Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Warsaxaafadeed ay Jamaacada Al- Ictisaam bilkitaab Wassunah ka soo saareen dilkii Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Kadib  markii uu soo gabagaboobay shir uga socday Magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 17-19/ 2013 Jamaacada waxay soo saareen war saxaafadeed kaan

1-  Waxaan u mahad celinaynaa allaah Subaahanahu watacaa oo fududeeyey hawlo baddan oo ka mid ah aaskii Sheikha iyo qabqabashadii Danbiilayaasha. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa Dowladda Puntland, sida wayn ay howshaan isugu xilqaantay  waxna uga qabatay. Sidoo kale waxaan u mahadd celinaynaa dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland kaalinta ay ka qaateen wax ka qabashada  dhacddadaan iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay.


2-  Waxaan u cadaynnaynaa Muslimiinta, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed in kooxda Al-Shabaab ee dishay Sh. Cabdulqaadir ay tahay koox burcad ah, diinta Islaamkana aan wax shaqo ah ku lahayn, ayna tahay musiibo iyo cadow aan ummadda u reebayn, Diin, Naf, Maal, caqli iyo sharaf middna. Waxaana arintaas cadaynaya shirqoolka hal doorka ummadda, sida; Culimmada, Aqoonyahanka, Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Ardayda, iyo Ganacsatada. Sidoo kale Qarxinta, Xasuuqa, qaxinta, cabsigalinta, niyad jabinta iyo dullaynta ummadda Soomaaliyeed.


3-  Waxaan u cadaynaynaa ummadda Soomaaliyeed in aan illaahay iyo Rasuulku farin in dadka Muslimiinta ah lagaalaysiiyo ama la laayo, shareecada Islaamkuna aysan qabin, kooxda Al-shabaabna ay illaahay iyo Nabiga ku been abuuranayaan. 


4-  Hadaba waxaa waajib ku ah ummadda Soomaaliyeed  qaybaheeda kala duwan sida; Maamulada, Qabiilooyinka,  iyo bulshada oo dhan  inay si wada jir ah uga hortagaan kooxda Al- Shabaab ee dabargoynaysa Ummadda , maadaama ay yihiin khatar ku wajahan ummadda idilkeed.


5-  Waxaan Shacabka u cadaynaynaa in kooxaha shirqoolada iyo qaraxyada fulinya aysan matalin qabiilooyinka ay ka dhasheen , lagalana tashan, dadka ay bartilmaameed sanayaana aysan u dilayn qabiil ahaan, aysana jirin qabiil loogu danaynayo falalakan guracan ee ay ku kacayaan. Sidaa daraadeed; a) Sharci ahaan looma aanayn karo beelaha ay ka soo jeedaan, b) mana banaana in dadka falalkaas fulinaya, lagu kaalmeeyo falkooda qaldan, lamagan galiyo, ama gabaad loo noqdo. t) marka laqabto danbiilayaashana  looma gurmankaro. Looma doodi karo, lamana difaaci karo. j) waxaan u cadaynaynaa cidii sidaa yeesha lacnada illaahay inay mutaysanayaan.


6-  Waxaan usoo jeedinaynaa beelaha Soomaaliyeed inay ka digtonaadaan utunta, iska horkeena  iyo colaada ay ka dhex abuurayso koox Al-Shabaab. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa inaan dheg loo dhigin dicaayadaha marin habaabinta ah ee kooxdaasi u adeegsadato weecinta iyo daboolista faldanbiyoodkooda.


7-  Waxaan cadaynaynaa in kooxdii faldanbiyeed isu kaashata ama wada fulisa sharci ahaan isku xukun yihiin. Sida; kan amray, kan dilay, kan lacagta baxshay, kan soo ilaaleeyey, kan gaariga ama guriga u kireeyey, kan qariyey, iyo kan raacdo reebka ah.


8-  Waxaan usoo jeedinaynaa dhamaan Maamulada Dalka inay ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cidkasta oo faldanbiyeed gaysatana lagu qaado xukunka Shareecada islaamku ka qabto arinkaas.


9-  Waxaan marlabaad usoo jeedinaynaa ummadda Soomaaliyeed maamul iyo shacaba in la isugu yimaado shir wayne heer qaran ah oo looga arinsanayo dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ummadda ku hayso.


10- Ugu danbayntii waxaan u dardaarmaynaa ummadda Soomaaliyeed illaahay cabsidiisa iyo inay ku dhaganaadaan Diintooda, caqiidada saxanna ka qaataan culimmadda, si ay uga badbaadaan marin habaabinta kooxda al- shabaab wado.

Golaha Fulinta ee Jamaacada Al- Ictizaam bilkitaab Wassunah




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software