FASIRAAD IYO FAALLO
Faalladayda waxa aan ka soo xigtay:
- Tafsiirka suuradda ”Wa-samaa´i thaatil Buruuj
- Xadiiska saxeexa ah ee ku jira Saxiil- almuslim ee uu weriyey Suhayb
- Shahiidkii weynaa ee Sayid Qudub
Qisada asxaabul-ukhduud ee Allaah kaga sheekeeyey suuradda al-buruuj, waxay mudantahay in loo yeesho fiirsasho dheer. Gaar ahaan, waa in ay il gaar ah ku eegaan dadka u soo banbaxay in ay faafiyaan diinta Alle ama difaacaanba. Habka Quraanku u soo bandhigay nuxurka qisada oo lagu daro hordhaceeda iyo gunaanadkeeda, waxa laga qaadanayaa duruus muhiim ah oo ku siinaysa sawirka dhabta ah ee:
1-Baaqa diinta Alle,
2-Kaalinta dadku ku yeelanayo baaqaas
3- Iyo mid ka mid ah natiijooyinka suuragalka ah ee ka dhalan kara ku baaqidda diinta Alle.
Qisadu waxa ay dadka muuminiinta ah u tilmaamaysaa jidka dacwadda si ay ugu diyaar garoobaan la kulanka natiijooyinka suurtagalka ah ee jidkaas lagula kulmi karo.
Nuxurka qisadu wuxu ka warramayaa; ”dad rumeeyey rabbikooda isla markaana la soo banbaxay rumayntooda, dabadeedna la kulmay ciqaab ay kala horyimaaddeen qaar kale oo quwad sheegtay oo aan wax ixtiraam ah u hayn xuquuqda bina aadanka ee la xidhiidha xorriyadda caqiidada iyo ku xidhnaanta Allaha caziizka ah. Ciqaabtii lagu sameeyey dadkaa muuminiinta ah waxay gaadhay heer iyaga oo noolnool lagu rido godad, ama xorfado ama xabaalo dab ka holcayo, halka kuwii ciqaabayeyna ay ku raaxaysanayeen hilbaha muuminiinta ee dhamacdu solayso ee kolba wasladi bislaanayso. Waxa ay daawanayeen kolba raxan dad ah oo lagu daadinayo dabka oo sidaa ku shuf beelaya”
Sidaas oo ay ahayd haddana iimaankii muuminiinta ayaa ka xoog batay itixaankaas. Caqiidadii ay lahaayeen ayaa ka guulaysatay nololjeclaysigii oo uma ay cabiidsamin cagajuglayntii daalimiinta, diintoodana kama ay fidnayn dabkii lagu solayey maqaarkooda. Adkaysigaas waxa keenayey quluubtooda iyo nafahooda oo ka xoroobay caabudidda nolosha adduunyo. ”HOOYO, KU XABIR XAQ BAAD KU TAAGANTAHAYE”, ayuu yidhi wiil yar oo hooyadii ka yara maagtay in ay ku dhacdo dabkii holcayey, markii la kala doorransiiyey in ay ka noqoto caqiidadeeda iyo in ay dabkaas gasho. Waxa sidaas lagu caddeeyey xadiis saxeex ah oo Nebiga (scw) laga soo wariyey.
Intii aan la bilaabin xasuuq-wadareedka ay ka sheekaynayso suuradda Alburuuuj, waxa ay daalimiintu isku dayeen in ay ku qanciyaan shakhsiyaadkii hormoodka u ahaa diinta Alle, in ay ka tanaasulaan caqiidadooda. Markii ay ka diideen in ay ka laabtaan rumaynta Alle, waxa la dhadhansiiyey ciqaab aad u xanuun badan. Qaarkood waxa lagu kala jeexay miinshaar afbadan, halka qaar kalena ay meel fagaare ah ku dileen. Markasta oo ciqaabtu ku badato muuminiinta, waxa sii badanayey dadkii soo gelaya diinta Alle, aakhirkiina waxaabay dadkii u bateen muuminiin ku qanacday kelinimada Eebbe iyo inuu xaq u leeyahay caabudaad. Markaas ayey daalimiintii bilaabeen xasuuq-wadareedkan ay kula bexeen magaca ”Asxaabul-ukhduud” ee aan ka soo sheekaynay.
