Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Waa fursad kale Geeddi.

Waayaha.com
Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan.
Waa arrin dabiici ah in dadku ra'yiga isku khilaafo marka laga hadlo arrin ama falanqayn lagu samaynayo xaalad, hasa ahaatee waxaan marna khilaaf uusan soo geli karin xeerarka la dhigto ee horay laysugu af -gartay, sida ay hadda yihiin arrimaha siyaasdeed ee dowladda Soomaaliyeed mark la fiiriyo ayaa waxaa iyadana muuqanaya in khilaafka jiraa ay tahay iyadoo aad moodo in dadka qaarkii aysan ku dhaqmayn ama aqoonsanayn cahdigii ku-meel-gaarka ahaa ee ay markii hore soo wada ansaxiyeen isla markaasna isku af-garteen ragga dowladda ku jira (labada golaba).
 
Arintan la xiriirta inaan cahdigii la soo wada dhigtay lagu dhaqmayn ayaa waxaa laga garan karaa baaxadda khilaafka iyo sida uu u xoogganaa iyadoo uu waliba nin kasta oo khilaafkaas lug ku leh Madax-weyne, Ra'iisalwasaare, Guddoomiye barlaman, Wasiir, iyo Xubin barlamaan uu ku dhegganaa go'aankiisa oo uusan ka soo degi lahayn halkii uu taagnaa haddii aysan soo dhex gelin Itoobiya, waxayna arrintan cadyn u ahayd inaan xubnaha dowladda aysan lahayn kala dambayn xagga awoodaha uu bixiyay cahdiga iyadoo ay waliba sida la wada garan karo aysan meesha ka marnayn is qab-qabsigii iyo dhaqan xummadii laga dhaxlay 16ka sano ee uu burburka socday.
 
Waxaa kaloo iyadana yaabab lahayd in arrinta laysku hayo aysan ahayn mid laysku qaban karo cahdi iyo cahdi la'aan midna, oo maxay ahayd? in wada hadal lala galo Maxaakimta Muqdisho qabsaday iyo in kale, waa yaab!.... Maxaa show SHacabka daacadda ah ee xalaal miiratada ah dhagar lala maagay.
Murit baa ahayd, Waayeel dooddiisa la garan waayay dan baa u xabaalan! wali waxaa dhegah dadka Soomaaliyeed ka sii yeeraya wasiirradii iyagoo mas'uuliyiin qaran ah askarinimada mushaarka kaga qaadanayay quwadaha shisheeye dowladdana u diiday inay cago dhigato. 
 
 Waxaan iyada shaki ku jirin in khaladaad jiri karaan marka dowladdu ay tahay mid ku dhisan qaabka tabar darida ah ee ay hadda u dhisantahay DFKMG, hasa ahaatee waxaan iyadana   meesha laga saari karin in la aqoonsado cidda khaladaadkaas mas'uulka ka ah, wanaa inuu jiraa xisaabtan u dhexeeya xubnaha sarsare ee dowladda iyadoo taas aan loola jeedin in qof lagu xumeeyo ama wax loogu dhimo ujeeddaduna ay tahay in la dhowro danta guud ee qaranka ummadda.

Marka la fiiriyo muddadii gaabnayd ee ay soo jirta DFKMG Soomaaliyeed ayaa waxaa mar kasta soo baxayay eedaymo loo soo jeedeinayo qaar ka mid ah xubnaha dowladda haba ugu badnaadeen R/wasaare Geeddi iyo Af-hayeenka barlamanka e', laakiin is-qab-qabsiga dowladda dhexdeeda ah ayaad moodaa inu noqday mid caado laga dhigtay maadaama aysan jirin hay'ado awood wax ku fulin kara marka lagu xad gudbo cahdigii la soo dhigtay, waxaana dhaqankii dowladdu u ekaaday dhaqan caruur yar-yar oo wax laysugu daray, in wax laysku inkiro iyo in la murmo "....Anigu sidaas ma oran...isagaa la weydiinayaa dowladdu waxaas kama war hayso....isaga xilkiisa ma aha...."weedhaha noocaas ayaa ah kuwa ugu badan ee xubnaha dowladdu is weydaarsadaan rajadii shacabkana quus gaarsiisay.

