Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
MAXAY U DILEEN ALLAHA DILEE:nadwo ay Culimada Soomaaliyeed ku qabteen Garowe.

Garowe (WNT)- Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland habeenimadii xalay ahayd ee 17-ka bishan Feb 2013 ku beegnayd waxaa lagu qabtay Nadwo cinwaankeedu uu ahaa “MAXAY U DILEEN ALLAHA DILEE”.

Nadwadan oo ay masaajidka HUDAA ee bartamaha magaalada Garowe ku qabteen Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay dilkii Sheikh C/qaadir Nuur Faarax eebe ha u raxmadee loogu gaystay magaaladan Garowe.

Nadwadan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farabadan ayaa waxaa khadubado ka jeediyay Culimo farabadan oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ee ku kala nool qaar ka mid ah gobollada Soomaaliyeed, waxayna so qoto dheer uga hadleen dilka Sheikh C/qaadir Nuur faarax iyo cidii ka dambaysay.

Waxay kaloo culimadu aad uga hadleen mabda’a loo dilay sheekha allaha u naxariistee iyo dadaalkii dheeraa ee uu diinta iyo ka shaqaynteeda u galay mudadii uu noolaa.

Intii Nadwadani ay socotay waxaa aad looga sheekeeyay taariikh Nololeedkiisii laga soo bilaabo dhalashadiisii ilaa dhimashadiisii maalmo ka hor.

Culimada Nadwadan khadubadaha ka jeedisay waxaa ka mid ah:

1.Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf

2.Sheikh yuusuf Aadan Maxamed

3.Sheikh Dr. Bashiir Axmed Saalax

4.Sheikh C/naasir Xaaji Axmed

5.Sheikh Daahir Aw-cabdi

6.Sheikh Yuusuf Aadan Maxamed iyo culimo kale.

Culimadan Soomaaliyeed Mawduucyada ay sida qotoda dheer uga hadleen waxaa ka mid ahaa:-

Taariikh Nololeedkii Sheikh C/qaadir Nuur faarax iyo booska uu kaga jiro taariikhda Umada muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

YAA DILA MAXAYSE U DILEEN?

Dardaaran guud oo umada loo jeedinayo iyo qodobo kale oo muhim ah.

Culumadan soomaaliyeed intii ay dadwadani socotay waxay umada u soo jeediyay dardaaran adag iyo waano guud oo la xiriirta in ay u istaagaan badbaadinta mustaqbalka umada ee baabi’intiisa loo soo tafaxaytay iyo ilaalinta iyo garab istaaga Culimada oo ah indhihii umada una diidaan in ay waxyeelo gaarsiiyaan kooxaha taariikhda umada iyo nindoorka baabi’inaya.

Hadii alle idmo waxaanu qaybaha dambe idinkugu soo gudbin doonaa Khadubadihii Nadwadan oo dhamaystiran.

Xafiiska wararka Waayaha.net




   
Daawo Soomaalida ka ganacsata Daroogada ee Dalka Canada oo lacago faro badan ku raadinaya filim fadeexad ah‏    23 May 2013
Dhacdo Naxdin iyo Murug badan leh oo qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool Dalka South Africa!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)    23 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software