Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Golaha Imaamyada Ameerika oo Cambaareeyey dilkii dhawaan loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

 Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Iimaamyada masaajidda Waqooyiga Amerika ee Soomaaliyeed oo ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayey si weyn ugu cambaareeyeen dilkii dhawaan magaaladda Garoowe loogu geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax [Gacamey], oo ka mid ahaa culumada waaweyn ee Soomaalida.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar, oo ah gudoomiyaha Golaha Iimaamyada Waqooyiga Amerika, isla markaana isugu imaam ka ah masjidka Abuu-bakar Sadiiq ee magaaladda Minneapolis, oo kulankooda kaddib saxaafadda la hadlay, ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, isagoo falkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid aan xiriir iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka.

“Waxaan si wadajir ah u cambaareynaa dilkaasi loo geystay Sheekha, oo ay u geysteen dadka ka gardaran iyo gacan daalimadda ah,” ayuu yiri Sheekh Cabdiraxmaan.

Sheekha, ayaa ugu baaqay ummadaha muslimiinta ah in ay iska fogeeyaan guud ahaan falalka lagu bartilmaameedsanayo culumada diinta iyo dadka indheer-garadka ah ee bulshada ku leh saameynta muuqata, islamarkaana la doonayo in lagu dabar-gooyo.

“Waxaan halkaan ka qiraynaa in Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), uu ahaa aabeheeni diinta iyo dacwada, dhimashadiisa kaddibna ay noo noqon doonto daliil iyo ku dayasho,” ayuu yiri Sheekh Cabdirisaaq Xaashi, oo isaguna ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota, isagoo sidoo kalana sheegay in dadkii falkaasi geystay ama wax ka maleegayba ay ka habaari-doonaan xiliyada cibaadada iyo goobaha diinta.

Ugu dambeyn culumada ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, iyagoo dhinaca kalana ka codsaday Soomaalida iyo dadka kale ee Muslimiinta ahba in meel qura looga soo wada-jeesto kooxaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh dilalka mashaa’iiqda diinta.

15-kii bishaan Feebaraayo oo ahayd jimcadii la soo dhaafay, ayaa nin hubaysani waxaa uu masjid ku yaala magaaladda Garoowe ku dilay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), oo ka mid ahaa culumada sida weyn diinta loogu qadariyo dalka Soomaaliya, iyadoona aysan jirin cid wali sheegatay in ay ka dambeysay dilkiisa, walow si weyn farta loogu fiiqay Al-shabab, inkastoo ay kooxdu iyadu falkaasi dhinac isaga riixday.

Marar badan ayaa gudaha Soomaaliya horray dilal loogu geystay dad badan oo isugu jiray culumo diimeed iyo waxgarad, hase ahaatee dilkaan ugu dambeeyey ee loo geystay Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ayey Soomaalidu si weyn uga naxday, iyadoona si wadajir ah meelo badan looga cambaareeyey.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software