Dallada Culimadda
Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay shirar kala duwan ku lahaa magalada
Garoowe,ayaa maanta 19 February,2013 ugu danbayntii shirarkaasi ka soo saaray
bayaan qodobaysan,taasoo intiisa badan looga hadlayay dilka Shiikh Cabdiqaadir
Nuur Faarax allaha u naxariistii iyo cida dishay.
Shirkaan jaraa'id
ayay ku qabteen culimadda Soomaaliyeed Jaamacada Bariga Africa faraceeda
Garowe,waxana bayaanka warbaahinta u akhriyay Shiikh Axmad Cabdisam
C/dulle,wuxuna sheegay marka hore culimadda Soomaaliyeed inay ka xun yihiin
dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax,ayna ku dhiiro galinayaan shacabka
Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan gacant ku dhigista dadka
cadowga ku ah Diinteena islaamka.
Qodobada ku qoran
bayaan ayaa waxaa ka mid ahaa dilalka kooxda shabab inaysan meelna kasoo galin
iyo jihaadka ay sheeganayaan Diinta islaamka,wuxu sheegay Shiikh Axmad inay
isku danbi yihiin kan wax dila,qariya,dhaqaale ku bixiya iyo wax ka og,waxayna
sidoo kale culimadu sheegen inay muhiim tahay sidii looga soo wada jeesan lahaa
falalka foosha xun oo ay kooxda maleeshiyaadka ah ee shabab shacabka ku hayaan.
Mamuladda dalka ka
jiraa ayay ugu baaqeen inay xooga saaraan sidii culimada loo ilaalin lahaa ammaankooda,ayna shirar kala
duwan oo looga hadlayo dilalka culimada qabtaan.dowladda fadaraalka
Soomaaliya,Somaliland iyo Puntland ayay ku amaaneen qaabka wanaagsan ee ay uga
hadleen dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Shirwayne guud oo
soomaaliwayn ay ka soo qayb galeen ayay culimaddu ugu baaqeen dowladaha dalka
ka jira iyo sidoo kale Shacabka muslimka ah inaysan wax garab walaaltinimo
aysan siin,kooxaha dilalka iyo dhibka ku haya,umadda soomaaliyeed.
Waayaha.net,Garoowe