Qisadu ma sheegayso waxa ku dhacay galaadii sidaa u xasuuqday muuminiinta. Sida caadiga ah waxay qisooyinka quraanku ka warramaan sida Alle u ciqaabay qoomamkii gaalada ahaa ee dhibay Nabiyada(cs) iyo dadkii raacay. Waxa la inoo sheegay wixii qabsaday Qoomkii Nebi Nuux , qoomkii nebi Huud, qoomkii Nebi saalax, qoomkii nebi shucayb, qoomkii Nebi Luud iyo Sidii Alle u dhaxal wareejiyey Fircoon iyo awooddiisii. Laakiin Qisadan Asxaabul-ukhduud, inooma sheegin ciqaab la marsiiyey daalimiintii xasuuqday muuminiinta. Taasi waxa ay inagu baraarujinaysaa in natiijooyinka ka iman kara ku baaqidda dariiqa Alle iyo loolanka ka dhasha, ay noqon karaan sidan oo kale.
Haddaba su´aasha soo degdegaysaa waxa ay tahay: Ma sidaas ayey ugu dhammaatay muuminiintii uu iimaankoodu gaadhay heer ay naftooda hibeeyaan? Ma iyaga oo waxaas oo dhib ah Alle dartii ula kulmay ayey sidaas ugu dhammaatay oo daallimiintiina ku nabad galeen?. Arrinku sow uma eeka in dulmigii ka guulaystay iimaankii?.
Haddii aynu si maaddi ah wax u miisaanno, wuxu arrinkani noqonaya mid murugo leh oo xanuun badan. Waa gebogebo aanu wadnuhu qaadi karin culayskeeda. Laakiin haddii aynu saarno arinka miisaan diini ah oo aynu ka fiirinno dhinaca eebbe inaga rabo in aan wax ka fiirinno ee ku xusan kitaabkiisa, markaas kama murugoonayno waxan dhacay. Iska daa murugo eh, waxaan dareemaynaa farxad weyn oo ku saabsan guul u soo hoyatay muuminiintii ay xasuuqeen asxaabul-ukhduud.
Allaah wuxu ina barayaa in nolosha iyo wixii la tacalluqaaba -dhib iyo dheef, khasaare iyo macaash- aanay culays weyn ku lahayn miisaanka Alle. Akri Suuratul-cankabuut 64:”Ma aha nolosha adduunyo iska baashaal iyo ciyaar mooyaane, daarta aakhiro ayaase ah nolosha dhabta ah, hadday ogaan lahaayeen”. Waxa culayska wayn ku leh miisaanka Alle waa ”iimaanka”, waxa suuqa Alle ku gadmayaana waa caqiidada. Qofka ku guulaysta in uu xejisto iimaankiisa ee aan ka tanaasulin farriimaha caqiidadiisa ayaa guulaystay. Hadday koox yihiinna iyaga ayaa guulaystay, hadday umad tahayna, umaddaas ayaa guulaysatay.
Dadku dhammaantood waa dhimanayaan. Sababaha dhimashada ayuun baa kala duwan. Laakiin dadka oo dhami sidan uma wada guulaystaan. Dadka oo dhami sidan ugama wada xoroobaan addoonimada nolosha. Muumiintani waxa ay awoodayeen in ay badbaadiyaan nafahooda iyaga oo ku bedelanaya in ay ka tanaasulaan caqiidadooda ama qaybo ka mid ah. Laakiin taasi khasaare weyn ayey u ahaan lahayd, iyaga iyo bina aadanka iyo diintaba. Bal hadda ka warran, ninkii suufiga ahaa ee loogu hor dilay qisadan, ama odaygii indhoolka ahaan jiray ee lagu xigsiiyey ama wiilkii dhalinta yaraa ee fagaaraha lagu dilay, haddii ay naftooda jeclaysan lahaayeen oo wixii laga rabay aqbali lahaayeen? Ma dhici lahayd in ay islaamaan, kumannaankii qof ee dib ka soo islaamay ee sidaas uga badbaaday gaalnimada? (fadlan akhri qisada oo faahfaahsan, waxay ku jirtaa Riyaadu-saalixiinka eh iyo tafiisrka suuratul-buruuj).
