Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Haddaad Tahay Somali American, Walaal wax ka saxiix Codsiga (Petition-ka) ku socda dowladda Maraykanka si aan cuno qabataynta hubka Soomaaliya looga qaadin.

DHammaan dadka Soomaaliyeed ee haystay dhalashada dalka Maraykanka ah ee nabadda jecel kana naxay dhibaatada soo gaartay dalkooda hooyo, isla markaasna ku baraarugsan wax-yeelada iyo khatartaha hadda ka dhex  jira gudaha Soomaaliya waxaa laga codsanayaa inay taageeraan codsi loo jeedinayo dowladdeena Maraykanka oo ujeeddadiisu tahay inaan cunoqabataynta hubka Soomaaliya laga qaadin sababaha soo socda aawgood:

1-Waa marka horee hub kasta oo gacanta dowladda galaa shaki la'aan waxaa faa'iido ku qaba ururka argagixisada ah ee Al-shabaab oo si toos ah iyo si dadban in badan oo hubkaas ka mid ah ay gacantiisa gelaysaa, waana tijaabo horay loo soo arkay.

2-Ma jirto baahi weyn oo hadda taagan oo dowladda Federal-ka Soomaaliya ku qasbaysa in hub la siiyo waayo wadanka amnigiisa waxaa gacanta ku haya dowlado shisheeye ayagaana mudan inay ammaanka dalka sugaan inta Soomaalidu kala shaki baxayso oo ay ka heshiinayso, waxaana ka war haynaa in meelo badan oo dalka Soomaaliya ah uu ka bilowday hub urursi intii uu madax-weynaha dowladda federal-ka Xasan SHiikh Max'uud uu bilaabay inuu si ku celcelis ah u codsado in cuna qabataynta hubka laga qaado.

3-Ciidammada Muqdisho jooga oo hubaal ay tahay in hubka uu gacantooda geliyo iyaga oo keliya oo ah hal beel oo degta magaaladaas isla markaasna ah beesha uu ka soo jeedo madax-weynaha dowladda federal-ka Soomaaliya, taasina waxay soo dedejinaysaa xiisad cusub oo horseedi karta dagaal aan lagu talo gelin iyo in hubkaas loo adeegsado dad shacab ah oo aan wax dambi gelin, waxaana eeddeeda qaadi doona taariikhda Soomaaliyeedna ay xusi doontaa cid kasta oo gacan ka geysata in cuna qabataynta hubka Soomaaliya laga qaado.

Sidaa aawadeed:

-Annago aragna ama dareemayna khatarahaas iyo iyo kuwo kale oo badan, aaminsanna in xil innaga saaranyahay dadkeena ay wali ka muuqdaan dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaalladii soo bilowday 1991kii.

-Annagoo u jeedna hadallada Madax-weynaha Soomaaliya Xasan SH. Max'ud in dirba lagu kala irdhoobay oo dadkii ay ku sii kala fogaanayaan, shaki badanna uu dadkii ka dhex abuuray.

-Annagoo dareemayna in madax-weyne Xasan SH. Max'ud uu ka talaabsaday dhammaan wixii lagu soo tiiro iyo tacab beelay isagoo gurigiisa jiifa, isla markaasna si bareer ah u hareer maray wixii lagu heshiiyay oo madaxiisa wuxuu ka maago keliya uu ku socdo, isla markaasna uusan aaminsanayn qaynuunka iyo cahdiga ummaddu ku heshiisay inuu u hogaansamo, ayaa waxaan soo jeedinaynaa codkeenana dowladdena Maraykanka ku gaarsiinaynaa inaan cuna qabataynta hubka Soomaaliya laga qaadan hadda iyo waayahaanba.

Fadlan haddii aad tahay Somali-American nala qaado fikirkaas si aan u badbaadino ummadeena hambbada ka hartay oo saxii codsiga (Petition-ka) aan uga soo hor jeedno in cuna qabataynta hubka Soomaaliya laga qaado, waxaadna gashaa link-ga hoos ku yaal, oo walaal saxiix codsigaas (Petition-ka):

https://petitions.whitehouse.gov/petition/somali-american-us-are-asking-our-government-oppose-lifting-arms-embargo-un-resolutions-731753/GyKcBZkc

Mahadsanid,

"Xil-kasnimadu waa inaad dareento dhibaatada intaysan dhicin"

nagala soo xiriir e-mail-kan:

xaydarcadde@rocketmail.com




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software