Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
DOOD-WADAAG KU SAABSAN BADBAADINTA AFKA HOOYO

Iyada oo ay la xidhiidho xuska Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo, waxa lagu qabtay magaalada Cali-Sabiix 21 février 2007, dood-wadaag ku saabsan badbaadinta afka hooyo, oo qabanqaabadiisa ay iska kaashadeen maamulka Gobolka Cali-Sabiix iyo Naadiga PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka afka Soomaaliga.

 

Ka dib kelmad soo dhoweyn ah oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Cali-Sabiix, Ibraahim Suubane Rayaale, dood-wadaaggaas waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Guriyeynta, Magaaleynta iyo Deegaanka, Mudane Cilmi Obsiiye Wacays. Sidoo kale, Waxa isagu na hadal kooban, oo ku aaddan dood-wadaaggaas, soo jeediyey Xaashi Cabdillaahi Orrax oo ka mid ah odayyada Naadiga PEN.

 

Dood-wadaaggaas, oo ay hagayeen mas’uuliyiinta Naadiga PEN, waxa kale oo ka qaybgalay dad badan oo ka kala socda qaybaha bulshada Gobolka Cali-Sabiix, sida aqoonyahanno, suugaanyahanno, hal-abuurro, odayyo dhaqameedyo, macallimiin, haween, dhallinyaro iyo war-fidiyeenno. Waxa aad looga dooday dhibaatooyinka haysta afka hooyo iyo baahida loo qabo in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo jiridtaanka afka hooyo, kaas oo looga cabsi qabo in uu ka mid noqdo afafka dabargo’aya mustaqbalka dhow.

 

Doodahaas, oo ku bilaamay war-bixin uu jeediyay Guddoomiyaha Naadiga PEN, Dr Maxamad Daahir Afrax, war-bixintaas oo ay diyaarisay hay’adda UNESCO ee Qarammada Midoobay. War-bixintaasi waxa ay ka hadlaysay sida afaf badan oo manta dunida ka jira, gaar ahaan qaaradda Afrika, ay si dhaqso ah ugu dabargo’ayaan, taas oo sheegtay in bil walba labo ka mid ah afafkaas ay dhintaan.

 

Qodobbada dood-wadaagga waxa saldhig u ahaa saddexda qodob ee kala ah :

 

I.Dhibaatooyinka khatarta ku haya afka hooyo

II.Qorista iyo akhriska afka hooyo

III.Dedaallada ama tallaabooyinka degdegga ah ee afka lagu badbaadinayo

 

Talooyinkii dood-wadaagga

 

Markii aad looga dooday qodobbadaas, waxa dood-wadaagga ka soo baxay talooyinka soo socda :

 

1.in la fuliyo la na dhammaystiro talooyinkii iyo go’aannadii ka soo baxay toddobaadkii afka hooyo ee sanadkii 2006da;

 

2.in la dedejiyo dedaalka loogu jiro in ay af Soomaaliga iyo af Cafarigu ka mid noqdaan maaddooyinka lagu dhigo dugsiyada iyo jaamacadaha dalka, la na hirgeliyo xaadhumo dadka waaweyn afka lagu baro;

 

3.in waalidiintu ubadkooda ku dhiirrigeliyaan barashada afkooda

 

4.in la sameeyo dedaal wadareed oo dawladda iyo shacabku ba ugu gurmanayaan afka hooyo;

 

5.in la dhiirrigeliyo gacan na la siiyo shaqsiyaadka iyo ururrada daneeya horumarka afka hooyo, sida dadka soo saara wargeysyada ku soo baxa afka hooyo;

 

6.in Raadyaha iyo Telefishanka Jabuuti (RTD) laga baahiyo barnaamijyo laga barto dhigaalka afka hooyo.

 

Soomaalipen




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software