Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan.
Alle ha u naxariistee SHiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, ciddii dishay madmadow kuma jiro waana la yaqaan, waxaana arrin guula ah oo ku dayasho mudan talaabadii ay qaadeen shacabkii qabtay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa isagoo laba bistooladood wata, isagoo waliba xabbado ku ridaya, iyaguna gacan maranyihiin, waxayna ahayd talaabo geesinimo, dadnimo iyo iimaan xambaarsan, talaabo macnaynaysa qiimaha nafta inuusan ka weynayn kan cadaaladda!
Waxaa arrin xusid mudan ah intii ay Al-shabaab hana qaaday in shacabki Soomaaliyeed uu ku dhacay anfariir iyo argagax qof kasta naftiisa u baqay, Al-shabaabna waxay isticmaashay nidaam cabsi gelin ah qof ay gawracdo, qof ay isku qarxiso iyagoo waliba isticmaalaya tiknoolijiga casriga ah ee maanta dunidu gaartay, hasa ahaatee cabsidii noocaas ahayd waxaa la oran karaa waxaa laga gudbay wixii shalay loo soo gaaray markii la dilay Alle ha u naxariistee SHiikh Cabdulqaadir Nuur
Cadaaladda, waxay u baahantahay in nafta loo huro, guud ahaan Soomaaliya waxaa ku agoomoobay Caddaaladdii, sharcigii wuxuu noqday looma ooyaan, taasina waxay horseedday in dad-weynihii Soomaaliyeed dhammaantood ay noqdaan looma ooyaan! Waxaan soo marnay in dhiigeena iyo dhimashadeen aduunka gaalo iyo Islaam uusan macne u samayn loona qaatay qayb ka mid ah nolo maalmeedka Soomaaliya oo aan laynooga danqan waxa dhagar-qabayaal badan ay dalka ka sameeyeen.
Waxaa hadda muuqda oo aan shaki ku jirin in shacabku bilaabeen inay ku baraarugaan khatraha soo socda, khataraha ka imaan kara fikradaha guracan ee Al-shabaab, waxayna garowsadeen in cadaaladda iyo xuquuqdooda dad-weyne haddii aysan iyaga dad-weynaha ah naftooda u hurin, inaysan ku imaanayn baqdin iyo gabbasho.
Tallaabadii ay ku qabteen xubno ka mid ahaa dad-weynihii magaalada Garowe Gacan-ku-dhiiglihii dilay Alle ha u naxariistee SHiikh cabdul-qaadir Nuur Faarax ayaa ahayd mid laga mahad-celiyo laguna ammaano dhalin-yaradii geesiyiinta ahaa ee diiday in lagu dulaysto muruq iyo caga juglayn, waxayana ahayd talaabo aad uga marag kacaysa in dhalin yardu ay yihiin xoogga iyo difaaca ay ummad kasta ku naalooto oo difaacaya jiritaankooda ummadnimo iyo karaamadooda dadnimo.
Geerida noocaan oo kale ah ka xanuun badan inta aan qiyaasi karno, dhiig qof muslim ah oo aan waxba galabsan! Maxaad ku dishay? Waxba! Runtii waa laba geeriyaad laakiin waxay seddex geeriyaad iyo afr geeriyaad ahaan lahayd hadduu sidaas ku baxsado DHagar-qbaha Cabdi-Raxmaan Xuseen Jaamac (Waa magacii uu sheegtayee), dhacdadii jimcihii la soo dhaafay waxay meesha ka saaraysaa warar badan oo horay suuqa loo mariyay.
Waxaa beenowday inay shacabka Soomaaliyeed taageersanyihiin Al-shabaab, waxaa beenowday in taageerayaasha Al-shabaab ka tiro badanyihiin dadka dad-weynaha intiisa kale, dacaayaddaas waa ay soo dhamaatay, waxaana soo baxday in shacabku uu rabo inuu ka xoroobo Al-shabaab, in shacabka uu rabo inuu naftiisa uga xoroobo cabsida wadnaha ka degtay ee Al-shabaab ay ku beereen, shacab ka dhergay ciil, shacab ay magacyo badan ku dumiyeen!..
Waxaa shacabka hor yaala inay ku baraarugaan khatarta iyo halista ka soo socota, xaalufinta lagu hayo kaskii, aqoontii iyo garshadii ummadda Soomaaliyeed, Culumaa’udiin, Aqoonyahan, Ganacsato, bal aan is weydiin dhab ahaan Al-shabaab ma waxay rumaysanyihiin inay iyaga keliya sax yihiin oo dadka ka qumanyihiin?! Ma waxay rumaysanyihiin inay dadka kale oo dhan iyaga ka muslimsanyihiin?! Mise waxay rumaysanyihiin inay dadka ka Soomaalisanyihiin?! Ma dhici karto, ma qabo inay fikradahaas mid ka mid ah ay qabaan, laakiin waxaa shaki la’aan ah inaan fahamnana loo baahanyahay in iyaga laynoo soo adeegsaday, iyaga laftooda inaysan ku socon maskaxdooda oo xor ah.
