Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Horumarka dhaqaale ee dunida oo u dhexeeya firkadii Adam Smith iyo “Miskiin baa misko la fuulo leh”!!!

“Horumar” ama “development” waa kalmad soo jiidasho leh, taasoo si weyn aay u baadi goobayaan wadamada dunida oo dhami weliba kuwa dunida sadexaad.iyadoo Qaramada midoobeyna aay cusbada ka badisey kadib markii aay ka dhigtay yool caalami ah (United Nations Sustainable development Goals, UN Mellinium Development Goals etc)

Hase yeeshee raacdada loogu jiro horumar sida laga fahmi karo aragtiyaha iyo falsafadaha socda waxay muujinayaan in waxyaalo badani aay qasan yihiin.waxaa dhawaan soo baxay buug lagu daah rogayo goldaloolooyinka horumarka. Kaasoo si qayaxan uu Oswaldo De Rivero, oo ah diplomaasi ruug cadaa ah oo u dhashay wadanka Peru waqti dheerna u fadhiyey dalkiisa qaramada midoobey iyo WTO, u daah rogay caqabadaha muga leh ee hor yaala dalal badan oo Asia, Latin America iyo Africa ah. Waxuu si xirfadnimo leh u sharxay mashaqooyinka isa suran ee ku gudban dalalkaasi gumeysiga kasoo doogey horumar aay gaaraan nus qarni ka dib intii aay samaysteen haykalka dowladnimo ah ama aay ku dhawaaqeeyn inay dowlado yihiin.

 

Mushkilada horumarku waxay salka ku haysaa raadraac taariikheed laga soo bilaabo xiligii aay yagleelmeen jiritaanka dowladaha xorta ahi, kaasoo ku beegan sanadkii 1648,xiliyadaas oo aay gabaabsi ahaayeen dagaaladii diimeed ee yurub ka holcay,islamarkaana u gogol xaaray in yurub aay u qaybsanto wadamo leh qaranimo buuxda oo xor ah oo aay boqortooyooyin ku amar ku taagleeyaan.kadib waxaa yimid xoriyadii maraykan(1776) iyo kacaankii faransiiska(1789) halkaas waxaa boqortooyooyinkii lagu badashay nimaadka dimoqraadiyada iyo awooda shacabka,iyadoo macnayaal cusub loo sameeyay sareynta shacabka,arimahaani waxay u gogol xaareen curushada afkaar xag jirta sida shuuciyada .iyadoo aakhirkii aay ku dhamaatay in dowladaha waxii isku isir,af ama diin ahiba aay dowlad isku noqdaan halbeega dhaqaalahuna uu noqdo waxsoosaarka umadeed(Gross National Production GNP) kaasoo halbeeg looga dhigayo barwaaqada umadaasu ku nooshahay.sidaas ayaa khuraafada horumarku u noqotay ujeedo aay daba rucleeyaan dhamaan umadaha dunida oo dhami.

 

Fikradaas horumarka waxaa loo safriyay wadamadii mudada dheer ku hoos jirey gumeysiga yurub kadib gabagabadii dagaalkii labaad ee dunida, iyadoo aay sare u kacdey dareenkii umadnimo ee dalalkaas,halkaas oo koox walba oo banii-aadam ahi aay isku aragtay inay leedahay jiritaankeeda gaarnimo ee luqadeed,diimeed ama dhaqan. Codsatayna xaqeeda aayo ka talin iyo helitaanka dowlad matasha oo xor ah. Iyagoo aan qiimeyn waxa aay haystaan ee agab dhaqaale ah oo u suurtagalinaysa inay noqdaan umad isku filan oo xornimadeeda dhowrata iyadoo aan cidna quudkeeda ka sugin.

 

 Waxaa halkaas ka dhashay inay soo baxaan wadamo dowlado noqday kuwaas oo aan haysan haba yaraatee wax aay dowladnimo iyo umad xor ah aay ku ahaadaan, waxaa cadaatay inay riyo ahayd in xoriyada aay ku lamaan tahay horumar degdeg ah oo dalalkaasu gaaraan.

