Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Soomaaliya oo ka qeyb noqotay Safka hore Wararka Caalamka kadib dhacdooyinka Gobolka

Xilli Caalamka uu ku mashquulsan yahay weerarka cadowtooyo ee Isra'il ay ku heyso Lubnaan ayaa dhinaca kale xaalad jahawareer Siyaasadeed ay ka taagan tahay  Soomaaliya oo aan ka yareyn khataraha heysta amaanka Qaranka Carbeed, waxaana wararka iska soo daba baxayaa ay sheegayaan in Xoogag hubeysan Ethopian ah ay soo galeen dhulka Soomaaliyeed, iyagoo gacan siinaya Xukuumadda FS ee uu hogaamiyo Cali Maxamed Geedi oo dhowaan ku sigtay inay ka simbariiraxdo jagada uu hayo kadib Cod Baarlamaanku uu u qaaday Xukuumadda, balse codkaa uu fashilmay markii loo waayay 11 Cod.
 
R/wasaare Geedi waxa uu dalbaday in dib loo dhigo Wadaxaajoodka Khartuum wajigiisa labaad, xilli Xubno wasiiro ah oo ku dhow 11 Xubnood ay shalay iska casileen Xukuumadda, iyadoo laba cisho ka hor ay is casileen 18 Xubnood oo wasiiro, wasiiru dowlayaal  iyo wasiir ku xigeeno ah .
 
Malaga yaabaa R/wasaare Geedi inuu iscasilo ka hor inta aanu Madaxweyne Yuusuf soo saarin wareegto xilka looga xayuubinayo, maadaama ay soo baxday awood balaaran oo konfurta Soomaaliya gacanta ku dhigtay, kuna qanci kara jagadaasi iyo Xubno wasiiro iyo Taliska Ciidamada, maadaama Jagada Madaxweyne iyo Gudoomiyaha Baarlamaan looga xayuubin karo qodobo Axdiga ay ka talaabaan  ama loo sugo mudada Hogaankooda oo ku eg August 2009.
 
Waxaa maanta ka socdaalaya Beydhabo 16 Xubnood oo uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo khartuum lagu doonayo inuu kula doodaan Wafdi Maxaakimta ka tirsan oo Q.M ay ku dadaaleyso in ay ku qanciso inay u socdaalaan iyana magaalada  Khartuum, si loo soo nooleeyo rajada Ummada Soomaaliyeed, laakiin waxa ay shardi uga dhigeen Islaamiyiinta ka qeybgalka kulankaasi in Caalamka uu cadeeyo inaanu dalka Soomaaliya ku sugneyn askar Ethopian ah oo ay gabi ahaan  isaga baxeen.
 
Xukuumadda Addis Ababa waxa ay doontaaba waa kala dhantaalida Hogaanka Midoobay ee Maxaakimta Islaamiga
 
Maxaakimta Islaamiga ayaa iyagu horey ugu dhawaaqay inay Jihaad la galayaan Ciidamada Ethopianka ah hadii ay duulaan ku soo qaadaan Fariisimadooda, waxaase soo baxayay dhowaanahaan eedeymo ah in Islaamiyiinta ay shixnado hub ah ay ka heleen Eretria.
 
Arintani waxa ay horseedeysaa in soomaaliya uu ka dhaco dagaal lagu hoobto oo dhexmara dhinacyo kala matalaya Ethopia iyo Eretaria, waxaana dalka u horseedi kartaa inuu meelo badan ka noqdo goobo lagu aaso bam iyo miinooyin, waana loolan indhaha Caalamka si weyn u soo jiidan kara.
 
Dadka siyaasadda ka faalooda waxa ay aaminsan yihiin in Ethiopia oo ah xoogaga ugu awooda badan Geeska afrika, isbaheysina la ah Washington ay soomaaliya u dirtay 5 kun oo askari oo ku qalabeysan Taangiyaal, gantaallo iyo helecoptero, waxaana Ciidamadeeda ay dhanka kale si aad ah u soo buuxiyeen Xuduuda Gobolada Gedo iyo Hiiraan ay la leeyihiin Ethopia .
 
