Waxay ahayd talo Jeneraal Caydiid loo fidiyay, hase yeeshee uu hal abuuray Dr. Maxamed Warsame (kiimiko), isagoo markaa ku nool magaalada Alaksandariya,magaalo madaxda labaad ee dalakaas Masar.
Waxay ahayd talo-siin siyaasadeed lagu qaadaa dhigay qaar ka mid ah dhacdooyinkii
Siyaasadeed ee Soomaaliya tan iyo 1950 meeyadii si jeneraal Caydiid loogu qanciyo in Talo-bixiyuhu uu u soo joogay maraaxilkii ay soo martay siyaasadda Soomaaliya, kana mid ahaa raggii loo soo carbiyay caburinta halyeeyadii Gobonimada, sidaa darteedna uu ku hanweynaa in loo arko in uu wax badan ka ogyahay siyaasadda soomaaliya, isla markaana xirfad gaar ah u leh habka loo kala furdaaamin karo qalaasaha siyaasadda Soomaaliya (Somalia political Crises) ee Jeneraalku markaa horyiilay.
Taladu, marka la soo kobo nuxurkeeda, waxay uga digaysay Jeneraal Caydiid in uu raaco raadadkii madaxdii isaga kaga horraysay siyaasadda Soomaaliya.
Qoruhu, isagoo farta ku godayo, waxa uu ula muuqatay in ay ahayd “madaxadeegnimo” iyo gefaf siyaasadeed in ay galeen siyaasiyiintaas. Waxaa uu tusaale u soo qaatay, Xaaji Maxamed Xuseen oo ahaa Guddoomiyaha Xisbigii S.Y.L., isla markaana ka mid ahaa 13kii Halyay ee dhidibada u aasay xisbigaas.
Dr. KIIMIKO, Wuxuu intaas sii raaciyay hor-udhaca qormada Taladiisaas, “In XAAJIGU uu noqon lahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee soomaaliya yeelato
Haddii uu ka tanaasuli lahaa ama uusan ku adkaysan sii wadidda khudbooyinka ka dhanka ah iyo wax ka sheegidda Gumaysiga iyo danaha uu ka lahaa Soomaaliya, kuwaas oo uu XAAJIGU ka sii dayn jiray Idaacadah dalka Masar.
Xaaji Maxamed, khubooyinkiisaas, waxay dhab ahaan uga tarjumaysay mabaadi’da iyo ujeeddooyinka S.Y.L., waxayna shacbiga Soomaaliyeed u ifinaysay xeeladaha gumaysiga isagoo weliba ugu baaqaysay in ay ku midoobaan ka hortagga danaha gumaysiga uu ka lahaa Soomaaliya iyo halganka loogu jiray gaaritaanka gobonimada.
Dr.Kiimiko oo ka mid ahaa raggii sida daran uga soo horjeeday mabaadi’da SYL,wuxuu qormada TALADIISA, uu ku qirtay “In gumaysiga u xilsaaray isaga (Kiimiko) in uu dabagal (monitoring) ku sameeyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo Xaaji Maxamed Xuseen uu ka waday dunida carabta iyo khudbooyinka uu ka sii dayn jiray idaacadaha Qaahira, saddexdii sano uu halkaas waxbarashada u joogay”.
Talo-bixiyuhu, oo u ek marka loo fiiriyo qaabka warbixintu ugu dhaqmayo sida sida in uu ahaa af-hayeenka kooxdii Pro Taliyaaniga oo Soomaalidu u taqiinay (Gumaysi Raac) uu qirtay oo kale hordhaca Talada uu siiyay Jeneraal Caydiid in “Shirwynihii Xisbiga SYL ee la qabtay sanadkii 1957 in Halyay Xaaji Maxamed Xuseen mar labaad loogu doortay in uu noqday gudoomiyaha xisbiga, isagoo dalka Masar ku maqan”.
Natiijadaas, ka soo baxay shirweynaha, waxay markhaati cad u ahayd kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed u hayay Guddoomiyahooda, marka laga reebo kooxdii yarayd ee Gumaysi-raaca (Pro-Taliyaani) iyo Dr.Kiimko oo u dhaqmaayay af-hayeenkooda.
Halyaygu, ma ahayn dantiisu in uu maqlo in mar keliya la yiraahdo “maxweyne”, balse waxay ahayd dantiisu in uu mar keliya indhaha saaro Qaran Soomaaliyeed oo xor ah.
Ku soo noqoshadiisa Xamarna isla sanadkaas 1957, isagoo ka jawaabaya rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed, waxay astaan u ahayd dhacdo taariikheed iyo siyaasadeed oo shacbiga Soomaaliyeed ku muujiyay awooddooda dadeed iyo bisaylkooda siyaasadeed. Waxay guul u ahayd xoogagga gobonimadoonka soomaaliyeed, guuldarona waxay u ahayd gumaysiga iyo kooxdii Gumaysi-raaca( Pro-Taliyaani) oo u ololeynayay in gumaysiga sii jooga dalka 40sano ooh or leh.
Haddii siyaasaddaas ay meelmari lahayd, Soomaliya waxay ka hari lahayd 16 dal oo Afrikaan ah oo gobonimadooda la soo noqday sannadkii 1960. Waxaa ALLE mahaddii ah, inagoo helnay dhaqdhaqaaqa waddaniga ahaa ee SYL oo naga badbaadiyay mardabada kooxdii Gumaysi-raaca.
Cismaan Amiin
Waayaha,London,UK