Haweeney u dhalatey dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay
si wanaagsan oo cajiib ah ay ugu hadasho luqada afka Soomaaliga iyadoona
haweeneydaasi laga yaabo inay ka badiso afka Soomaaliga qaar badan oo ka mid ah
dad sheeganaayo inay yihiin Soomaali.
Haweeneydaan oo lagu magacaabo Lidwien Kapteijns laakiinse
lagu naaneyso oo uu magaceeda Soomaaliguna yahay Ladan oo asal ahaana ah
haweeney u dhalatey dalka Holland islamarkaana ah Profossorad iyo waliba qoraa
ayaa waxaa la sheegay inay si wanaagsan oo la yaab leh ay ugu hadasho luqada
Afka Soomaaliga iyadoona run ahaantii aad la yaabeyso sida ay erayada afka
Soomaaliga ay ugu dhawaaqeyso iyo sida fudud oo uu qof kasta oo soomaali ah uu
u fahmi karo haweeneydaas Hollandeeska ah,
Haweeneydaan oo mudo aad iyo aad u dheer ku soo dhex jirtey barashada
suugaanta iyo afka Soomaaliga ayaa waxay arintaasi keentay inay noqoto qof si
habsami ah ugu hadli karo luqada afka Soomaaliga.
Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaasi ay sidaas wanaagsan
ugu hadli karto luqada afka Soomaaliga ayaa run ahaantii waxaa jira dad badan
oo Soomaali ah oo ku dhashay ama ku korey wadamada dibada oo ay ku adag tahay
inay ku hadlaan luqadooda hooyo iyadoona ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo
u badan caruur ku dhalatey wadamada qurbaha amaba ku korey oo ay adag tahay in
la fahmo marka ay ku hadlayaan afka Soomaaliga maadaama ay caruurtaas inta
badan ay ku hadlaan luqadaha aajanabiga ah ee lagaga hadlo wadamada ay ku nool
yihiin arintaas oo meesha ka saareeyso gebi ahaanba barashada luqadoodii hooyo
ee ay u dhasheen.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=S5RAttgUKI0
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com