 

50 sano ka dib markii aay dowladahii la gumeysan jirey aay xoroobeen waxaa iska cad inaysan ku guuleysan inay gaaraan horumarka dalalkii gumeysan jirey aay haystaan xitaa aaysan u dhawayn.waxaana halkaas ka dhashay in dowladahaasi aay isku badalaan kuwo ku dhisan tuugsiga caalamiga ah.

 

Waxaa xusid mudan in Dr Boutros Boutros-Ghali xoghayihii guud ee qaramada midoobey waagii uu ahaa  uu ku fashilmey isku daygiisii ahaa maareynta mujtamac dowli ah oo ku qotoma in barwaaqada caalamka la wadaago, inkastoo uu isku dayay hadana waxaa ka hor yimid diidmo adag oo wadamada horumarey aay ku horjoogsadeen arinkaas waana tii uu u waayay kursigii Q.M.in mar labaad loo doorto.

 

Waxaa xoriyadahaas lagu hungoobey aay keeneen in dagaalo lagu hoobtey iyo shaqaaqooyin duugnaa oo lagu ilaawey halgankii gobonimo doonimadu uu markiiba ka curto wadamo badan oo ka mid ah Africa, balkaanka,Afghanistan,Colombia bariga dhexe,Qaramada Midoobey waxay noqotay mid gabtay inay xakamayso qooqa dalalka awooda leh,Dr Boutros Boutros-Ghali go,aankii dalalka hodanka ahi aay doorashadiisii labaad ku horistaageen waxaa asal u aha iyagoo diidanaa inay wax u huraan joojinta qulqulatooyinka umadaha faqiirka ah ka dhex aloosan ee ka durugsan. Taasoo aay ku xeerinayeen sumcada madaxda wadamadaasi dadkooda codka bixiya ee aan dan iyo heelo midna ka lahayn in canshuurahooda lagu bixiyo xalinta wadamo ka fog ama aan waxba ka khuseyn ama aay caruurtoodu ciidamo ahaan ugu diraan dalalkaas, iyagoo ficilkoodu lahaa “khalii xaaraami yamuut”. Arintaani waxay kashifeysaa in dunida aay haysato dhibaato akhlaaqeed (ethical & moral crises) taasoo aay weheliso faafida dhaqanka dukaameysi (consumerism) oo la doonayo in lagu faafiyo dunida oo dhan si aay booska uga riixdo dhaqamadii kale ee dhowrista ujeedooyin wadaniyadeed ama diimeed.taasoo ku kaliftey malaayiiin dhalinyaro ah inay ku hoobtaan dagaalkii labaad ee dunida iyagoo difaacaya qabka wadaniyadeed ee dalalkooda, taasu waa taariikh wiilka germalka ahi maanta waxuu u dhimanayaa credit card-ka jeebkiisa ku jira inuusan maran khudbadihii xamaasadeed ee hitlar waa sheeko lasoo dhaafey.

 

Waxaa laga wariyaa Ilaahay haka raali noqdee Khaliifkii umada Cumar Bin khadaab inuu arkay nin wax hulaaban sita sanad abaaro darini dhaceen markaas ayuu u yeeray oo yiri maxaad qarsanaysaa markaas ayuu ninkii yiri waa sheey aan soo gatay markaasu ayaa cumar ku yiri “ Oo waxii naftiinu jeclaataba ma gadanaysaan!!!” waxaa moodaa in Sayid Cumar uu saadaalinayay waxgadashada dookha noqotay ee maanta taagan.

 

Isjiidjidki dagaalkii qaboobaa ee labada quwadod ee bariga iyo galbedku waxuu siiyay shirkadaha gooni-goosatada(capitalist multinational corporations) fursad aay ku faafaan wadamada dunida oo dhan xitaa kuwii shuuciga ahaa, kororka shirkadaha gaamurey ee caalamiga waxaa laga dareemi karaa 1960 waxay ahaayeen 7000 shirkadood oo qura, halka 1989 aay gaareen 37,000/.(shirkadahani waa kuwa ka howlgala meelo ka baxsan wadamadii asalka aay ka abuurmeen ama joogitaan ku leh qaaradaha aduunka badankood).halka 2002 aay ahaayeen 63,000 shirkadod oo caalami ah, shirkadahaani xuduud iyo khariidad midna maleh.

