Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Cali oo Marti Galisay Xuska Maalinta Afka Hooyo

Ardada Kollejka iyo Dugsiga  Hoose Cali Sabiix oo soo badhigtay ciyaaro iyo heellooyin dhaqan

 

Magaalada Cali Sabiix ee Xarun Goboleed ka Cali Sabiix ee Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa lagu soo gabagabeeyay  22kii bishan Febraayo dhacdooyin taxane ah oo lagu maamuusayay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo kaasi oo ku beegan 21ka bisha Febraayo. Hawlaha qabanqaabada Maalinta Afka Hooyo waxa iska kaashaday qaybaha Maamulka Gobolka Cali Sabiix iyo Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed. 

 

Munaasadda waxa ka qaybgalay, wasiirro ka socda xukumadda Jabbuuti, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Ballaadhinta Maamullada Gobollada, Yaasiin Cilmi Buux, Wasiirka Waxbarashada Cabdi Ibraahim Cabsiiye, Wasiirka Guryaynta, Magaalaynta, iyo Deegaanka, Cilmi Obsiiye Wacays, Xildhibaanno baarlamaanka dalka ka tirsan, Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix, masuuliyiin hay’adaha dowliga ah ka tirsan, wakiillo ka socda qaybaha bulshada ee Gobolka Cali Sabiix iyo mas’uuliyiinta iyo hawl wadeennada Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed.

 

Aqoon wadaag Ku saabsan Badbaadinta Afka Hooyo

 

Aqoon-wadaag looga dooday sida lagu badbaadin karo Afka hooyo iyo horumarkiisa oo 21kii bishan lagu qabtay Magaalada Cali Sabiix ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii waaweynaa ee lagu maamuusay Xuska Maalinta Afka Hooyo. Aqoon wadaagga waxa furay Wasiirka Guryeynta , Maagaalaynta iyo Deegaanka ee xukumadda Jabbuuti, Cilmi Obsiiye Wacays, waxana kalmado soo dhoweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix, Ibraahim Suubbane Riyaale.

 

Dood wadaaggaasi afka hooyo ku saabsan waxa hagayay mas’uuliyiinta Naadiga PEN waxana ka qaybgalay dad badan oo kala socda qaybaha bulshada ee gobolka Cali Sabiix sida aqoonyahanno, Odayyo dhaqameeddyo, macallimiin, suugaanyahanno, haween, dhallinyaro iyo warfidiyeenno. Ka qayb galayaashu waxay aad uga doodeen dhibaatada haysata afka hooyo iyo sida loogu baahan yahay in la qaado tallaabooyin degdega  oo lagu badbaadiyo jiritaanka Afka hooyo kaasi oo looga cabsi qabo mustaqbalka in uu ku biiro afafka dabar go’ aya. Dood wadaaggu waxa lagu furay warbixin dheer oo uu kulanka ka soo jeediyay Guuddoomiyaha Naadiga PEN, Dr Maxamed Daahir Afrax, Warbixintaasi oo ay diyaarisay hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay waxa lagu xusay in afaf badan oo maanta dunida ka jira gaar ahaan qaaradda Afrika ay dhaqso u dabar go’ayaan, iyadoo bil walba labo afafkaas ka mid ahi ay dhintaan.

 

Dood wadaagga waxaa kasoo baxay talooyin lix qodob ka kooban ku waas oo ku baaqaya in la qaado dedal midaysan oo afka Soomaaliga lagu badbaadiyo. Talooyinka ka soo baxay aqoon-wadaagga waxa lagu faafiyay qoraal gaar ah.

 

Munaasabadda Xidhitaanka Xuska Maalinta Afka Hooyo

 

Munaasabad lagu soo gabagabeeyay hawlihii lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxay ku bilaabmatay bandhigyo aad u xiiso badan oo isugu jira ciyaaro dhaqan iyo suugaan hiddeed isku dhafan, maadeysyo ama riwaayado, warbixino, khudbado, bandhig Buugeed iyo Qalab dhaqameed oo ayaa lagu soo gabagabeeyay dhacdooyinkii soo taxnaa ee lagu maamuusay Xuska Maalinta Afka Hooyo.