Ciidamada Ethopianka ah horey waxa ay u xirnaayeen dharkii lagu  yiqiinay , laakiin iminka waxa ay labisteen dareyska Ciidamada dowladda FS si aan loo garan .
 
Kormeerayaasha Caalamiga ah waxay tilmaameen in Ethopianku ay doonayaan in dharbaaxo xanuun badan ay gaarsiiyaan difaaca koowaad ee Maxaakimta islaamiga si ay gacanta ugu dhigaan garoonka Milatari ee Balidoogle oo Istiraatiiji u ah weerarada cirka ah, waxa ay taa suuragal ka dhigi kartaa in bartilmaameedyo ku yaala Magaalooyinka Gobolka Sh/hoose iyo Muqdisho la duqeeyo si loo curyaamiyo milatari ahaan Islaamiyiinta.
 
Laakiin Maxaakimta Islaamiga ayaa waxa ay wacad ku mareen inay la dagaalami doonaan Ethopianka ilaa ay ka shahiidaan, waxayna codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka isaga baxaan Ciidamada Ethopia .
 
Wararkaa oo idil waxa ay ku tusayaan inuu soconayo diyaar garow aad u xoogan oo ah dagaal goboleed ka dhul dhaca dhulka Soomaaliya oo lagu doonayo in lagu guul dareeyo howlgalada Maxaakimta islaamiga ah ay ugu sii fidiyaan Gobolada kale ee dalka.
 
Soomaaliya iyo Ethopia waa kuwa isku yaqaan dagaalada oo Taariikhdooda waxaa ka buuxa loolan iyo qalalaase la bilowday markii Ciidamadii Gumeystihii Talyaaniga ay qabsadeen Gobolka Ogaden 1936, ayna Xukuumadda Roma  ugu magac dartay  deegaankaasi "Soomaalida Talyaaniga" .
 
Dadka Gobolkaasi ku noolaa xilligaa waxa ay ahaayeen kuwa hoos tagayay Talyaaniga, halka qaarna ay ahaayeen kuwa hoos tagayay Maamulkii Ethiopia, inkastoo dadka deegaanadaasi ay ahaayeen Soomaali ku hadleysa luqadooda hooyo, waana dad Islaami ah oo ka qeyb ah Dunida Carbeed iyo islaamka .
 
Dagaalkii qaboobaa ee dunida ka dhacay waxa uu ka dhigay in dagaal dhiig badan ku daata uu ka dhex dhaco Xoogaga Ethopia iyo Soomaaliya oo soconayay intii u dhaxeysay sanadihii 1964-1967, waxaana dowladda Mareykanka ay ku taageertay Ethiopia dhaqaale , Hub iyo Taageero Siyaasadeed oo ay ugu muujin jirtay fagaarayaasha Shirarka Caalamka, halka dalalkii Midowga Soofiyeeti iyo Shiinaha ay taageero la garab istaageen dowladdii Soomaaliya waqtigaa ka jirtay.
 
Sanadkii 1969 markii Gen. Maxamed Siyaad Barre uu xukunka afgembi ku qabsaday ka dib dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa afar sano markii ay ka soo wareegatay hogaankiisa waxa uu dhaqaale iyo Milatari ku taageeray dadka ku nool Gobolka Ogaadeen oo uu ku dhiiri geliyay in Madax banaanidooda ay ku soo celiyaan Soomaaliya, iyadoo uu qarxay dagaalkii 1977-dii oo ay fooda isku dareen Ciidamada labada dal.
 
Dagaalkaasi waxa uu socday ilaa iyo sanadkii 1988-di, waana sanadkii labada dal ay gaareen heshiis nabadeed oo aanu sii nagaan waxaan ka badneen laba sano , iyadoo sanadkii 1991-kii Xukunka awood Milatari jabhado hubeysan oo USC la magac baxay ay ka tuureen Madaxweyne maxamed Siyaad Barre, halka Ethopia ay muddo 16 sano ah ka faa'ideysaney qaran burburka dalka Soomaaliya.

 W/qoray: Cali Cabdi Cali Suxeyfa.
                  Email:
alisuheifa@yahoo.com
                              Mogadishu-Somalia 
                                                    





   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software