Waxa dhici karta in wakhtigan lagu jiro, dadka qaar isku qanciyaan, in cadowga laga hor leexdo si aan loo dabargoyn diinta iyo ehelkeeda. Laakiin taasi waa jabka ugu xun. Maxaa yeelay cadowga diintu marna ma tixgelinay ehelnimo iyo ballan toona. Hadday gacan sarreeyaan, ma xakamayn doonaan gacantooda iyo afkooda toona. Waxay dumin doonaan masaajidada iyo mawlacyada. waxay fasahaadin doonaan arlada,waxaanay dadka ka fidnayn doonaan diintooda. sidaas quraanka ayaa caddeeyey. Ilaahay isaga ayaa ku shaqo leh natiijooyinka iman doona. Qofka muuminka ahi taas ma maamulo. Isagu waa shaqaale keli ah. Shaqadiisana wuu heli abaalkeeda haddii aanu ka tanaasulin xaqa Alle.
Gunaanad
Haddii qisada asxaabul ukhduud loo sii fiirsado sida ay ugu jirto suuradda Alburuuj, gaar ahaan hordhaceeda iyo gunaanadkeeda, isla markaana aan la kaashanno ayaado kale iyo xadiiska nebiga (Scw), waxaa inoo caddaanaya amuuro badan oo loo baahanyey in si fiican loo fahmo, waxaana ka mid ah:
- In dagaalka u dhexeeya muuminiinta iyo kuwa ka soo horjeeda uu yahay dagaal caqiido oo aan shaqo ku lahayn wax kale. Ma aha dagaal dhaqaale, mana aha dagaal qoomiyadeed mana aha dagaal qabiil. Waa dagaal u dhaxeeya xaqa iyo baadilka, iimaanka iyo gaalnimada. Bal hadda u fiirso qisadan Asxaabul-ukhduud sida Alle ugu caddeeyey sababtii loo xasuuqay muuminiinta: “Kagama ay aarsanahayn (muuminiinta) wax aan ahayn rumaynta Allaha caziizka ah ee la mahadiyo “. Waa in aan lagu qaldamin sheekooyinka lagu qaldayo xaqiiqada dhabta ah. Waxa la odhan waa dagaal qabiil ama dagaal dhaqaale ama dagaal siyaasadeed, si aan loo fahmin inuu yahay dagaal lagu burburinayo diinta Alle. Waa in aan dadka muuminiinta ah loo dhiibin calan been ah oo aan qusayn qaddiyaddooda. Wakhtigan hadda lagu jiro waxa adduunka ka socda duulaan lagu hayo caqiidada islaamka oo u qorshaysan in lagu xidido siibo diinta Alle. Laakiin waxa la soo huwinayaa calamo kala duwan. Waxaanad arkaysaa iyada oo ay ku dagmayaan dadka qaarkood.
- Dagaalka xaqqa iyo baadilka u dhexeeyaa kuma soo afjar maayo iska hormaad-yada adduunka ka dhaca oo keli ah. Qaybta adduunka ka dhacdaa waa qayb uun, gebagabadii dhabta ahaydna waa dambaysaa. Waxa la wada hor tegayaa Allihii abuurtay dadka iyo nolosha adduunkaba. Aakhiro ayaana ah meesha xaqiiqo ahaan loogu kala bixi doono. Bal hadda u fiirso aayadaha ay qisadu ku dhammaanayso ee Suuradda al-buruuj:
(Kuwii fidnaynayey ragga muuminiinta ah iyo haweenka muuminaadka ah ee aan ka soo toobad keenin, waxa ay gelayaan cadaabka jahannama, waxayna gelayaan cadaab wax gubta*
Kuwa Alle Rumeeyey ee sameeyey camal saalix ah, waxay leeyihiin jannooyin ay dhex socdaan webiyo. Taasina waa liibaan weyn.*)
Ciqaabtaas Alle u ballan qaaday asxaabul-ukhduud iyo jannooyinkaas loo ballan qaaday muuminiintii xaqa ku sabirtay, kama ay dhicin adduunyada ee waxa loo dib dhigay aakhiro iyo marka adduunka la kala xukumo. Adduunku ma aha meesha wax lagu kala xukumayo, mana ha meesha la isugu abaalgudayo.
- Waxa kaloo inoo caddaanaya in dagaalka xaqa iyo baadilka ee adduunka ka socdaa aanu ku koobnayn dadka hardamaya oo keli ah. Waxaa markhaati ka ah oo rekoodh-garaynaya, isla markaana ka marag furi doona makhluuqa Alle oo dhan sida Malaa´iigta iyo weliba Allaha khaaliqa ah. Akhri bilowga suuradda.