 

Waxa aad loogu bogay dadkana dareen qiiro leh ku abuuray riwaayad la baxday Is- Maandhaaf oo uu curiyay abwaan da’yar oo lagu magacaabo Yuusuf Maanshoo oo ah hal abuur ka tirsan Naadiga NEN, riwaayaddaasioo ay soo bandhigeenjilayeen ardada dugsiga Hoose dhexe ee Cali sabiix . Riwaayaddu waxay aad u muujisay sida maanta aanay afkii hooyo isugu afgaran karin waaliddiinta (dadka waaweyn) iyo ubadka soo koraya ee wax ku barta afafka qalaad ee aan afkoodii hooyo la barin ama loo dhigin iyo qiimaha uu leeyahay afka hooyo iyo sida da’yarta soo koraysaa ay uga arradan tahay.

 

Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix Ibraahim Suubbane Rayaale oo munaasabaddaa ka hadlay ayaa halkaa ka sheegay in dadka gobolka Cali sabiix ay dadaal ugu jiraan sidii yar iyo weynba ay u baran lahaayeen qorista Afkooda hooyo iyadoo horeba gobolka looga bilaabay barnaamiyo dadka waaweyn lagu baro akhriska iyo qorista Afka Hooyo.

 

Xaashi Cabduulaahi Orrax oo kamid ah Odayyada Naadiga PEN ayaa isaga oo  ku hadlaya macaga Naadiga waxa uu mas’uuliyiinta ka socotay xukumadda, maamulka iyo shacabka gobolka Cali Sabiix, ardada iyo macaallimiinta dugsiyada ee soo bandhigay maadeysyada qiimaha badnaa, shirkadaha ganacsiga sida shirkadda Daallo Airline, ITI, iyo Golaha Raadiyowga iyo Telefishanka Jabbuuti (RTD), iyo shaqsiyaadba uga macadceliyay  gacantii ay ka geysteen xuska Maalinta Afka Hooyo.

 

Maamulaha Machadka Afafka ee Xarunta Cilmi Baadhista Jabbuuti, Iddiris Yuusuf Cilmi ayaa madasha ku soo bandhigay filim  uu diyaariyay machadku oo ka hadlaya barnaamij tijaabo ah oo laxidhiidha sida  dugsiyada Jamhuuriyadda Jabbuuti mustaqbalka dhow loogu dhigi karo Afka Hooyo.

 

Wasiirka Waxbarshada Jamhuuriyadda Jabbtuuti, Cabdi Ibraahim Cabsiiye ayaa isna ka hadlay dedaalka iyo qorshaha dowladdu ugu jirto sidii afka hooyo loo daryeeli lahaa dugsiyadana loogu dhigi lahaa gaar ahaan kan Wasaaradda Waxbarashada. Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan la dhammaystiray buuggii u horreeyay ee ardada Afka hooyo laga bari lahaa, iyo in dhaqso dugsiyada dalka looga bilaabi doono barashada Afka Hooyo.

‘‘Dowladdu go’aan ayay ku gaartay in afka hooyo lagu dhigo dugsiyada, ururada ka shaqeeya horumarinta afka, sida Naadiga Somali-PEN waxaan ka codsanaynaa in ay gacan naga siiyaan sidii afka dugsiyada loogu baran lahaa’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

 

Wasiirka Guryaynta, Magaalaynta iyo Deegaanka ee Jaabbuti Cilmi Obsiiye Wacays oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyay waxa uu sheegay in maalinta la xuso Afka Hooyo ay tahay maalin weyn oo ay mudan in lagu degaalo sidii loo xajin lahaa dhaxalka hooyo oo afku ugu horreeyo. Wasiirku waxa uu yidhi, ‘‘waa in la fuliyo talooyinka ka soo baxay aqoonwadaaggii ku saabsanaa afka hooyo, waana in lataageeraa dedaallada lagu horu marinayo afka hooyo. Afku ma jirayo haddaan dugsiyada lagu dhigin afka hooyo. Waa in ubadka afkeenna aan ku barbaarinno’’.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabbuuti, Yaasiin Cilmi Buux oo odhaahdiisa lagu soo gabagabeeyay munaasabadda waxa uu xusay muhimadda ballaadhan ee maalinta Afk Hooyo ay ku fadhido, si taa loo muujiyana sannadkan gobollada Cali Sabiix iyo Tojorraba laga xusay maalintaa. ‘‘ Afku wuxuu xambaaraa dhaqanka. Qof aan af iyo dhaqan lahaynna waa geed aan laamo iyo ubax lahayn’’, bulsho aan af iyo dhaqan lahaynna dhibato kama baxdo horumarna ma gaadho’’, ayuu yidhi wasiirku .

