Waxaa soo if baxay muuqaalo diin la dirir ah tan iyo markii DF iyo
Itoobiya qabsadeen deegaanadii maxkamaduhu ay ka talin jireen.
Muuqaaladaas waxay isugu jiraan: weeraro lagu qaado masaajidda xilliyada
salaadda lagu jiro, ka dibna la xirxro dadka ku tukanaya. Dumarka xijaaban
oo khimaarka (indha shareerka) laga fiiqo, taas oo qaarkood la qaartay in
ay gacan ka jabiyaan gabar diiday in la furo indha shareerkeeda.
Malcaamadaha Qur’aanka lagu barto oo qaarkood la galo, lana baaro, taas oo
argagax ku ridda ubadka wax ka baranaya. Waxaa dhaqamadaas ku soo kordhay
maalin cad in weerar gaadmo ah lagu soo qaado mac-hadka Al-sunnah oo lagu
barto cilmiga diinta, ka dibna la qafaalay maamulkii,macallimiintii iyo ardaydii wiilasha ahaa oo dhan, isla markaana ciidanka DF-ku waxay qaateen kumbuyuutaradii iyo dukumintigii mac-hadka oo dhan. Waxaa ka yaab badan dhacdooyinkaas in aan dadka lagu xeraynayo xabsiyada lagu soo oogayn wax eed ama tuhmo ah.
Dadweynaha Soomaaliyeed waxay muddo dheer sugayeen dawlad u dhalata, una keenta nabadgalyo, deganaansho iyo horumar dhan walba ah. Dhab ahaanna horumarka bulshada waxaa saldhig u ah aqoonta.Dadweynuhu si kasta oo ay uga xun yihiin in dawladdoodu u adeegsato Itoobiya, haddana uma ay arkayn dawladdu in ay islaamnimada ka baxday oo ay diinta dabargoynayso. Waxaa kale oo bulshadu ogtahay in diinta dalku tahay islaamka, sida ku qoran xeerka qaranka. Si kastaba ha haatee marna dadweynuhu ma filayn in dawladdu shaqo ka bilowdo weerar lagu qaado masaajidda, macaahidda diinta, malcaamadaha, iskuulada iyo xijaabka gabdhaha; maxaa yeelay goobahaas iyo dadka lagu weerarayo waa kuwa dalkan soo badbaadiyay dhawr iyo tobankii sano ee ay burcadda iyo balaayadu silcinaysay.
Tan kale culimada iyo dadka diinta baranaya bulshada uma dambi badna haddayba dambi leeyihiin; sidaa darteed caqligu wuxuu keenayaa in marka xumaan oo dhan la suuliyo iyaga lagu khatimo haddayba eed leeyihiin!!!.
Haddaba maxaa keenay in DF ay sidaa u colaadiso diinta iyo dadkeeda?
Ilama aha in madaxda sare ee DF-ku go’aan wadajir ah ku gaareen in ay
islaamka ka ciribtiraan Soomaaliya, islaamnimaduna dadkaan iyo dalkaan
waxay u tahay laf dhabar oo ninkii inuu ka suuliyo damca isagaa suulaya
sidii rag horeba ku dhacday. Waxaase jira asbaab is biirsatay oo keentay
in sidaan loola dhaqmo diinta iyo dadkeeda, waxaana ka mid ah:
1.La dagaalanka islaamku waa halkudhagga kaliya ee lagu helo taageerada quwadaha waaweyn xilliyadaan dambe. DF-kuna baahi weyn ayay u qabtaa in ay ku kacdo wax raalli galiya quwadahaas; si ay ictiraaf iyo taageero uga hesho.
2.Xubnaha DF waxaa ku jira rag sidoodaba ku nool la dagaalanka diinta, horena
ugu soo qaatay qandaraasyo Itaabiya iyo Maraykan, sida: isbahaysigii la dagaalanka
argagixisada ee Xamar laga eryay oo hadda xubno muhiim ah ku leh DF.
3.Si loo muujiyo in shacbigu taageersan yahay DF iyo Itoobiya waa in loo muujiyo
cidda la dagaalamaysa inay yihiin dadka diinta ku lug leh kaliya. Dadka kale oo la
dulmiyayana waxaa lagu shaabbadaynayaa in ay wadaadada taageerayeen.
4.Dulmiga qabiil loo gaysto wuxuu leeyahay cid ka hadasha, cid ka garawda iyo
cid u aarta, laakiin Soomaalidu ma taqaan diin loo hadlo ama loo aaro. Dawladdu
waxay hilmaantay in Nabigu (scw) Ilaahay ka wariyay in uu yiri: (Qofkii la dagaalama
awliyadayda waxaan ogaysiiyay in aan la dagaalamayo) Haddaba dawladdu ha ogaato in ay Ilaahay dagaal la gashay.
5.Dadka la xirxirayo waxay noqdeen ilo dhaqaale oo joogto ah. Qofka kaliya ayaa
laga lagu soo furanayaa $300-$1000. Taa waxaa ku tusaya in aan dadkaas wax eed ah loo soo jeedin ama aan lagu qaadin wax dacwo ah ee jeelka uun la isaga xereeyo ilaa madaxfurasho la keeno.
Gabagabadii dawlado badan ayaa la dagaalama diinta islaamka iyo dadkeeda, laakiin
lama hayo dawlad gaartay in ay masaajidda oo salaaddii lagu jiro ama macaahiddii oo darsigii la dhigayo la weeraro.
Tan kale Dawladdu waxay diinta uga darraatay isbahaysigii la dagaalanka argagixisada; maxaa yeelay kuwaasi qof qof ayay inta qabsadaan ka iibin jireen Maraykan ama Itoobiya ee ma dhicin in ay masaajiddii oo lagu tukanayo weeraraan ama macalin casgar dhigaya isaga iyo ardaydaba la isku qafaasho ka dibna madaxfurasho laga qaato. Haddaba waxaan u soo jeedinayaa maamulka sare ee dawladda in ay arrintaas tillaabo deg deg ah ka qaadaan oo la soo daayo dhammaan dadka laga qafaalay masaajidda iyo macaahidda diinta, isla markaana loo soo celiyo qalabkii iyo hantidii kale ee laga qaatay.
Dr.Nuur Cabdille
rummasan@hotmail.com
Maqaalkani ka turjumi mayo aragtida shabakada Wararka Waayaha.net