Dalka Holland oo jaadka laga joojiyey ku dhawaad laba bilood
ka hor ayaa waxaa la sheegay inaysan arintaas wali saameyn weyn ku lahayn
iyadoona wali ay dadka jaada cuna ee dalkaas Holland ay wali si dhib yar leh ay
ku heli karaan kuna iibsan karaan qaadka.
Soomaalida qaadka cunta ee dalka Holland ayaa waxaa la
sheegay in inkastoo dalkaas laga soo bilaabo 5tii bishii Janauri ee sanadkaan
laga mamanuucay qaadka dalkaas Holland hadana inuusan qaadku gebi ahaanba ka
suulin qaadku dalkaas, iyadoona Soomaalida qaadka cunta ay wali si fudud u heli
karaan jaadka islamarkaana ay qiimo wax yar ka badan kii hore ay ku iibsadaan
qaadka arintaas oo niyad jab weyn ku ah Soomaali badan oo u ololaynaysay in
dalkaas Holland laga joojiyo qaadka, Qaadka oo dhabcan si koontrabaan ah ku soo
gala dalka Holland oo ugana yimaadoa dalkaas Ingiriiska ayaa waxay suuro
galisay in muqayiliinta dalka Holland ay u helaan jaadka si wax yar ka duwan
markii uu jaadka dalkaas uusan ka mamnuuca ahayn.
Ugu dambeyntiina inkastoo uu jaadka ka mamnuuc yahay dalka
Holland ayaa hadana waxaa lagu soo galiyaa si qarsoodi ah iyadoona ay booliisku
sameeyaan baaritaan la xiriiro qabashada qaadkaas, taas oo tii ugu dambeysay ay
dhawaantaan ku qabteen qaadkii ugu badnaa ilaa iyo intii laga mamanuucay dalka
Holland laguna sheegay inuu ahaa ilaa iyo 900 oo kiilo laguna qiimeeyey inuu
ahaa qiimaha lagu iibsan karay ilaa iyo
600.000 euro, qaadkan ayey booliisku ku qabteen nin u dhashay dalkaas Latvia oo
50 sano jir ah, Laakiin sida uu sheegay nin lagu magacaabo Maxamed Cilmi oo la sheegay inuu yahay
afhayeenka midowga ururada Soomaaliyeed ee dalka Holland mar uu wareysi siiyey
Radio 1 ee dalka Holland ayaa sheegay
inuu ku faraxsan yahay qabashada qaadkaas la qabtey, laakiinse uu walli ka xun
yahay inaysan si fiican u hergalin joojinta qaadkaas maadaama ay Soomaalida
cunta wali si sahlan u heli karaan jaadka asagoona codsi u jeediyey booliiska
dalkaas inay sii laba laabaan la dagaalanka jaadka ku soo galaayo koontrabaanka
dalkaas Holland.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=FUqFNAgwA_4
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com