Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Qawlaysigii Dhamaaday ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku Caanbaxday 16kii sano ee lasoo dhaafay meel laga ugaarsado dadka bulshada qiimaha weyn ugu fadhiyey sida, Culumada,Aqoonyahanka,Waxgaradka,Siyaasiyiintii aan hubeysnayn iyo waliba Saraakiishii Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed.

Dhamaan dadkaas ayaa lagu toogan jirey si kadis ah, mana jirin cid loo qaban jirey dilka dadkaas qiimaha ugu fadhiya bulshada.

Waxaa hubaal ah inay ahayd siyaasad lagu doonayey in lagaga takhaluso dadka wax garan kara isla markaana wax ka badali kara fikirka Shacabka miskiinka ah ee dagaalada sokeeye ay naafeeyeen.

Qowlaysatadii waxay horey usii galaafteen Suxufigii reer Sweden ee lagu dilay barxadda Tarabuunka,waxaa la orankaraa waxay ku jireen gabagabadii qandaraaskii qowlaystanimada ee ay mudada dheer ka wadeen Magaalada Muqdisho.

Joornaal kasoo baxa Dalka Sweden oo uu la shaqeyn jirey Suxufiga lagu dilay Xamar ayaa ku tilmaantay Magaalada Muqdisho " Farligaste plats i världen" meesha aduunka ugu khatarta badan ama ugu amaanka daran.

Waxaa iyana xusid mudan in hadda  lagu tilmaamo Magaalada Muqdisho inay ka amaan fiican tahay mid ka mid ah Caasimaddaha Maraykanka ee Newyork.

Waa wax lagu farxo laakiin waxaan marnaba ku farxeyn Cadowga shacabka soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan dadkii ka ganacsan jirey dhiiga shacabkooda.

Qowlaysiga Cusub ee ka bilowday Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa marti ku noqday Dowladda lagu naanayso Tabar Yar  ee laba sano ka hor lagu soo dhisay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kadib ay heshiin waayeen ninkii horey u marti galiyey oo markaas haystay Magaalada Jowhar.

Inta badan Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa lagu tirayaa rag darajada ama kuraasta ay ku fadhiyaan ku gaaray Qowlaysiga ka socday 16ka sano Dalka Soomaaliya, iyada oo loo kala hormariyey sida ay ugu kala horeeyaan ka ganacsiga dhiiga shacabka Soomaaliyeed ama Qowlaysiga dhiiga.

Waxaan ognahay rag dhowr ah oo kuraas ka waayey Dowladdaas iyo kuwa kale oo aan ku qancin kuraastii la siiyey inay ganacsi hor leh oo waji cusub leh ka bilaabeen Magaalada Muqdisho,Waxaana la oran karaa wuxuu ahaa Mashruucii ugu danbeeyey oo ay ka qabtaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in dhamaan dadkii ka qowlaysan jirey Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ay maanta xarun u wada tahay Magaalada Baydhabo, iyaga oo halkaas ka bilaabay howlihii lagu yaqaanay,waxaana maalin kasta lagu dilaa oo si bareer ah loogu toogtaa bartamaha Magaalada Baydhabo dadka leh sifooyinkii kuwii horey loo laynaayey 16ka sano.

Tii ugu danbeysan waxay ahayd Dilkii shalay Salaaddii jimco kadib loo geystay  Allaha naxariistee Marxuum Cabdalla Deeroow Isaaq ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee aqoonta ka lahaa xukuumada Cali max'ed Geedi, iyada oo aan weli la cadayn ciddii dishay.

Hadaba waxaa is waydiin leh Su'aalo dhowr ah jawaabtoodana waxaan u daynayaa akhristayaasha.

Muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya dilalkii 16ka sano ka socday Magaalada Xamar iyo kan hadda ka bilow Baydhabo?.

Suura gal ma tahay dadkii lagu tuhunsanaa inay cadowga shacabka Soomaaliyeed mashaariic kasoo qaataan si ay uga takhalusaan inta wax kala garanaysa inay yihiin kuwa hadda howshooda ka bilaabay Magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin?.

Xiriir  ma ka dhaxayn karaa Ciidamada Ethiopia ee la sheegay inay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo iyo dilalka khaarijiska ah ee ka bilowday markii ay meesha soo galeen?.

Shacabka birtu ku bilaabatay ee Baydhabood mala gudboontahay inay dhulkooda ka illaashadaan dadka ku bilaabay waxaysan horey u aqoon mise arintu waxay tahay " shalay tabar baan hayey oo talo mahayn, maantana talo ayaan hayaa laakiin tabar mahayo"?.

Dhamaan Su'aalahaan iyo kuwa kale oo badanba waxaan u daynayaa inay ka jawaabaan akhristayaasha sharafta leh.

Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Wayahacom@hotmail.com
Waayaha,Enköping,Sweden




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software