Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Mahadhooyinkii dagaaladdii Muqdisho

Inkastoo inaga ta Xamar inala weyned hadana burburka iyo dagaalada sokeeye,

soomaaliya uun kuma koobnayn ee waxaa inala wadaagey meelo bada oo aduunka ka mid ah markaan tusaale ahaan u soo qaadano.

 

29/03/2007 in ka badan 150 ruux ayaa ku geeriyootey magaalada Amisur ee wadanka Aljeeriya mar koox dagaal yahano ah oo xiriir la leh Al Qaacida ay weerar ku qaadeen dad shicib ah iyo ciidamada amaanka ee Aljeeriya.

 

29/03/2007 Inta la og yahay 120 qof ayaa ku nafwaayey dagaalo qadhaadh oo magaalada caasimada ah ee Kinshasa ku dhexmaray ciidamada dowlada oo garab kehelaya kuwa nabad ilaalinta iyo ciidamada ninkii lagaga itaalka roonaadayd doorashooyinkii madaxtinimo ee laqabtay bishii Janayaa Mr.Jean Pierre Bambe,

 

30/03/2007 uguyaran 45 qof ayaa ku geeriyootey Buuraleyda gobolka Sacda ee Yemen kadib markii ay fooda is dareen ciidamada Yaman iyo ciidamada wadaadka mayalka adag Sacadudin Al Xuuti.

 

31/03/2007 sida dowlada Bakistaan sheegtay waxaa ku nafwaawey 52 shacab u badan dagaalka gobolada Wasiiristaan ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kooxo lagu sheegey inay gabaad siinayaan xubno waaweyn oo Qaacida ah

 

Markaan intaa ku soo koobo goobaha sida soomaaliya oo kale ay naafeeyeen dagaalada usbuucan aduunka ka dhacay, bal aan yara iftiimiyo waxa aan caalamaka cid inala wadaagtaa jirin ee soomaalida gaarka u ah;-

 

Dhaawac Gaari-Gacan lagu sido

 

Markaad eegto magaalooyinka aduunka waxaa dhegaha ku qarxinaya dhawaaqa iyo

sawaxanka ka soo baxaya Ambalaasyada ama "Dhooliyada" u gurmanaya qof wax yeelo gaartay waxayna sida la wada ogsoon yahay u banaan Ambalaaska inuu khilaafo qaynuun kasta oo jira si uu u badbaadiyo qof naftiisu khatar gashay. Laakiin nasiib xumo iyo uurkutaalo waxaa ah in soomaaliya qofkii dhaawacma Gaari-gacan lagula lugeeyo ilaa inta meel goob caafimaad lah aga geynayo (hadiiba lageeyo).

 

 Cusbataal Aan Sariiri Ool

 

Makaan Telefishinka ka arkay dad soomaali ah oo guri weyn oo isu furan lagu

dawaynayo waxaan u qaatay goob si kumeel gaar ah loogu talagalay in dadka loogu

caawiyo, laakiin waxaa filan waa iyo qaracan igu noqotay markii la ii sheegay in

meeshu tahay dhakhtar ama Cusbataal. Sidaasay soomaaliya ku noqotay meesha kaliya ee laga helayo cusbataalo bilaa sariir ah oo dhulka la jiif-jiifo

 

Mayd La Jir-dilayo

 

In badan baan maqalay hay-adaha xuquuqa insaanka u dooda oo jeedinaya eedaymo la xidhiidha dad xabsiyada ku jira oo jidh dil lagu sameeyey, laakiin weli lama arag

qof dhintay oo la garaacayo, soomaaliya mooyee – waxaana weji gabax kala kulmay

markii nin Sudani ah uu si jees –jees ah iigu yiri "Soomaalidu ma oga miyaa in qofku

haduu dhintay aanu dareen iyo garasho toona lahayn"…waxaan si mintid nimo ah u iri "wixii maydka jiidayey waa caruur iyo haween…ee ma aha wax garad".

 

Dad Qaxaya oo is Furanaya

 

Markii dagaalkii Lubanaan iyo Yuhuudu socodey sanadii hore, waxaa barakac ba'ani ku dhacay dadkii deganaa konfurta Lubnaan oo u badnaa Muslimiin shiico ah kuwaaso u qaxay dhinaca waqooyi oo ay degaan dadka Kiristanka Maarooniyiinta loo yaqaan.

 

Intaan qof reer koonfureed ihi soo gaarin reer waqooyigii waxay bilaabeen inay sii

diyaariyaan meelihii ay degi lahaayeen waxay cuni lahaayeen iyo weliba iskuuladii

caruurtoodi dhigan lahayd intay qaxootiga yihii. Nasiib xumo iyo hoog waxaa ah in

soomaalidii qaxaysey iyadii is dhacday oo is kufsatay oo sida daayeerada mid ba

midkuu ka xoog weynaa reebay….sidaa ayay  soomaaliya ku yeelatay dadka keliya ee inay wax istaraan iska daayee iyagii inatay qaxayeen is nabad gelin waayey.

 

 

Ugu danbayntii, ilaahoow wadanka noo nabdee oo dagaalada jooji, oo ceebahayaga

astur.......Aamiin

 

Walaahu Aclam,

 

Cabdiraxman Xariiri – Saudi Arabia

xariri@hotmail.com

Afeef qoraaga maqaalkan is leh ka turjumi mayo shabadda wararka Waayaha.net

 

 

 

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software