Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
hay'adcabaaraysay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Hay’adda Somali Advice And Information Service (Sominfos) oo si kulul u canbaareysay falkii waxashnimada ahaa ee lagu dilay Sheekhii  Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Somali advice and information services waxa ay si kulul u canbaareynayaan dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Calaama Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Cabdulqaadir Gacmeey) oo lagu dilay magaalada Garoowe isagoo gudanaya salad faral ah oo ah tii casarka ah. Runtii geeridaas waxa ay aheyd mid Soomaali oo dhan qof walboo damiir leh taabatay kuna reebtay argagax iyo calool xumo, tiiyoo geeridu ay xaq tahay haddana waxaa aad looga xumaaday in maalin walbaa wiilal yar yar oo ay gacan kale ay ka danbeyso loo soo adeegsado culimadeenii cisiga iyo sharafta ku dhex lahaa bulshoweynta Soomaaliyeed.

Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba leenahay arintaasi ama falkaas waa wax aan loo dulqaadan karin loona baahan yahay in laga dhiidhiyo, waxna laga qabto arimaha noocaas ah. Waxaan ugu baaqaya maamulka Puntland in ay arintaas ka feejignaadaan oo ay culimada Soomaaliyeed si gaar ah loo ilaaliyo loona karaameeyo. Maxaa diiday in masaajid walbaa la siiyo tansiilaad ay isku ilaaliyaan ama dhaqaale ha noqotee.

Runtii waa ayaandaro middii ugu weyneyd in culumeadeenii ummadda indhaha u aheyd in la ugaarsado. Soomaaliyeey wax noo haray ma jirto ee aynu culumadeenii ilaashano taasaa danteena ku jirtaa Adduun iyo Aakhiraba.

Waxaan ugu danbeyntii fursadan uga faa’ideysanayaa in aan halkan uga tacsiyeeyno dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reerkii uu shiikh ka geeriyooday, isagana Allaha naxariistii janatul Ferdowsa ka waraabiyo.

Wabilaahi Towfiiq

Gudoomiyaha hay’adda SOMINFOS

Cabdixakiim Jaamac Jooje

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software