- Waxa kaloo inoo caddaanaya; in qofka muuminka ah ee ku sabra xaqa, taas darteedna loo dilo, uu abaalgud u helayaa janno. Weliba sida aayado kale lagu caddeeyey waxaa la siinayaa darajada ugu sarraysa ee lagu magacaabo ”shahiidnimo”. Wuxu Eebbe yidhi: ” Ha moodina inay dhinteen kuwa loo laayey jidka Alle. Way noolyihiin oo waxa lagu quudinayaa rabbigood agtiisa iyaga oo ku faraxsan waxa Alle siiyey ee fadli ah” suuradda Aal-cimraan 196-197
- Waxa kaloo inoo caddaanaya; in kuwa daalimiinta ah ee muuminiinta ula diriraya caqiidadooda darteed, ay ciqaab Alle mudan doonaan. Ciqaabtaasi waxa ay imanaysaa aakhiro, waayo? Aakhiro ayaa ah meesha la isku abaalmarinayo. Way dhici kartaa in ay adduunka kula kulmaan ciqaabtaas, laakiin qasab maaha. Waxa dhici karta in aanay adduunka wax dhibaato ahba kula kulmin. Qisada asxaabul-ukhduud ayaana taas laga arki karaa. Mase aha in Allaah sidaas ku dhaafayo daalimiinta. Wuxu Alle aayad kale ku yidhi: ”Ha moodin in Alle moogyahay waxa ay daallimiintu samaynayaan. Wuxuu ugu dib dhigayaa uu,n maalin ay indhuhu libiqsi deynayaan oo ay degdegsanyihiin oo madaxoodu cirka ku laalanyahay, daboolka indhahooduna aanu soo laabma hayn, laabtooduna ay madhantahay” Suuratul-ibraahim 42-43
- Waxa kaloo inoo caddaanaya in jabka iyo ku gacansarraynt goobta loo simanyahay. Way dhici kartaa in muuminiintu gacan sarreeyaan, waanay dhici kartaa in daalimiintu ay gacansareeyaan. Haddii muuminiinta lagaga gacan sarreeyo goobta, ma aha in ay ka tanaasulaan xaqa, mana aha in ay ka tanaasulaan caqiidadooda. Guuldarrada rasmiga ahi waa haddii laga tanaasulo xaqa oo lagu yeelsiiyo wixii lagaa doonayey. Guusha ugu weyni waa marka goobta lagu kala baxo adiga oo xaqii ku taagan, geeri iyo nololba. Bal eeg muuminiinta reer asxaabul-ukhduud ee sida wadarta ah loo xasuuqay. Sowtaa Alle sabirkooda dartii ugu ballan qaaday jannooyin webiyo durdurayaan. Sowtaa kuwii is moodayey in ay guulaysteenna loo ballan qaaday in la gelin doono cadaab wax gubta.
- Ugu dambayn waxan ku soo khatimayaa macnaynta ayaadaha suuradda Al-buruuj ee ka hadlaya qisada asxaabul-ukhduud. Wuxuu Alle yidhi:
( WAXAN KU DHAARTAY:
- Samada Buruujta leh *
- Iyo maalinta la ballan qaaday*
- Iyo mid markhaati ah iyo mid markhaati laga yahay eh =
WAA LA NACDALAY:
- asxaabul ukhduud (kuwii lahaa godadka)*
- Kuwii lahaa dabka xoogga loo shiday*
- Markii ay dulfadhiyeen (godadkaas dabku ka holcayo)*
- Iyaga oo u soo xaadiray waxa ay ku samaynayaa muuminiinta*
- Kagamana ay aarsanahayn (muuminiinta) wax aan ahayn rumaynta Allaha caziizka ah ee la mahadiyo* Allaha iska leh maamulka samooyinka iyo arlada. Ilaahay wax walba markhaati ayuu u yahay*
Kuwaas fidnaynayenayey ragga muuminiinta ah iyo haweenka muuninaadka ah ee aan ka soo toobad keenin, waxa ay gelayaan cadaabka jahannama, waxayna gelayaan cadaab wax gubta*
Kuwa Alle Rumeeyey ee sameeyey camal saalix ah, waxay leeyihiin jannooyin ay dhex socdaan webiyo. Taasina waa liibaan weyn.
6. Qabashada-ciqaabeed ee rabbigaa waa mid adag.)
Dhammaad
Qoraalkan waxa aan u hadiyadaynayaa dhammaan shucuubta islaamka ah ee la baaxaa degaysa dhibka loogu geysanayo caqiidadooda darteed.
Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Aragtida Qoraagu ka turjumayso shabakadda wararka Waayaha.net