Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Gabay - DHUL-GARIIR: Gabay cusub oo uu tiriyey Abwaanka weyn, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)


(Waayaha.net)Hargaysa:-Abwaanka weyn ee caanka ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo hadda ka sii fadhiisanaya Hal-abuurnimada Suugaanka Soomaalida ayaa soo saaray Gabay cusub oo magaciisa la yidhaahdo DHUL-GARIIR.

 

Gabaygan oo uu Abwaanku kaga hadlayo xaaladda iyo duruufaha dadka la hayb-sooco iyo dulmiga ay ku qabaan bulshada dhexdeeda, waxa uu soo baxay 1dii bishan May, waxana uu abwaanku markii u horreysey ku soo bandhigay xaflad ballaadhan oo habeenkii Arbacadu soo gelaysey lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa; balse, waxa uu sheegay Abwaan Hadraawi in Gabaygan uu curiyey wakhti hore, uuna qabyo ka ahaa suugaantiisa marxaladdii ka dambeysey Halgankii SNM.

 

Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Dhallinyarada Geeska Afrika ee HAVOYOCO, waxa ka qaybgalay shirguddoonka Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo martisharaf kale, waxayna ahayd bandhig loogu talagalay Gabayga cusub iyo in bulshada lagu baraarujiyo dhibaatada hayb-sooca iyo dadka la haybsooco.

 

Gabayga cusub ee DHULGARIIR oo Abwaanku xafladdaas ka tiriyey, waxa uu yidhi:-

 

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay

 

Tu kalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone.

 

Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahay

 

Dhawr iyo shan dhawr iyo hadana dhawrarbaa jiraye

 

Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigaye

 

Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaaye

 

Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaaye.

 

Ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqeeye

 

Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahay.

 

Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiibe

 

Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meele

 

Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye

 

Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo'e

 

Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa lagu dhacsiiyaaye

 

Sida loo dhahaabuu khalqigu ugu dhegtaagaaye

 

dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheele

 

Sida dhuuni qaataha murtida looma dheehtiro'e

 

Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halise

 

Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherershaaye

 

Dhexrooriyo waxaa lagu hojaa weliba dhaad dhaade

 

Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyne.

 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay

 

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

 

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

 

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.

 

Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxaye

 

Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisiiye

 

Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhiye

 

Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faane

 

Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaaye

 

Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihine

 

In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanleeye

 

Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahaye.

 

Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheelli tirihiiye

 

Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kowe

 

Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayde

 

Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhooruhuye

 

Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaane

 

Sinnaantay dhaliil moodayaan tii ilaah dhigaye

 

Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara'e

 

Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka

 

Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro dhacarta jiilaale

 

Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraaye

 

Hal dhabaalahaa Awgayow tii dhamayd geliye

 

Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye.

 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilaye

 

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

 

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

 

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.

 

Laan dharab ka toostiyo hibooy dhool cas baad tahaye

 

Dhalankaagu waa luulka iyo dhiraha yaaquude

 

Malaa roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha lehe

 

dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye

 

Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu'baad tahaye

 

Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo seese

 

Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaabe

 

Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada'e

 

Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida'e

 

Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaaye

 

Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo miisaane

 

Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga

 

Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye

 

Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalaye

 

Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaane

 

Dhud qudhaa ka wada beeranteen dhaadashada guude

 

Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheere

 

Dhawawalanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta

 

Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaaye

 

Dhimir bay ku saareen dabool baali kaa dhigaye

 

Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabanadaadiiye

 

dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga dhaxanta saar saaran

 

Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye

 

Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicise.

 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye

 

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

 

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

 

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.

 

Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa soo dhab dhabateene

 

Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunine

 

Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale

 

Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye

 

Dhaqankaas canbaaraynayaa saaray dhiillada'e

 

Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahaye

 

Weligood dhibaadada aduun looma soo dhixin

 

Dhaan dhaano maahee kashaa dhooli mood tahaye

 

Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhur sugayeene

 

Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene

 

Dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide

 

Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhane

 

Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jireye

 

Cishaday dhanaan tahay hadii laysu dholol fayto

 

Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe

 

Rag haduu dhabiiltamo naftay dhigi yiqiineene

 

In kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinimo sheegto

 

Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhalasho mooyaane

 

Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye

 

Dhar-dhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene

 

Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye

 

Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayin.

