Muqdisho,(WNT):-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa xukun dil ah ku riday Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowlada.
Askartaan ayaa saaka lagu toogtay Tiirka School Polizio iyada oo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsanaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.
Gudoomiyaha Maxakamda Ciidamada Qalabka sida oo warbaahinta kula hadlay goobtii sedexda askari lagu tooganayay ayaa sheegay in ay galeen dambiyo dil ah.
Waxaa uu ku nuux nuuxsaday in Maxkaamda Ciidamada Qalabka sida talaabo cad ka qaadi doonto askarigii dambi gala.
Maxkamada ayaa horay u ugu fulisay dil iyo xarig askar dowlada ka tirsnaa.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.