Sida wax u dhacayaan, ama hawl-gallada ay Al-shabaabka ka fulinayaan gudaha Soomaaliya ee ku salaysan in si gaar ah wax-garadka ummadda loo bar tilmaansado lama wada dhihi karo caqli qof Soomaaliyeed buu ka yimid oo waliba diin sheeganaya, lama oran karo qof dadkiisa jecel oo Soomaalinimo ku jirto fikraddiisay ka timid….,maxay ku salaysantahay inay iyagu sax yihiin oo dadka kale ka islaamsanyihiin baa? Waa waali aan dawo kale lahayn in lays ka celiyo mooyee …Waali!
Waxaa muuqda dhabbo fiican oo ay bilaabeen dhalin-yarradi qabatya DHagar-qabaha Cabdi-Raxmaan Xuseen, waxay ahayd wado haboon loona baahnaa in la bilaabo, waayo wax kasta oo fiican waxay joogaan qiimo aad u sareeya, mana jiri karaan wax cadaaladda ka sreeya oo qiimo sare lagu bixiyo, muran kuma jiro inay naftooda khatar gashay laakiin waxaan shaki ku jirin iyadana inay dadkii oo dhan nooleeyeen! Inay diideen in cadaaladdu agoontowdo, in cadaaladdu noqoto Looma Ooyaan! Geesiyaal mudan oo taariikhdu marar badan xusi doonto, isla markaasna xil-kasnimada ay la yimaadeen Alle hortiisa ajar kaga heli doona.
DHagar-qabe Cabdi-Raxmaan Xuseen Jaamac cadaaladda ayaa go’aamin doonta waxa uu mudanayahay, wax kale oo ina deeqaya ma jiraan oo aan cadaalad ahayn, qof kasta oo innaga mid ahna xanuun kasta oo uu dareemayo waa inuu kaga dawoobaa wixii uu sharciga go’aamiyo, ma aha wax qarsoon in shacabka uu aad uga caraysanyahay dhaqammada dagaalka Al-shabaabka ee lala beegsanayo nin-doorkii ummadda oo keliya.
Marka si dhab ah loo fiiriyo qaababka ay wax u dilaan kooxdaan Al-shabaab waxaad ka garanaysaa inaysan fulaynimo ka marnayn, waayo bal u fiirso meesha ugu badan oo ay wax ku dilaan waa Misaajidka Alle, waa meeshii keli ahayd ee uu qofka Islaamka intuu joogo dareemi lahaa ammaanka, rajada, deggenaanshaha, isla markaasna uusan ka filayn argagax iyo inay wax yeelo naftiisa ka soo gaarto, waxayna ka dhigeen sida ishii biyaha ahayd ee dugaaggu ku gaadayay ugaarta, waxaana dhacday in meelo badan hadda salaadaha Subaxa, Maghribka iyo Cishaha ay misaajida cidla yihiin…..
Si kataba ha ahaatee heerka maanta uu shacabka Soomaaliyeed soo gaaray waxay runtii cimri degdeg ku tahay jiritaanka Al-shabaab, hasa yeeshee waxaa wali loo baahanyahay wacyi gelin aan kala go’ lahayn iyo taageero dhinaca kasta ah oo ay ugu horeyso dhiiri gelin iyo in ciidammada ammaanka dowladda federal-ka iyo dowlad-goboleedyada ay sameeyaan barnaamijo toddobaadkiiba mar lagu wacyi gelinayo ardayda dugsiyada quraanka iyo kuwa maadiga ah.
Wacyi gelintan ayaa run ahaantii ah mid muhiim ah qayb weyna ka ciyaari karta in dhalinta laga badbaadiyo dhagaraha ay kooxdaas mareegayso, haddii subaxdii inta aysan ardayda fasallada gelin ama xataa hal mar todobaadkiiba dugsiyada quraanka iyo kuwa maadiga ah ee isku dhow-dhow inta meel laysu keeno ay culumaa’u-diin, khubaro iyo aqoonyahano siiyaan casharo la xiriira khataraha iyo halista kooxdaas ay leedahay iyo wax-yeelada ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed waxay ahaan lahay baraarujin wanaagsan oo run ahaantii wax weyn badeli lahayd.