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in xukumaddu ay go’aan satay in Afka Hooyo dugsiyada lagu lagu dhigo si loo dhiso ubad u diyaara ka qaybgalka horumarka dalka, soona saara qaran adag.

 

Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Naadiga PEN, hay’adaha iyo shaqsiyaadka suurta geliyay qaban qaabada Xuska Maalinta Afka Hooyo. Wuxuna u hambalyeeyay ardaydii ku guulaysatay tartan-suugaaneedkii  qaybta ka ahaa xuska Maalinta Afka Hooyo. 

 

Abaal-Marinno La Guddoonsiiyay Ardaydii Ku Guulaysatay Suugaaneedka.

 

Dhacdooyinkaasi lagu xusayay Maalinta Afka Hooyo waxay ku billowdeen tartan suugaaneed 19kii bishan loo qabtay ardayda dugsiyada Cali Sabiix waxayna ardaydu ku tartamayeen curinta iyo hal-abuurka maansada,Ardaydii ku guulaysatay iyo intii ka qaybgashay tartan-suugaaneedkii la qabtay 19 kii bishan oo tiradoodu dhammayd 15 arday kana kala socday laba dugsi oo magaalada Cali Sabiix ku yaal ayaa gebogabadii munaasabadda xuska Maalinka Afka Hooyo lagu guddoonsiiyay abaalmarinno isugu jira lacag, shahaadooyin iyo buugaagba.

 

Ardaygii kaalinta Koowaad galay ayaa la guddoosiiyay lacag gaadhaysa 50’000 oo faranka Jabbuuti ah, shahaado iyo buugaag ka hadlaya maansada, dhaqanka iyo taariikhba oo Af- Soomaali lagu qoray. Ardaygii kaalinta labaad galayna waxa la guuddoonsiiyay 40’000 oo faranka Jabbuuti ah, shahaado iyo buugaag, halka  ardayga kaalinta saddexaad galayna la guddoonsiiyay 30’000 oo faran, shahaado iyo buugaagba, laba iyo tobanka arday ee kale ee kaalimaha kale galay waxa la guddoonsiiyay abaal marinno ka kooban shahaadooyin iyo buugaag. 

 

Bandhigga Buugaagta Ku Dhigan Afka Hooyo

 

Gebogabadii xafladda ayaa ka qaybgalayashii kulanku oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dawladda ka socday waxay ka qaybgaleen badhig buugeed laga furay madasha xuska lagu dhigay. Bandhiggaasi buugaagta la keenay waxay dhammaanba ahayeen buugaag ku qoran Afka Hooyo. Bandhigga oo ahaa mid xiiso leh, waxa halkaasi lagu iibsaday qaybo badan oo kamid ah buugaagtii madasha lagu soo bandhigay.

 

Bandhigga Buugaagta

 

Waxa sidoo kale isla goobta lagu soo bandhigay alaabada hiddaha iyo dhaqanka oo qaybo badan ka kooban. Alaabadaasi  waxa soosaaray bulshada reer Cali Sabiix. Qaybo badan oo ka mid ah ayaa halkaasi lagu iibsaday.

 

Magaalada Cali Sabiix, saacaddu markii ay ahayd 12kii duhurnimo 22Febraayo, 2007  ayaa si xiiso badan waxa usoo xidhmay munaasabaddii Xuska Maalinta Afka Hooyo.

 

Soomaali Pen

 

 

 

 

 




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software