Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
“90% haweenka Soomaalidu waa is mariyaan daawada laysku caddeeyo” dukaan ku yaal London.

(WYNET)London:-Mid ka mid ah dukaamada ugu waaweyn mudda dheerna ka soo furaa magaalada London ayaa shaaca ka qaaday in haweenka Soomaalida ee aggaaga uu ka furan yahay ku nooli 90% ay is ticmaalaan kareemka laysku caddeeyo (body bleaching).

 

Dukaankan oo ku yaal galbeedka magaalada London oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa sheegay in haweenku si dadban uga iibsadaan (Cream) suntan laysku caddeeyo, iyagoo inta badan u soo dirsada ragga ama caruurta yar yar.

 

Mar aanu weydiinay haddii dhibta  ogyihiin sababta ay u joojin waayeen, ayuu sheegay ninkaani inuusan isagu dukaanka lahayn hase ahaatee uu u sheegay mulkiilaha iska leh inay suntan ka ganacsigeedu uu xaaraam yahay.

 

“runtii aad aa loo gataa marka lacag aa ugu jirto maba daynaayo anigaa og laakiin aniga waan u sheegay” ayuu yiri ninkaan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

 

Suntan laysku caddeeyo ayaa hadda ka hor laga digay dalka Ingiriiska waxaana la sheegay in laga qaado cuduro badan oo ay ka mid yihiin kansarka jirka ku dhaca (Skin cancer), suntuna ay raacdo xididada.

 

Waxaa iyana sandii 1997kii dawladda Canada ay digniin ka soo saartay isticmaalka kareemada la yiraahdo Diana iyadoo sheegtay in kareemadaas ay ku badan tahay maadada la yiraahdo Mercury oo ay ku sumoobaan dadka waaweyn, kuwa uurka ku jira iyo kuwa la nuujinayo intuba.

 

Waxaa iyana jira daawooyin kale oo la isku caddeeyo (skin bleaching products) oo intooda badan ay ku jirto maaddo kale oo la yiraahdo hydroquinone oo ka dib markii hay’adda cuntada iyo daawooyinka maraykanku (Food and Drug Administration – FDA) ay cilmi baaris dheer ku samaysay ay sheegaty inay keento nooc ka mid ah cancera ku dhaca maqaarka oo la yiraahdo exogenous ochronosis.  Hydroquinone waxay keentaa in maqaarku iska daafaco iftiinka qorraxda waana sababta dumarka Soomaaliyeed loogu sheego inay habeenkii iyo waqtiyada qabowga ah oo keliya socdaan.

 

 FDA waxay cilmibaaristaa kadib soo jeedisay bishii August 2006 in la joojiyo iibinta dhammaan daawooyinka la isku caddeeyo iyadoo aan dhakhtar soo qorin. Sidoo kale, dhaktar lagu magacaabo Dr. Antoine Petit kana shaqeeya cisbitaal ku yaal Paris oo la yiraahdo Hopital Saint Louis ayaa isaguna ku ogaaday cilmi baaris in isticmaalka daawooyinla la isku caddeeyo ay dhaawac gaarsiiso qanjir muhiim ah oo la yiraahdo adrenal gland kaasoo jirka ka haqabtira dheecaano muhiim ah oo shaqooyin fara badan fududeeya.

 

Wargeyska Alriyad ee ka soo baxa waddanka Sucuudi caraabiya ayaa isaguna bishii December 2006 qoray maqaal uu kaga hadlayo khatarta ay leeyihiin daawooyinka maqaarka lagu caddeeyo. Wuxuu wargeysku si gaar ah farta ugu fiiqay kareemada Diana oo haweeney marsan jirtey in badan ay u sheegtay wargeyska in aanay joojin Karin isticmaalka Diana waayo bey tiri waxaa jirkayga ka soo baxayo dhibco madmadow. Wargeysku waxaa kale o ouu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Sucuudigu ay dhamaan farmashiyayaasha ka mamnuucday in lagu iibiyo daawooyinka ay ku jirto sunta mercury laakiin weli lagu gado dukaamada alaabta raqiiska ah iibiya oo la yiraahdo AbuuRiyaal.

