Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri Wamaa khalaqtul Jin wal ins ilaa liyacbuduun oo
micnaheedu yahay waxaan u abuuray jinka iyo insigaba inay i caabudaan laakiin
argagixisa iyo inta nolosha qofka islaamka ihi raqiista la tahay waxay u rogeen
“waxaan u abuuray uumiyaha inay is qarxiyaan” sidaa waxaa yiri Sheekh Cabdilcasiis
Ala Sheekh muftiga guud ee Boqortooyada Cucuudi Carabiye oo ka jawaabayey mar la
weydiiyey wax Islaamku ka qabo is miidaaminta iyo is naftii haligidnimada
Sheekh Yusuf Al Qaradawi oo isna ka mid ah culimada waa weyn ee islaamka ayaa diidey
inuu taageero is qarxinta iyo naftii halignimada Ciraaq iyo wadamada islaamka ee
kale ka dhacda isgoo sheegtay inaan sidaas Jannada eebe lagu tegayn, inkasta oo uu
diidey inuu ku daro ta ay sameeyaan Falastiiniyiinta uu ku sheegay in arintoodu ka
fiirsasho badan u baahan tahay, maadaama yuhuudu dhibaato aan meel kale ka jirin ay
iyaga ku hayso.
Nin dhalin yaro ah oo askari ah ka badbaadey Aljeeriya ma ay argagixisadu weerartay
guriga Raysal Wasaarahay bishii April ayaa yiri “Uma malaynmaayo ninkaygan 8
caruurta ah ee ka soo tegey ee askariga ah ee salaadii subax masaajidka ku soo
tukadey cidii i dishaa ay igu jano gelayso….!
Hadii aad taageersantahay in la is qarxiyo adigu ma is qarxin lahayd mase u ogolaan
lahayd wiilashaada inay is qarxiyaan ayaa la waydiieyey Cabdilcasis Al Tamimi oo ah
falastiini degan London oo laga waraystay barnaamijka Hardtalk ee BBCda, inkasta oo
uu “Haa” ku jawaabey ma muuqato sabab cadaynaysa inuu run sheegayo.
Hadaba Kooxaha la baxay Firaqul mowt (kooxda Dhimashada) ee dadka rayidka ah ee
Soomalida ah bar tilmaameedka ka dhiganaya sida ay qortay Alqaadisiya Jimcihii
kuwaasoo banaystay dhiiga islaamka iyagoo dhalinyarada ku haligaya fulinayana ajende
uu soo agaasimey Asiyas Afwerke oo loogu tala galay in Soomaaliya noqoto mid aan
weligeed asaageed la sinmin oo ay isu rogta goob ay ku adeegtaan kooxaha magaca
diinta ku shaqaysta laakiin hadafkooda guud yahay inay dhiig daadiyaan oo qofkii
diidan waxa ay wataanba ay dilaan.
Mar aan qoray maqaal cinwaankiisu ahaa (5 sababood dartood dagaalka Bay Jihaad
ma’aha) ayaa waxaa e-mail aad u qalafsan ii soo diray nin isku sheegay magaciisa
Abu-Samra oo iigu hanjabey in haduu Soomaaliya iga helo uu idili doono..! Waxaa
halkaa ka cad in Argagixisadu sahal la yahay dhiiga islaamka daadintiisu qofkii ay u
arkaan inuu ka ra’yi duwan yahayna ay dil u qoondeeyeen.
Gunaandkii Prof. Geedi oo anigu aan wax yaabo badan siyaasadiisa ku diidanahaya
hadana waxaan aaminsanahay in hadafka guud ee uu wataa uu yahay in Soomaaliya mar
yeelato dowlad qaran oo hanata guud ahaan wadanka soona celisa haybadii iyo sharftii
soomaaliyi lahaan jirtey taasoo uu ku kasbaday cadowyo badan oo dano kale duwan leh,
gudaha iyo dibadba, umase muuqdo nin ay wax ka bedeli karaan kooxaha dhimasho doonka
ahi.
Waxaan dhulka barakaysan ee xaramynka ka soo niri ilaahay idamkii “Geerida dishaay
Geedkaa Ha Ba’o”….. Alaah Yaxmiik”
Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Aragtida qoraagani ka turjumi mayso tan shabakada Waayaha.net