ka mid yihiin diimaha iyo weliba caadooyin kale, oo reer galbeedku dhib weyn u arkaan,taas macneheedu maahan in caddaanka dhulka loogu yimid aysan lahayn caadooyin iyo dhaqamo ee wey leeyihiin kuwo aad la yaabayso.
Todobaadkii tegay ayey ahayd kolkii ay kulan isu yimaadeen kooxo kala yimid bulshooyinka kala duwan ee dalka Ingiriiska,oo iyagu u badnaa Afceliyeyaal(interpreters) iyo turjaabno (translators) oo ka hadlayey kala duwanaanta dhaqamada iyo sida la isu waafajin karo dhaqamada bulshooyinka ku nool dalka Ingiriiska,iyadoo ay jiraan qaar aan laysu keeni karin balse ay muhiim tahay in laysku ixtiraamo, mar bayse goonyahaaga ka dhalan kartaa.
Waxaa inta badan dhib ka yimadaa kolka ay jir diidaan dadka qaarkiis dhaqamada bulsho ay ku tilmaamaan cadooyin laga tegay, oo aan marna la aqabali karin,halka kuwaasina u arkaan in weerar lagu soo qaaday dhaqankooda suubanaa “laba kala bariday kala war la’.
 |
| Xaaji Ramzi |
Ramiiz waa Pakistaani waxaa uu ku jiraa tiro 80aad ,waxaana uu ku xanuunsaday isbitaal ku yaal gobolka Scotland ee boqotooyada Ingiriiska,waa nin ku weynaaday toobada rabi waxaase uu nasiib u yeeshay in la geeyo kolkii uu xanuunsaday qaybta lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah.
Waxa uu daa’imaa inaan salaadu ka tegin, waxaana uu 5ta salaadood ku tukadaa qaybta uu ku jiro,waxase dhibkii ugu weynaa uu yimid kolkii uu habeen barkii u istaagay (Salaatu layl) isagoo hagoogan go’iisa cadd,waxaase qaylo ku dhuftay dadkii uu isbitaalka kula jiray iyagoo ku qaylinaya reer aakhiraad (Ghost) caawimona weydiisanya shaqaalaha isbitaalka.
Arintaan ayaa noqotay mid buuq weyn ka abuutay maamulka Isbitaalka aakhirkiina waxaa lagu xaliyey in Ramiiz la siiyo qol yar oo salaada ku tukado halka dadkii waayeelka ah iyana lagu qanciyey in waxaani yihiin dhaqan diimeed.
Waxa iyana sidaas oo kale oo buuq xoog lihi ka dhashay ka dib markii dawlada Hoose dalka Ingiriiska qaybta xanaanada caruurtu ay booqdeen reer asal ahaan ka soo jeeday gobolka Gjurad ee dalka India,waxaana kolkii albaabka ay ka soo galeen isha ku dhufteen ilmihii ay soo booqdeen inay arkaan sida uu u nool yahay oo madiibad (baaquli) madaxa ugu jiro hooyadiisna ay agtaagan tahay.
Kooxdaan oo uu sas xoogani ka muuqdo ayaa u yeeray ciidanka booliiska waxayna sheegeen inay reer ilmaha ka qaadayaan ilmahana dayacaad loo gaystay,waxaana reerkii laga qaaday ilmihii iyagoo yaaban waxaa dhacay.
Haddii ay ogaan lahaayeen dhaqanka weligood kuma fakareen inay ka qaadaan,waxaa jirta caado laga isticmaalo dalka India,Paksitan iyo Bangladesh oo ah in ilmaha madax loo geliyo madiibad (baaquli) si madixiisu u ahaado mid aan kala dheerayn oo siman,Waxaana gurmad xoogan loo galay sidii reerka ilamah loogu soo celi lahaa,taasi oo lagu guulaystay kolkii loo sharaxay dhaqanka reerku ay leeyihiin.
Dhanka Soomaalida ayaan la oran karin iyaguna waa ka bad baadeen dhibaatooyinka qurbaha,oo waxaa ay la kufaa kacayaan mawjado dhaqamo aysan garanyn oo aan xisabtaba ugu jirin, taasi oo ay ka timid dhul shiyeeyo oo loo dhoofo.
“Dhul shisheeye dheef maleh habeen dhixitin mooyaane,Nuur Cali soo dhigay hadduu dhaartay berigii” Nuur Cali qonaf saaxiibadiis ay hoos ka tuur xagga gabayadaa lahaayeen oo uu ka mid ahaa Siciid Aw-muuse markaas waxa dhul shisheeye ku tilmaamay deegaanka Mudug oo markaas Nuur Cali mudo ku noolaa isagoo ka maqnaa deegaankiisii gobolka Bari,su,aashu waxaa weeye maxay maanta ku jawaabi lahaayeen haddii wax midab madow waayi lahaayen?.
Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka mid ah meelaha soomaalida dalkoodii ka haajirtay ay ugu ban yihiin,waxaana dhibkii uu weynaa ka yimid markii isbitaalka qaybta bukaan jiifka dumarkii Soomaalidu ay diideen inay xidhaan (lebistaan) harka bukaan socodka oo u saysan sida surweelka iyo shaarka oo kale, taasi oo ka ku tilmaameen inay guud ahaan ka hor imaanayso diintooda, taasi oo la yaab ku noqotay dhaqaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka taasi oo aakhirkii xal laga gaaray.
Weris iyo Ayaan Xirsi-na waxaa shaydaanka iyo dhaqamo ay soo min guuriyeen u qurxiyeen meel kaga dhicida diinta Diinta iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida,iyagoo magac ku raadinayana wax kasta oo xumaan ah oo aan Soomaaliga dhaqanka haystaa uusan afka soo marsiin karin.
Kala duwanaanta dhaqamada iyo kadeedka qurabaha ayaa qofka soo haajiray uu ka maraa halgan aad u adag oo kula qabsan karo nlosha cusub ee bilaabay,waxaana qaar badani ka qaadaan cuduro noloshooda ay ka buskoon sida (depression) Buusfiska inta badan la sheego inay dadku qaadaan kolka cimiladu si badasho.
C/rizaak Yaassiin (Caano Geel)
Waayaha.net-London-UK
Waayahanet@hotmail.com