 

Waxa iyana aanu wax ka weydiinay gabar Soomaaliyeed oo dukaan kuwa laysku qurxiyo ah ku leh Galbeedka magaalada London, waxaayna ay noo sheegatay inaysan iyadu iibin kuna fakarin inay iibiso,waxaase ay hoosta ka xariiqday in dumarka isticmaalaa ay dhib weyn ku qabaan, oo aysan xamili karin kulaylka.

 

“arooska markii la tago waa tan la ciyaaro hablaha marsadaa haddii ay ciyaaraan isla judhiiba waxaa gadoomaya jirkooda oo marka dhidid yari ka yimaado ayey (pink ) buni u ekaanayaan” ayey tiri Zainab Omar Hassan, intaas raacisay in calaamadaha lagu garto ay mid yihiin inaan marna la cadayn Karin halka xubnuhu ka laamaan sida suxulka iyo faraha oo ay mar walba sidii illaahay u abuuray yihiin markaasna jirkii kala nooc noqonayo.

 

Zainab oo khibrad fiican u leh dhinaca is qurxinta dumarka ayaa soo jeedisay inay haweenku iska daayaan suntan laysku caddaynayo oo isticmaalaan waxyaabaha aan macmalka ahayn ee runta ah,Sida Timirta,Malabka,Qasilka,Qajaarka iyo Liin dhanaanta oo guud ahaan jirka nafaqeeya.

 

Waxaa isna hadda ka shir uu qabtay (Muxaadaro) xaaraan cad ku tilmaamay Sheekha caanka ah ee Mustaf Xaaji Ismaaciil oo sheegay in Creamkan qaybo ka mid lagu soo darro qaybo ka mid dhacaanada binu aadamka sida, dhacaanada ka yimaada kolka haweentu dhiciso IWM,waxaanu ka digay isticmaalkiisa.

 

Shaxda hoose waxaa ka muuqda qaar ka mid ah daawooyinka la isku cadeeyo iyo inta mercury ku jirta:

 

Product name

Mercury

Country of origin

 

(ppm)

 

Kelly

0.43

Indonesia

Fair and Lovely

0.54

India

Orrefor (Extra pearl Cream)

912.50

Unknown

Pally (Nourishing Cream)

2.19

Thailand

Bivong

928.50

Unknown

Butae (Pearl Cream)

517.50

Unknown

Ginseng (Extra Pearl Cream)

467.35

Unknown

ARCHE (Formula A.A. Melasma Cream)

0.74

Thailand

Last fade cream (The secret of seaweed)

0.60

Indonesia

Ginseng (Extra pearl cream)

594.50

Unknown

Emoon (Pearl Grease)

0.45

Unknown

U.B. Formula 99 A.A. (Melasma Cream)

0.43

Thailand

Silvana cream

2.15

Lebanon

Ly-NA (Nourish face cream)

1.49

Taiwan

El-Arais cream

0.23

Syria

Hawaa cream

0.00

Syria

Hawaa cream

0.00

Syria

Ly-NA (Medicated pearl paste)

0.00

Taiwan

Paris cream

0.00

United Arab Emirate

ALFA (Extra pearl cream)

1319.00

Unknown

Yin Fong (Extra pearl cream)

388.90

Thailand

Rose cream

0.00

Lebanon

Yong Chin (Nourishing cream)

0.00

Thailand

Beanne (Pearl cream)

0.09

Thailand

Diana

5650.00

Lebanon

Civic (Nourishing cream)

1964.50

Thailand

Ideal cream

Abdirazak Yassin Caanogeel

Editor@waayaha.net

Waayaha.net,London,UK

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software