 

Coco-cola,Pepsi,Walmart, GE iyo McDonald waa wejiyada durba kusoo dhacaya miskaxdaada, tusaale ahaan McDonald waxay dunida ku leedahay 18,700 makhaayadood oo aay galaan maalin walba 33 milyan oo macaamiil ahi, qoraaga caanka ee New York Times Thomas Friedman ayaa ku doodey in McDonal laba dal oo aay makhaayadaheedu ku yaalaan oo dagaal dhex maray aaysan jirin. Taas oo ujeedadu aay tahay in wadamada makhaayadaha McDonaldn laga furaa aay yihiin dalal heerka maciishadu iyo qaab nololeedka dadku uu gaarey heer tamashle ah oo aay dagaal uusan boos ku lahayn qorshahooda.

 

Shirkadahaani waxay noqdeen shabakado baaxad leh oo awooda inay maamulaan dhaqaalaha aduunka iyagoo aan dowladaha waxba waydiin,waxaa cadaatay in xitaa dowladaha waawayni aaysan waxba ka qaban Karin shirkadahaan ama aaysan hor joogsan Karin qorshayaashooda,iyadoo aalada kombuutarkuna aay sii kordhisey awooda khayaaliga ah ee shirkadahaasi kadib markii shabakada netku aay noqotay meesha laga hago iyadoo aay dhici karto in qiimaha lacagi aay dhulka gasho,malaayiin shaqaale ah aay shaqo beelaan islamarkaana aay masalafaan shirakaad badani.

 

China oo ahayd ilaa waqti dhow dalka hormuudka u ahaa dalalka soo koroya ee iska caabinta qooqa shirkadahaas ayaa iminka waxuu u muuqdaa inuu isku dhiibey,iyadoo gobolo badan oo kamid ah xeyndaabyada dhaqaale(Special Economic Zone)aay ka baxeen awooda dowlada oo aay ka taliyaan shirkadahaasi gaamurey.

 

Qaramada Midoobey waxay ku qiyaastaa in shan bilyan qof aay ku nool yihiin magaalooyin sabool ah, taaasoo u dhiganta 70% tirada dadka dunida .tani waxay hulaaban tahay khatar weyn oo ah inay faraha ka baxaan dhibaatoyin degaan, nololeed caafimaad iyo in dowladahu aay gabaan inay xakameeyaan maamulka magaalooyinka isku raranta ah ee xadka dhaafey.

 

Shaqo la,aanta caalamiga ahi waxay ku khasabtay dalalka soo koraya inay qalqaalo weyn u galaan sidii shirkadaha waawayn aay dalkooda ugu soo dhawayn lahaayen si bal dadkooda shaqo la,aantu dilootey  aay shaqo uga helaan islamarkaana aay waxuun farsamo ah uga kororsadaan si aay wax soosaarkooda wax uga tarto.haseyeeshee shirkadaha gaamurey maalgashigooda 70% waxay galiyeen 24-ka ee warshadaha hore uga marey, halka waxii mashaariic ah ee kasoo hara aay u weeciyaan dalalka koonfur bari Aasiya iyo dowladihii soofiyeetigii dhacay iyo qaar ka mid ah latiin ameerica. Waxaa usoo hara dalalka soo koroya mashaariicda waxsoo saarkeedu liito islamarkaana deegaanka aafo ku ah.

 

Intaas waxaa dheer in wadamada soo koroyaa mashaariicdaas aay ku bedeshaan in taladooda iyo haybada madaxbanaanidooda aay baayac gasho,taasoo tumaati ku noqota xoriyadii aay darteed u soo halgameen,midaani waxaay gaartey in wadamo aay ka mid tahay Porto Rico  iyo jasiirada Balarwey  aay diidaan inay ka xoroobaan maraykanka si aaysan banaan ugu soo dhicin, halka jasiiradaha Comoros aay ka ciilkaanbiyeen xoriyadii aay France ka qaateen kadib markeey isku filnaansho dhaqaaleed aay ku gaari waayeen xornimadii aay ka heleen!!!.

