Dilka Sh Cabdiqaadir Nuur Faraax waxay taabatay dhamaan
shacab weynaha Soomaaliyeed mid yar iyo mid weyn iyadoo aan lahayn wax xaydaab
ah taas oo marag madooonto waxayna taas ku ridi doontaa quuluubta kuwii soo maleegay rucbi iyo wel
wel saa'id ah. Shiikha ugu horayn waxaan
Ilahaay uga baryayaa inuu naxariistiisa ha u waasiciyo meel wanaagsana
geeyo.
Murugada ay leedahay dilka Shiikha waxaa ugu weyn dhowr
qodob oo muhiim ah oo uu ugu horeeyo
1-Cilmigii iyo dacawaddii uu shacabka u gudbin
jiray, waxaa shiikha lagu xusuustaa kaalintii uu ka soo galay gudbinta iyo u
howl galka hadh iyo habeen uu u taagnaa ilaalinta shacaa'irta Islaamka una
nasteexayn jiray qof walboo uu u arko inay haboon tahay isagoo aan u aabe yeeli
jirin kursiga uu ku fadhiyo iyo mansabkiisa.
2-Horumarinta jiilka soo koraya: Shiikha Ilaahay janadiisa ha geeyee wuxuu hadh iyo habeen u
taagnaan jiray kor u qaadida cilmiga noocayadiisa kala duwan wuxuuna ka mid
ahaa aasaasayaashii Jaamacada Bariga Afrika uuna ka ahaa rukun adag. Mar aan
shiikha kula kulmay badhig aanu u wada samaynaynay hoolka shirarka ee loo dhisi
doono Jaamacada laanta Garoowe 9kii Janaayo 2012 waxaan xusi karaa inkastoo uu
ahaa nin da'a ah haddana shaqada uu qabanayay iyo ka qayb qaadashada horumarka
ummada uu la noolaa waxaan ku sifayn karaa albaab weyn oo furmay cid awdi kartaana uusan muuqan .
3-Goobta iyo wakhtiga la dilay: waxaa murgo
sedexaad ah oo ugub ku ah ummada Soomaaliyeed in maalin jimce ah, Salaad Casr
gudaheed loogu badheedho Shiikh caalim ah dil ula kas ah laguna khaarajiyo
halkaas.
4-Cida loo adeegsaday falka wuxuushnimada ah: waxaa iyana wax alaga naxo ah in wiil yar oo caqli iyo cimi toona
lahayn loo adeegsaday dilkii caalimka iyadoo raggii soo maleegay falkaas
fulaynimada leh ay ku dhuumanayaan daafaha aduunka ilaa iyo hadeerna la waayay
nin ku dhiirada inuu sheegto taasina waxay muujinaysaa daciifnimada iyo diin
darada ku xalaalaystay dhiiga ummada Islaamka gaar ahaan labadii shiikh ee ka
mid ahaa culimada ugu cilmiga badnaa qaarada Afrika gaar ahaan bariga afrika.
Gebo Gebo
Ilaahay qabrigiisa ha
u waasiciyo Shiikha waxaana ku soo gebogabyanyaa, in lagu samro dhib walboo
yimaada sida iLahaay quraankiisa inoogu sheegay lana xasuusnaado in Shiikhu
uusan bixin reer gaar ah, gobol gaar ah, jifo gaar ah balse wuxuu ka baxay
dhamaan ummada Islaamka gaarhaan shacab weynaha Soomaaliyeed waxaa mudan in loo
istaago hadafkii gundhiga u ahaa
Shiikheenii Cabdiqaadir Nuur Faraax lana tusaa belo wadayaashii falkaas soo maleegay
in Sh Cabdiqaadir hadafkiisii nool yahay, cilmigiisii faafayo marnaba aysan
joojin doonin waajibaadka ka saaran u adeegida dadka iyo dalka.
Engr Mohamud Ali Jidaal
Jidal5@hotmail.com