Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
cuduradda halista ah ee dhallaanka ku dhaca xilliga umusha Q 1aad

Bismillaah, marka aan ka hadleyno cudurada dhalaanka kula dhaca umusha (Neonatology) kama hadleyno hal jirro, balse waxa aan ka hadleyno waa maado dhameestiran oo laga qoro buugaag waaweyn anagase aan dooneyno in aan kusoo koobno dhowr maqaal oo gaa-gaaban.

Cudurada aan ka hadleyno waa ku badanyihiin wadankeena, dhallaanka ey ku dhacaaane ma helaan daryeel caafimaad oo ku filan, taa oo keenta in ey badankood u dhintaan jirrooyin laga yaabo in la daweyn karay, waana tan nagu kaliftay in aan qorno silsiladan maqaalada ah ee u gaarka ah dhalaanka, maqaaladan waxey xambaarsanyihiin dhaliilo toos ugu socda isbitaalada dhalmada iyo dhalaanka, iyo sidoo kale hey’adaha xukuumiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka.

Maadaama aanan awoodin in aan maado dhan kusoo koobno hal maqaal, maqaal kasta waxaan uga hadli doonnaa hal jirro oo ka mid ah kuwa ugu badan ee dila dhalaanka soomaaliyeed.

1) BIRTH ASPHYXIA: Waa jirro dhalaanka kasoo raacda foosha, waxaana keenta dhalaanka oo aanan helin hawada (oxygen) uu u baahanyahay inta lagu gudajiro foosha iyo marka uu dhashaba, hadii uu dheeraado waqtiga uu dhalaanku heleynin oxygen ku filan waxaa ka dhalaneysa in uu dhaawac gaaro unugyada maskaxda isla markaane dhalaanku uu saqiiro ama uu mudo noolaado asagoo cuuryaan ah, calaamada ugu horeysa uguna muhiimsan ee xaaladan waa dhalaanka oo aanan ooyin marka uu dhasho, taasoo macnaheedu yahay in sanbabaha cunuga eysan u shaqeyneynin habki la rabay isla markaane eysan soo saari karin biyaha galay inta ey fooshu socotay. Dalka Soomaaliyana aad ayey ugu badantahay jiradan. Sababaha jirradan keena wey badanyihiin waxaase ugu muhiimsan:

A) Hooyada oo uu ku ceshoomo naqaska ama aanan helin hawo ku filan inta lagu guda jiro foosha, dhiig la’aanta waxeey kaalin weyn ka ciyaartaa in hooyooyinku la kulmaan xaaladahan marka ey foolanayaan, waana mid kamida sababaha ugu badan ee keena Birth Asphyxia. Nasiib xumo wadankeena waxaa ku yar qalabka oxygen-ka dheeraadka ah loo isticmaalo (oo ah wax aanan qarash badan xataa u baahneyn), sidaa darteed hooyadi ey qabsato xaaladan ilaahey uunbaa u maqan.

B) Neef mareenka dhalaanka oo xirma; inta lagu guda jiro foosha waxaaa galo neef mareenka dheecaan, balse marka uu cunuga dhasho waa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaraa, ooyinta cunuga ayaana calaamad u ah in neef mareenku furanyahay, caalamka horomaray xarun kata oo umuliso waa ey leedahay qalabka asaasiga u ah dib u furida neef mareenka. Balse nasiib xumo wadankeena xarumaha dhalmada ma lahan qalabkan, waxeyna sameeyaan kaliyah waxyaabo aanan la hubin in ey mar kasta shaqeynayaan, sida in dhalaanka duudka laga dhufto, ama madaxa loo fooraariyo. Hadii uu isku daygaas shaqeyn waayo, dhalaankaas ilaahey uunbaa u maqan.

C) Xaalado la xiriira mandheerta (placenta) iyo xariga ku xira dhalaanka (umbilical cord) ayaa sababa cudurkan, sida in mandheertu ey ka go’do ilma-galeenka waqti hore, taasoo hawada iyo nafaqadaba ka jareysa cunuga.

D) Sidoo kale xaalado kale ayaa sababi kara sida foosha oo socta waqti dheer, infection halis ah oo haaya hooyada ama dhalaanka, dhiig karka hooyada, ama neef mareenka dhalaanka oo aan si sax ah u korin. Dhamaan waxyaabaha sababa jiradan waxey leeyihiin qorshooyin looga hortago, waa hadii la heesto qalab si dhaw lagula socdo xaalada hooyada iyo dhalaanka, qalabkaas oo inta badan wadankeena ka maqan.]

CALAAMADAHA: Calaamadaha jiradan waxaa kamid ah ooyin la’aan ama ooyin tabar daran, midabka maqaarka oo buluug isku badala, garaaca wadnaha oo hooseeya, neefta oo aad u yaraata iyo calaamado kale.

-MAAREYNTA: maareynta xaaladan waxaa kamid ah:

*Hooyada oo si deg-deg loo siiyo oxygen dheeraad ah hadii ey hawadu ku yaraato inta ey socoto foosha.

* In si deg-deg ah loo qalo hooyada (Caesarean section) hadii la dareemo in uu halis ku jiro caafimaadkeeda ama caafimaadka dhalaanka.

* in dhalaanka marki uu dhasho dhaqsiba loo isticmaalo qalabka dib loogu furayo neef mareenka isla markaane laga shaqeysiiyo. Hadii ey shaqeyn weysana si deg-deg ah loogu xiro qalabka loo yaqaano ECMO (Extracorporeal Membrane Oxygenation) oo qabanaya shaqadii sanbabaha, qalabkan ayaa dhiiga dhalaanka ku shubaya sanbabo artifishal ah oo loo isticmaalayo si dhiiga dhalaanka oxygen loogu daro. Waxyaabahaas oo dhanne wadnkeena lagama helo ama waa ku yaryihiin.

Hadaba waxaan ku dhiira galineynaa masuuliyiinta isbitaalada iyo sidoo kale wasaarada horomarinta iyo adeegyada bulshada in ey arimahan xal u helaan, oo ey isdareensiiyaan masuuliyad ku wajahan badbaadada caruurteena iyo hooyooyinkeena.

Wabillaahi towfiiq

W/Q: Dr. Axmed Xalaal

Waaxda horomarinta caafimaadka dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.

XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:

http://www.facebook.com/jiilkacusub




   
Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Ninkii Soomaaliga ahaa ee Xasuuqay Soomaalidii la Shaqaynayay (Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    17 Jun 2013
Wiil Soomaali ah oo dabaq dheer iska soo tuurey ka dib markii loo diiday sharciga!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 Jun 2013
Machcadka barashada xirfadaha ee new generation xaruntiisa Baargaal oo si rasmi ah loo furay    16 Jun 2013
Ururka sahal oo jawaab cad ka bixiyey shirkii shirqoolka ahaa ee Xuseen Carab iyo Max’ud Guure    16 Jun 2013
Daawo:Nin Soomaali oo ku Xasuuqay Soomaali kale dalka Mareykanka‏    15 Jun 2013
Daawo : Dhacdo naxdin iyo yaab leh oo qabsatay odey waayeel ah kadib Markii Wiilkiisa uu ku xabisay deerka gurigiisa‏    14 Jun 2013
Gabar Soomaaliyeed oo maxkamad ku taala Ingriiska ku xukunay 250 saacadood oo iskaa wax u qabso ah!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    14 Jun 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software