 

 jeebweynta dhaqaalaha dunidu waxay danaynayaan mashaariic faaiido degdeg ah leh islamarkaana degdeg looga bixi karo hadii loo baahdo, waxa aay xeerinayaan oo kaliya waa masuuliyada dadka saamileyda ah ee shirkadahooda saamiyada ku leh kuwaas oo aan cid taqaanaa jirin ,taasoo ka dhigan in dad aan la aqooni oo aan cid dooratey jirin aay yihiin kuwa go,aaminaya qiimaha lacagaha dunida,qiimaha quutul daruuriyaadka,tamarta,xadiga shaqo-shaqaale dhowrsanaanta deegaanka ee dalalkaas tani waxay hal bacaad lagu lisey ka dhigaysaa mabaadida dimoqraadiyada.

 

Wadamada soo koroyaa waxay maanta joogaan marxalad adag,waayo wadamada warshadaha horey uga maray waagii hore isbaaro uma dhigan jirin talaabida ama hayaanka tiknooloojidaha laga soo bilaabo xiligii kacaankii warshadaha taasoo ugogol xaartey in aay koobiyeeysato farsamooyinka cidii doontaa oo karti iyo aqoontaas lehi, maantase waa adag tahay midaasi waayo tiknooliyadii iyo farsamooyinkii waxaa loo samaystay sharciyo lagu waardiyeeysto oo lagu dhowrayo xuquuqda lahaanshaha ikhtiraca fikradeed(Intellectual Property Rights) waxaana xaalku u muuqdaa jugjug meeshaada joog, waxaa taas ka sii daran in dadkii wax ikhtiraaci lahaa ee u dhashay dunida soo koreysa si joogto u guranayaan wadamada hore u maray iyadoo halkaas inta la geysto oo dhaqaale fiican la siiyo lagu shaqaysanayo taasoo seejinaysa wadamadii aay u dhasheen inaysan waxtar umadeed aaysan ka helin miskaxdii dadkooda,tusaale ahaan shirkada sida uga macaashtay software-da ee uu leeyahay ninka ugu hodansan dunida Microsoft shaqaalaheeda 60% waa Hindi uu kasoo uruursadey India kuwaas oo halkaas uu ku maalo garaadkooda aakhirkana iyagoo cimriyey oo miskaxdoodu daashay ayuu soo fasaxayaa inta badana waxayba la qabsadaan barwaaqada dalalkaas oo waay adag tahay inay dib ugu laabtaan dalkii aay ka yimaadeen mar haday green card iyo dollar isku haystaan!!.

 

Xitaa shaqaalaha wadamada horey u maray qudhoodu ma faraxsana waayo qaabka hantileydu aay waxsoosaarka u maamulayaan maanta waa in laga dhigo waaxyo wax soo Saar oo badankiis ku tiirsan tiknooloojiyad iyo mashino ootoomaatik ah, taasoo hoos u dhigaysa awoodii ururada shaqaalaha iyo gorgortan wadareedkooda- (Collective bargaining).

 

Dowladaha hodanka ahi ama jeebweynta galbeedku waxay si weyn iskaga indhatirayaan dadaalkii gaarka ah ee Adam Smith –Aabihii cilmiga dhaqaalahu- uu siiyey xubinta akhlaaqeed ee dhaqaalaha, waana isagii cadeeyay in danta shakhsiga ahi aaysan noqon Karin mida dabada ka riixda horumar dhaqaale, hadii aan lagu dabrin hab-dhaqan macquul ah, dowlada ayaana masuul ka ah inay u kafaalo qaado maciishad isku dhow shaqaalaha taasoo qayb ka ah shaqooyinkeeda dastuuriga ah.

 

Waxay ku adkeysanayaan jeebwayntu galbeedku in dhaqaalaha aay maamusho gacan qarsoon oo aan aqoon akhlaaq iyo damiiir midna iyadoo suuqa dhaqaalaha uu kusoo baxayo qofkii ama shirkadii awooda inay kobocdo iyadoo la jaanqaadeysa duruufaha jira, halka mowjadaha suuqu aay cagta marinayaan cidii aan awoodin tartan.