Waxaa kale oo wanaagsan in ardayda dugsiyada sare qaybo ka mid ah loo taba baro sidii ay qayb uga noqon lahaayeen sugitaanka ammaanka deegaannada ay ku noolyihiin, in la baro dabeecadaha lagu garto iyo waxyaabaha la tuhmi karo ee laga bartay waayaha Al-shabaab, sida ay ula soo xiriiri lahaayeen ciidammada ammaanka iyo meelaha ay kala soo xiriiri lahaayeen iyadoo nin kasta marka uu samayniyo xiriirkaas aqoonsi la weydiinayo si aysan suuro gal u noqon in dad kale ay iska soo dhigaan, marka ay arkaan waxyaabo ay ka shakiyaan, iyo in loo taba-baro habka nin hubaysan ay u qaban lahaayeen iyagoo kaashanaya mujtamaca,
Arrinta kale ee muhiimka ah waxay tahay in dowladda Federal-ka iyo dowlad goboleedyada ay fuliyaan go’aannada ay maxkamadaha ka gaaraan danbiilayaasha, gaar ahaan dadka gacan-ku-dhiiglayaasha ah, waxaan ognahay in dad badan oo ay maxkamadaha xukumeen muddo hore ay wali xabsiyada ku jiraan, siiba dowlad goboleedka Puntland.
Waxaa kaloo iyadana arrin lag ceebayn karo ah dhammaan maamulada dalka ka jira, sababta loo sameyn waayay ilaalo gaar ah oo misaajidda ku qoran maadaama la ogaaday in misaajidda ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay Al-shabaab bar tilmaameedka ka dhigatay marka laga soo tago madaxda siyaasadda iyo xafiisyada maamulada.
Dad-weynaha waa inay ogaadaan maankana ku hayaan inay mas’uuliyadda qaybteeda ugu weyn iyaga saarantahay, ammaanka dalkana xilkiisa loo simmanyahay inkastoo shaqo ahaan hay’ado gaar ah xil ahaan loo siiyay, waa in garashadu iyo xil-kasnimadu gaartaa inaysan Al-shabaab waxba kuu ahayn, inaysan Al-shabaab adiga Islaam kuu aqoon, Soomaali kuu aqoon, Dalka inaad wax ku leedahay garowsanayn, laakiin intaasba ay dad kale oo aan Soomaali ahayn u aqoonsanyihiin.
Mid iyada shaki kuma jiro wiilka la dhallan dooriyay ee Al-shabaabka ah ee u soo jeeda inuu laayo waalidintii dhalay, ee u soo dhaartay inuu maalin kasta gowraco bulshadii uu ka dhashay, isagoo waliba og inaysan jirin sabab ay taas ku galabsadeen kama duwana cadow dibadda kaaga soo duulay, dad-weynuhu waa inay marka hore u aqoonsadaan Al-shabaab maado ama walax cadow ah (Element Of Enemy), siyaabo badan waad isugu egtihiin, laakiin fikradihii iyo dhaqankii waad ku kala tagteen, bini aadanka oo dhanna waxa laysku maan dhaafsanyahay ee dunida oo dhan ay ku dagaalsantahayna waa intaas waxaa soo raaca dhaqaalaha keliya oo isaga haddii fikradaha lagu heshiiyo ay adagtahay in laysku khilaafo.
Dad-weynuhu yeeysan ku khaldamin, yeeysan labalabayn xaqiiqda jirta ee aan labada ahayn ee midda keliya ah, yeeysan ku noolaan is moodsiin wax ay hubaan waxa ay yihiin, Al-shabaab waa cadowga jiritaanka dadka iyo dalka, waxa keliya ee shaki laga qabi karo waxay tahay cidda inoo soo dirtay, cidda dadkaan sidaas u doorisay, lama dhihi karo dadkaan fikrad ay leeyihiin bay ku socdaan, waxa ay ku socdaan meelna kagama soo aroorin diin Islaam, dhaqan Soomaaliyeed, iyo bulshadii ay ku dhex noolaayeen ee ay ku dhex barbaareen…Laakiin aad Soomaali ugu muuqaal egyihiin!
Dadka Soomaaliyeed yeeysan cudur daar u samayn, yeeysan shaki is gelin, waa cadow habaaran dantiisana ay tahay inuu wax kasta oo wanaagsan oo ay ummaddu leedahay tirtiro sidaa aawgeed ma aha in la yaraysto ama la fududaysto, hasa yeeshee waxaa wali aan la garan oo lays weydiinayaa yeey inoo dilayaan?!....Al-shabaab waa hubaal inay cadowgeenii iyo cid kasta oo nacab inoo ahayd ay inoo lagdeen, laakiin, maxaan garan la’nahay oo Al-shabaab innooga qarsoon? Weydiintaas jawaabteeda uma baahna in lagu daalo, laakiin waxaa waajib ah in Al-shabaab cadow loo aqoonsado layskana celiyo… waana sida aayaheena iyo jiritaankeena Islaanimo, Ummadnimo, Qaranimo, iyo Soomaalinimo ay ku badbaadi karaan… wallee dadka qaar!.. waxaan maqli jiray Reer Hebel Col Looga Soo Digay Baa Dila!.... hadda Al-shabaab?! Walle cadaawadda iyo colaadda ay inoo hayaan ka weyn kana xun sida dadka qaarkii u qaateen….Waa Digniin...