Natiijado hordhac ahayd ee doorashada baarlamaaka dalka Jabuuti
ayaa saakay subaxnimadii hore 5:00 aroornimo lagu dhawaaqay, iyadoo najiitada
lagu sheegay inay wax sidaas ah is dheerayn xisbiga talada haya iyo kuwa
mucaaradku.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuut Xasan Dharaar Hufane ayaa mar uu war baahinta
la hadlayey u sheegay in xisbiga talada haya ee UMP uu helay 49%, halka xisbiga
ugu weyn mucaaradka ee USN isna uu helay 47.54% iyadoo xisbiga CPU ee is ah mucaaradku
uu helay helay saddexda soo hartay.
Dowlada Jabuuti ayaa shaacisay in doorashadu dhacday si xor
ah oo xaq ah halka mas’uul u hadlay xisbiga ugu weyn mucaaradka uu isna sheegay
in doorashada la musuq maasuqay.
Afhayeen u hadlay xisbiga USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) ayaakolkii
ay soo baxday natiijada hordhaca ah waxaa
uu warbaahinta u sheegay halkii looga dhawaaqay doorashada inaysan ku
qanacsanayn natiijadaas,waxana uu intaasi raaciyey inay u joogeen goobaha
codadka laga dhiibanayay goobjoogayaal u tirinayay codadka ayna hayaan
warqadihii rasmiga ahaa ee cod-bixinta.
Daaf ayaan sheegin waxaa
ay ku dhaqaaqi doonaa, iyadoo lagu wado in laba maalmood ka dib si rasmi ah ugu
dhawaaqaan golaha dastuuriga ah ee dalka Jabuuti oo loo gudbinayo codadka la
tiriyay.
Doorashadan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo mucaaradka
dalka Jabuuti ay kuraas ku yeeshaan baarlamaanka dalkaas, iyadoo la ogyahay in
baarlamaanku uu soo doorto madaxweynaha dalka.
Waxaa jirtay cabsi
laga qabay in xisbiga talada haya uu doorashada ku shubto maadaama dalka
Jabuuti uu ka talinayey xilligii uu
xornimada qaatay,waxaana wadnaha farta lagaga hayaa in Ismaaciil Cumar Geelle
mar kale uu dib u soo laabto.
Xafiiska wararka
Waayaha.net