Dowlada dalka South Africa ayaa waxaa la sheegay inay isku
shaabadeysay oo ayna ku faanto amaanta iyo sumcada qiimaha leh ee uu soo jiiday
filimka Asad ka dib markii Filimkaas loo magacaabay abaalmarimta Oscarka oo ah
tan ugu qiimo badan aduunka ee xaga filimada.
Warbaahinta dalkaas Koonfur Afrika ayaa waxaa la sheegay
inay maalmihii la soo dhaafay si weyn u hadal hayeen filimkaas Asad ayagoona ku
sheegaayey inuu yahay guul u soo hoyatey dalka iyo dadka reer South Africa,
sidoo kale ayaa waxaa arintaas guul weyn ku tilmaamay shirkadaha sameeya
Filimada dalkaas Koonfur Afrika iyagoona sheegtay inay arintaani tahay guul aan
la iloobi karin islamarkaana ay sumcad weynu soo jiidayso suuqa filim sameynta
ee dalkaas Koonfur Afrika, Filimkaan
ASAD oo marka laga reebo abaalmarinta Oscarka ah ee uu u sharaaxan yahay sidoo
kale ilaa iyo hada ku guuleystey 13 abaalmarinood oo kala duwan ayaa ah filim
ka hadlaayey burcad badeeda Soomaaliyeed islamarkaana ay jilayeen dad
Soomaaliyeed oo ah qaxooti ku nool dalkaas South Africa, Filimkaan Asad oo ay
sheekadiisu ku saabsan tahay wiil yar oo Soomaali ah oo ku jaahwareersan inuu
kala doorto burcadbadeednimo iyo inuu ka shaqeysto kaluumeysiga ayaa waxaa
jilaayey laba wiil oo walaalo ah lagu kala magacaabo Haaruun (ASAD) Maxamed iyo
Cali Maxamed iyadoona sidoo kale dhamaan dadka kale ee ka qeyb qaadanaayo
filimkaas ay yihiin Soomaali qaxooti oo ku nool dalka South Africa, Laakiin
maadaama xaalada dalka Soomaaliya ay saamixi weysay in filimkaas lagu jilo ama
lagu sameeyo ayaa sida uu sheegay Bryan Buckley oo ah soosaaraha filimkaas
waxaa uu door biday inuu filimkaas ku sameeyo dalka South Africa iyadoona
filimkaas lagu sameeyey tuulo xeebeed lagu magacaabo Paternoster oo ku taalo
galbeedka magaalada Cape Town, iyadoona ay filimkaas sameyntiisa ku lug lahayd
ama duubitaankiisa ay lahayd shirkada filimada Cape Town Film Studio.
Ugu dambeyntiina iyadoo marka laga reebo in filimkaas lagu
sameeyey dalka Koonfur Afrika aysan wax ka badan intaas ku lahayn oo darektorka
iyo soosaaraha filimkuba oo kala ah Bryan Buckley iyo Mino Jarjoura oo ka
tirsan shirkada lagu magacaabo Hungry Man ay labaduba yihiin dad u dhashay
dalka Mareykanka, Laakiinse uu caawiyey ninka lagu magacaabo Rafiq Samsodien oo
u dhashay dalkaas South Africa ayaa filimkaas ASAD waxaa gebi ahaantiisa ka
shaqeeyey dad Soomaaliyeed oo ku nool qaxootina ku ah dalka Koonfur Afrika
sidaas awgeedna wixii wanaag iyo sumcad ah ee filimkaas la yimaado waa mid ay
leeyihiin dadka Soomaaliyeed, Filimkaan oo u sharaxan Best Short Film ayaa
waxaa la ogaan doonaa 24ka bishaan inuu ku guuleysto iyo in kale, Dadka
Soomaaliyeed ee xiisaynaayo filimkaan inay daawadaan ayaa ah inay xoogaa dul
qaataan oo ay sugaan asagoona filimkaan uu dhawaan un loo soo bandhigay
shaneemooyinka oo aan DVD ahaana loo soosaarin sidoo kale filimkaan ayaa ah
filim aad iyo aad u kooban asagoona soconaayo qiyaas ahaantii ilaa iyo 16
daqiiqo oo kaliya.
Halkaan ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=-v3FKl0JQpg
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com