Wali waxaan la garanayn wasiirka arrimha dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin waxa uu u sheegay madaxdii Soomaaliyeed ee khilaafku u dhexeeyay, waxayseu egtahay  in wafdiga Itoobiyaanka ah ee soo gaarsiiyeen madaxdaas afrriin adag oo ay ka sideen kulankii  dowladaha IGAD ay ku yeesheen magaallada Nairobi, tirada 31ka wasiir ah ayaa iyada laf ahaanteedala oran karaa waxay daba socotaa soo jeedin hore oo beesha caalamka iyo IGAD lafteeda ay intii uu socday shirkii DFKMG lagu soo dhisay soo jeediyeen oo ahayd in tirada wasiirrada dowladda aysan ka badan soddomeeyo wasiir.

Laakiin wali waxaa is weydiin leh heshiiskaan ilaa iyo intee buu sii socon karaa?

Geeddi eedaha loo soo jeediyay oo xubnihii xukuumadiisa ay ku eedaynayeen wax ma ka bedeli doonaa? Golaha wasiirrada iyo golaha barlamanka ma garowsanyihiin inay xil u hayaan dad naftu ku sii daba yartahay mise sida dad-weynuhu tuhmayaan goosanba wuxuu meel ugu xareysanyahay 3da mas'uul ee dowladda ugu sareeya? guud ahaan golayaasha dowladda ma isku raaci karaan inay ka midoobaan qaabka loola xiriirayo dowladaha shisheeye ee danaynaya arrimaha Soomaaliya ama danta ka leh, halka ay hadda iyagoo kala qaybsan koox kasta si gaar ah ula socoto dowlad ay dano gaar ah ku qabto?....weydiimahaas oo dhan waxay ku tusayaan hadaad isku daydo inaad ka jawaabto arrintu inaysan ka duwanayn Maroodi addin ka jabay oo inuu kaco raba!...

Si kastaba ha ahaatee howsha dowladda maanta hor taal ayaa waxaa ugu muhiimsan inay iyada dhexdeeda midaysantahay kuna dhaqanto qaynuunka iyo cahdiga ay soo dhigatay, run ahaantiina haddi ay wax ka halaabaan dowladda ayaa inta badan qofka ay eedu qabanayso uu yahay Mudane Cali Max'ed Geeddi maadaama uu yahay madaxa Golaha xukuumadda ama fulinta, marka laga reebo eedaha ay wasiirradii is casilay u soo jeediyeen ayaa Geeddi waxaa lagu eedayn karaa inuusan isku dayin inuu la socdo is bedellada ay la imaanayso dabaysha siyaasadeed ee ka dhacaysa dalka gudihiisa, Geeddi sidaasoo kale lama uusan imaan hanaan siyaasadeed oo ku salaysan hal abuurnimadiisa si uu isugu dayo inay dowladda taabbo gasho, wuxuuna u ekaa nin dano kale leh ama.....

Mar kale Geedi waxaa gacantiisa soo galay fursad isaga loo dhiibay lagu aaminay xilkii qaranka loogu adeegi lahaa, waxaana laga dhowrayaa inuu meesha ka saaro tuhunka badan ee laga qabo in wax gaar isaga u ah uu ku shaqaynayo, iyo waliba inuu wax ka qabto wixii khladamay ee uu isagu ogaa, iyo inuu u howl galaa si cad oo aan gabbasho lahayn in dowladdu taabbo gal noqotaa, dadka Soomaaliyeedna iyagaa gar-soori doona...Libaax nin ganay iyo kala og nin galladay. 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software