 

Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade

 

Haday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane

 

Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye

 

Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline

 

Dhay iyo karuur labada weel dhoosha may geline

 

Haday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne

 

Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine

 

Sibaa loo dhaliilaa hadana ruuxna may dhibine

 

dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may geline

 

Dhulka waa ka sii guurayaan ruuxna may dhicine

 

Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane

 

Dhalashada inay dooriyaan bay u dhowdahaye

 

Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine

 

Dhaaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligiiye.

 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilaye

 

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

 

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

 

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.

 

Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye

 

Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene

 

Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyntahaye

 

Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkii dhuraye

 

Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye

 

Dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede

 

Dhayal maaha maalmaha intaad guulo dhigateene

 

Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine,

 

Aduunyada ninkii dhalad yaqaan waw dhab tiriyaaye

 

Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale

 

Markaasay is dhaaf dhaafisaa labada dhoomoode

 

Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye

 

Meel dheerna way kala tagaan kay ku dhowdahaye

 

Nin xaqiina meel hoose dhigay tiisu waa dhedo'e

 

Xumaantana wanaagbaa dhaxlee wayda haw dhimane

 

Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye

 

Kol haddii dhabada loo qorqoro way ku dhilantaaye,

 

Mar hadii qalbiga ciil dhufsado dhaaftay taladiiye

 

Sida dhoodi meerkii taleex haw dhaqaaqina'e

 

Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura, e

 

Hadii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo

 

Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina'e

 

Cishadaad wax dhiilayn kartaan dhaafa tii culuse

 

Sida aar jaguugaha dhufsaday haw dhir laynina'e

 

Dhanka eebahay xiga adduun wayska dhalanteede.

 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilay

 

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed

 

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

 

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.

 

Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhamayn talo, e

 

Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeene

 

waa kii dhamaastiyo falkiyo keenay dhalanteede

 

Waa kii dhibaabada la yimi dheega dheegaha, e

 

Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye

 

Waatay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladuye

 

Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye

 

Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene

 

Waataad go'aan dhiiri kulul kaga dhabayseene

 

Gobanimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye,

 

Dharaartaana waad wada jirteen dhiiftii kululayde

 

Waa loo dhamaa maalmihii laysu dhaarsadaye

 

Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille

 

Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine

 

Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye

 

Weligeed dhanbaa qaawanaa dhidibadeediiye

 

Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye

 

Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe

 

Dhab-darro uma toosine nabsigu wuu dharaarsadaye,

 

Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowyahaye

 

Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye

 

Nin dhug lihiba wuu garanayaa suul dhabaalaha, e

 

Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye

 

Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye

 

Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye

 

Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga, e

 

Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helaye

 

Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kiciye

 

Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda

 

Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare

 

Af dhabaan-dhabkeedii hadana waan ku dhiiradaye

 

Dhanbaalkii digniintaan is idhi caawa yuu dhixine,

 

Dheehada rashiidow marbaan neefka loo dhigine

 

Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaaye

 

Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugataaye,

 

Umadyahay dhabaa loo hadlaa waa is dhigateene

 

Dulmigii lafaa dhuuxaybaad dib u dhar-dhaarteene

 

Umadbaad xaqeedii dhamaa dhababka saarteene

 

Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye

 

Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye

 

Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loodhigaye

 

Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane

 

Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhiciye.

 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilaye

 

Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

 

Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye

 

Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane.

 

Dhillow yahanku waa geed ka baxa dhuunta geed kale'e

 

Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube

 

Ninkastoo is dhoobdhoobi jirey dhigaha loo laabye

 

Dheeraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye

 

Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye

 

Dhallinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye

 

Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye

 

Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye

 

Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhuye

 

Dheribay ku wada foorartaa diidan dhaqankiiye

 

Dhaddigiyo labkeedii waqtigu dhaal isugu keenye

 

Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex huruddaaye

 

Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda

 

Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorsamaye

 

Haday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure

 

Hadii dhawrsanaan lagu yiqiin dhimay hankeediiye.

 

Intaasoo dhamiba waa su'aal dhiilo fool kulule

 

Dhankeenay ka timi ceeb wixii ina dhexyaalaye

 

Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene

 

Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegine

 

Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho

 

Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho

 

Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo

 

Haddaan dhaho hadaan dhigo hadaan weliba dhiib dhiibo

 

Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho

 

Dhaq dhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajo.

 

Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye

 

Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye

 

La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane

 

Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro, e

 

Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.

 

 

Xigasho Soomaaliland.org

C/risaaq M.




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software