 

Macnihii horumarka waxaa loo badalay in la faafiyo dabeecada waxgadashada(consumerism)waxaana daraasado aay sameeyeen bangiyada aduunka lagu sheegay in 900 malyan oo qof oo ka mid 6 bilyan ee dunida guudkeeda ku dhaqan oo kaliya ahi ay awoodi karaan inay gataan kaararka lagu galo xayndaabka dukaameysiga

Dabeecada dumeekeysigu waa mid khatar ku ah degaanka,waayo maalin walba waxaa la nabaad guurinayaa dhul beeraad baaxad leh si looga dhiso guryo iyo warshado iwm waxaa si naxariis daro ah loo jariifayaa kheyraadka kaluunka iyadoo aan loo aabayeeleyn, waxaa si joogto ah wadamada soo koroya loogu aasaa dhulkooda wasakhda warsshadadaha dalalka hore u maray(Somalia tusaale u qaado)

Arimahaasi waxay keenaysaa in wiilka maraykan ku dhashaa uu yahay culeys ku soo kordhay degaanka 35 jibaar in ka badan culeyska degaan ee uu soo kordhinayo cunuga ku dhasha India ama Barazil waayo 35 jeer ayuu ka awood gadasho badan yahay.

 

Qiyaasahu waxay sheegayaan in sanadka 2020 tiradaha dadyowga dunidu aay gaari doonto 8 bilyan oo 6.6 bilyani aay ku nooshahay dalalka danbeeya dhaqaale ahaan, halka 3 bilyan aay ku nooshahay nolol af-iyo gacan isla waa ah,840 aay gaajo la ildaran yihiin ,boqololaal milyana aay shaqo la,aan gidaarada la fadhiyaan,waxaa taas ka daran in 550 magaalo oo baaxad weyni aay hoy u noqonayaan magaalo walba hal malyan oo kuwaas ka mid ah arimahaani waxay hordhac u noqon karaan in falal danbiyeedyadu aay sare ugu faafaan magaalooyinkaas degaamaduna  aay u wasakhobaan si aan hore loo arag,halkaasna aay ka dhashaan masiibooyin aan hore loo arag.

 

Arintaani waxay su,aal weyn dul dhigaysaa heykalada dowlado la moodka ah ee ka jira wadamada soo koroya badankood oo islamarkaana gabay inay shacabkooda aay u xasiliyaan luqmada cayshka ah,waxay tani isweeydiin ka keenaysaa khariidadadihii gumeysigu ka tegayay dalalka dunida sadexaad iyo qaababkii uu isku raaciyey in dib loo eego aay tahay mid khasban,waayo dowladaha yurub waxaa yagleelkooda asal u ahaa isbahaysi luqadeed,taariikheed,diimeed(mad-habeed) ama umadeed oo si xoog leh iskugu xirayay taasoo suurtagalisey inaay noqdaan dowlad waliba mid isla jaanqaadi karta islamarkaana noqon karta qaran ujeedo iyo himilo leh islamarkaana abuurtey dabaqad dhexe iyo suuq balaaran iyo nidaamyo dimoqraadi ah oo aay isku xukumaan.

 

Halka dalalka dunida sadexaadna uu xaalku sidaas ka duwan yahay tusaale ahaan dowladaha carabta oo aay ka dhaxeyso inta badan waxyaalaha hal dowlad ka dhigi kara ayaa waxaa lookala dhantaalay dowlado yaryar oo aay dhacayso in hal qabiilo aay ku kala oodan tahay 3 dowladood ama 5, Dowladaha dunida sadexaad qaar badan oo ka mid ahi iska dhaaf inay horumar gaaraane waxay culaab ku yihiin shacabka dalalkaas iyo dunida inteeda kale oo kax ka taagan tuugsidooda deeq ama deyn doonka ah.

 

Wadada kaliya ee u furan waa inay u jiheystaan koboc farsamo oo tartiib ah sida ay yeeleen wadamada bariga fog ee Malaysia, South Korea, Taiwan,Singapore iyo South Korea oo ah dalalka kaliya ee madaxa kala baxay dalalka soo koroya iyo inay lugaha la galaan mashaqooyin iyo kharbudaado daakhili ah oo ka dhashay quusta iyo rajo xumada ka dhalatay hungowga dowlado waxtar u noqda dadkooda kadib dagaalo gobonimo doon oo lagu riiqday.

 

W.Q.Siciid Xuseen Ciid.

 PhD Candidate

Waayaha.net,Boosaaso,Soomaaliya




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software