Ardey Soomaali ah iyo arday Amerikan madow ah ayaa waxaa la
sheegay inuu dagaal xoogan ku dhex maray dugsi sare oo ku yaala magaalada
Minneapolis. Minnesota ee dalkaas Mareykanka iyadoona uu dagaalkaas keenay
qasaare dhaawac iyo bur bur kale isugu jira.
Dagaalkaan u dhaxeeyey ardaydaas Soomaalida iyo Afrikan
Amerikanka ay wada dhigtaan iskuulka lagu magacaabo Minneapolis South High
School, Minnesota ee dalkaas Mareykanka
ayaa waxaa uu ka bilowday xilligii lagu gudo jirey bareega cuntada iyadoona ay
halkaas isku gacan saareeen ardeydaas Soomaalida iyo madowgaas Mareykanka ah,
dagaalkaan oo ay ka qeyb qaateen ardey lagu qiyaasay 200 ilaa 300 oo arday ayaa
waxaa la isku adeegsaday in la isku garaaco alaabtii meesha taalay iyadoona la
isku weereeyey saxuuntii iyo koobabkii wax lagu cunaayey, maamulka iskoolka oo
isku dayey inay arinta kala dhexgalaan ayaan ku guuleysan taas oo keentay inay
u yeertaan booliiska magaalada iyadoona uu sidoo kale booliiska oo soo gaarey
goobta ay ku adkaatey inuu qaboojiya xaalada iyadoona booliiskii sidoo kale ay
qaar ka mid ah ardaydaasi ay kala hortageen weerar taas oo keentay inay
booliisku isticmaalaan sunta indhaha dadka kaga ilmeysiiso si ay u kala
kaxeeyaan ardeydaas ku dagaalameysay goobtaas raashinka lagu cuno.
Ugu dambeyntiina iyadoo aan dhab ahaan loo ogeyn waxa iyo
sababta uu ku imaaday dagaalkaa ayaa waxay wararku qaar sheegayaan in ilaa iyo
mudaba ay taagneyd xiisad u dhaxeysay ardeydaas Soomaalida iyo madowgaas kale,
iyadoona ay Soomaalida oo sheegtay in looga tiro badan yahay iskoolkaas ay
halkaas kala kulmaan cunsuriyeen iyo in la midab sooco oo ay qaar ka mid ah
ardayda iskoolkaas ku hayaan midabtakoor, Soomaalida iskoolkaas dhigata ayaa
waxaa la sheegay inay tiro ahaan ka yihiin iskoolkaas 8% taas oo muujineyso in si aad iyo aad ah looga
tiro badan yahay marka loo fiiriyo ardeyda kale ee dhigato iskoolkaas.
Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=79TxQVd9GKg
Abdirizak M.
(Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com