Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
dhibaatooyinka caafimaadka ee qaadka

1. QAADKU MUXUU KA SAMEYSANYAHAY?

Qaad ama jaad waa geed balwad ahaan loo isticmaalo, kana baxa wadamada Kenya, Ethiopia iyo Yemen. Cilmi baaris lagu sameeyay qaadka ayaa cadaysay in qaadka ay ku jiraan maadooyin maanka dooriya oo ku abtirsada maadada loo yaqaano amphetamine-ka kuwaas oo ay ka mid yihiin cathine cathinone iyo ephedrine.

-CATHINE waa maadadii ugu horaysay ee laga helay qaadka 1930kii. Waxaa la mooday inay tahay maadada ugu qatarsan ee markaas qaadka ku jirtay.

-CATHINONE waa maadadii labaad ee laga helay qaadka 1975kii. Waana maadada keenta marqaanka.

Cathinone waxa ay isku badashaa cathine marka ey la kulanto hawo (oxygen), ilays (sun light) ama biyo, waana sababta keenta inay qaadwadayaashu ku duuduubaan caleemaha iyo juwaanada.

-AMPHETAMINE waxa ay aad ushabahdaa labada maado ee aan kor kusoo sheegnay, waxaa markii hore loo isicmaali jiray in lagu daweeyo cudurka Narcolepsy (cudur la xariira hurdo joogto ah ama hurdoosho), wal walk iyo walaaca, balse hada isticmaalkeda la mamnuucay in dhaqtar qoro maahanee.

2. QAADKA MUXUU DHIBAATO LEEYAHAY?

A). Marqaan (euphoria) qofka oo dareema farax iyo ranrayn. Marka hore kadibna daal iyo caajis ama qaadiro, indhaha (pupil-ka) oo waynaada, wis wis ama shaki joogto ah (paranoid).

B). Ku mamid ama la qabsi (addiction) iyo ka maarmid la'aan.

C). Wal wal iyo walaac (depression) , khiyaali ama dubaab (hallucination) qof ka oo wax is moodsiiya ama soo jeedka ku riyooda oo arka wax aysan dadka la jooga arkeynin.

D) Sababidda dheecaano ay soo daayaan qanjirada ku yaala kilyaha korkooda (adrenal gland),oo loo yaqaano epinephrine iyo norepinephrine kuwaas oo kiciya shaqada maskaxda (brain) iyo xangulaha (spinal cord), waxa ay kicyaan dhiiga jirka(blood pressure), waxa ay siyaadiyaan gaaraca wadnaha taas oo sababi karta wadne xanuun, waxa ay siyaadiyaan xinjiroowga dhiiga taas oo sababi karta inay xididada dhiiga xirmaan sida kuwa wadnaha taasoo keeni karta cudurka wadna qabadka (myocardial infarction) ama dhiig ku furta maskaxda (stroke).

E) Dhibaatooyin dhanka dheefshiidka sida dhaawac uu gaarsiiyo ciridka, ilkaha, faruuryaha, hunguriga caloosha iyo kansar (cancer) ku dhaca xubnahan, taas oo ay sababtay maadada la yiraahdo Tannic acid ee qaadka ku jirta. Sidoo kale qaadku wuxuu sababaa nuugista cuntada ee xiidmaha (absorption) oo yaraada sababtana nafaqo daro, cuntada oo xiranta (anorexia), miisaanka oo hoos u dhaca, caloosha oo fariisata (constipation).

F). Dhibaatooyin dhanka raganimada; qofka daa’ima cunista qaadka waxa uu ku keenaa raganimada oo yaraata, shahwada oo kaadida raacda iyo ninka oo dumarka ka hijrooda.

3. QAADKU DAROOGU MIYAA?

Hadaba waxaa nasiib darro ah in WHO ay u aqoonsato maadooyinka ku jira qaadka in ey yihiin daroogooyin-ka caalamka safka hore uga jira sida cocaine-ta misne dadka soomaaliduna ey kamid noqdaan dadka ugu cunista badan uguna aqoonta yar qaadka.

Wsc. W. W

W/Q: Ibrahim Ahmed Abdulle

Waaxda gargaarka bini’aadanimada ee dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.

XIGASHO: boga dalada dhakhaatiirta jiilka cusub ey ku leedahay facebook ee:

http://www.facebook.com/jiilkacusub

 




   
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software