Naf walba waa dhimanaysaa laakiin qofku
wuxuu ku noolaa iyo wuxuu ku dhintay ayaa micne u sameeya geerida ka dib.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ilaahiisaa naga yaqaan laakiin noloshiisii iyo
geeridiisuba wanaag ayey tusaale u ahaayeen.
Ilaahay dadka caqliga iyo diinta leh
wuxuu u tilmaamay xuduuddo aanay ka gudbin si ay adduun iyo aakhiro u
badbaadaan. Laakiin waxaa muuqata in sheikh Cabdulqaadir dadkii dilay dhawr
gidaar oo shiikha ku xayndaabnaa ayey jebiyeen. Todoba xayndaab oo qaddarin
mudnaa ayaa shiikha loo soo dhaafay.
Muslinimada
Dhiiga Muslimka xaaraanimadiisa uma
baahna xasuusin oo waxaan filayaa inay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya oo
qof walba oo Soomali ah uu ka dheregsan yahay. Quraanka iyo axaadiis aad u fara
badan ayaa muujinaya in aanay bannaanayn dilka qofka muslimak ah.
Shiikh Cabdulqaadir Muslinamadii laguma
deyn!
Cilmiga
Shiikh Cabdulqaadir wuxuu ahaa qof
weligiis shaqadiisu ahayd sheegidda diinta waxa keliya ee uu caanka ku ahaana
waxay ahayd masaajid, kitaab, muxaadaro, heshiisiin iyo duruus. Masjidkii
Ceel-hindi ee Muqdisho wuxuu ka akhrin jirey Buluuqul Maraam, Siirada Nebiga
(CSWS) iyo Saxiixul Muslim oo 1985 markii wadaadada la xirxirayey ka joogsaday
markaas oo uu dibedda u baxay. 1989kii ayuu hadana masaajidkii Xaashi Weheliye
ka bilaabay Saxiixul Bukhaari. Duruustiisa aad ayaa loo iman jirey oo masjidka
dibeddiisa ayaa la fariisan jirey. Ilaa iyo hadda ma joojin hawshaas khayrka ah
oo meel walba oo khayr looga yeero wuu taagnaa.
Dilka culimadu waxaa ku joogsada khayrkii
badnaa ee ay u gudbinayeen muslimiinta kale. Dugsashada culimadu waxay dadka ka
horjoogsataa fitnooyinka adduunka oo u baahan in looga gudbo cilmi.
Shiiikh Cadulqaadir cilmigiisii laguma
deyn.
Da’da.
Shiikhu todobaatan waa dhaafay, waa
cirraystay, oo nebigu wuxuu noo sheegay in qofka muslinamada ku cirraysta
qadarintiisu ay ka mid tahay weyneynta Ilaahay.
قَالَرَسُولُاللَّهِصَلَّىاللَّهُعَلَيْهِوَسَلَّمَ): إِنَّمِنْإِجْلَالِاللَّهِإِكْرَامَذِيالشَّيْبَةِالْمُسْلِمِ،وَحَامِلِالْقُرْآنِغَيْرِالْغَالِيفِيهِوَالْجَافِيعَنْهُ،وَإِكْرَامَذِيالسُّلْطَانِالْمُقْسِطِ( واه أبو
داود - صحيح الجامع – الرقم 2199
Cimriga shiikhu waa ka muuqday oo weliba
sandihii dambe waa iska xanuunsanaa oo neef ayuu lahaa waase ku samri jirey.
Hadalkii nebigeena (CSWS) lama qaddarin,
oo naxariistii insaanimo dadka da’da ah loo hayey lama qaddarin oo dhaqankii
Soomaalida ee qofka weyn la ixtiraami jirey oo ‘adeer’ iyo ‘abti’ iyo ‘awoowe’
la oran jirey lama xeerin.
Da’dii shiikhu ma noqon wax looga
joogsado dilkiisa.
Masaajidka.
Shiikhu Masjid buu ku jirey. Waa gurigii
ilaahay!, cibaaduu u yimi. Wuu u carraabay
oo nebigu qofkii u kalaha ama u carraaba masaajid khayr buu u sheegay.
وَقَالَ -صلى الله عليه وسلم-: "مَنْ غَدَا إِلَى الْمَسْجِدِ وَرَاحَ، أَعَدَّ اللَّهُ لَهُ نُزُلَهُ مِنَ
الْجَنَّةِ كُلَّمَا غَدَا أَوْ رَاحَالبخارى”
Masaajidda waxaa ka reebban qaylada
suuqa, xabbad baa ka yeertay, in la nadiifiyo ayaa waajib ah, dhiig baa lagu
daadiyey, degenaan baa loo doontaa, sas iyo argagax baa lagu abuuray.
Wax walba oo la xeeriyo, masaajid waa
meel loo baxsado. Laakiin shiikha waa lagu bixin waayey.
Salaadda
Shiikhu Ilaahay buu la faqayey
(hadlayey). Addoonimadiisuu u qirayey.baahidiisuu u muujinayey. Adaan ku
caabudayaa Ilaahoow buu lahaa. Ha ii caroonin oo u hanuuni buu lahaa.
Alla meeshuu taagnaa weyneydaa. Alla
meeshuu taagnaa weyneydaa. Alla meeshuu taagnaa weyenydaa.
Shiikh Cabdulaadir, iyo qof walba oo
addoomada ilaahay ka mid ah, su’aasha u horraysa oo la weydiinayaa waa Salaadda
iyo siduu waajibkeedii uga soo baxay. Haddii ay hagaagsanaato, su’aalaha kale
waa fududaadaan. Haddiise uu salaadda ku dhaco inta kalena waa ku dhacaa:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ
صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : " إِنَّ أَوَّلَ مَا يُحَاسَبُ
بِهِ الْعَبْدُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ عَمَلِهِ صَلَاتُهُ فَإِنْ صَلُحَتْ
فَقَدْ أَفْلَحَ وَأَنْجَحَ وَإِنْ فَسَدَتْ فَقَدْ خَابَ وَخَسِرَ فَإِنْ
انْتَقَصَ مِنْ فَرِيضَتِهِ شَيْءٌ قَالَ الرَّبُّ عَزَّ وَجَلَّ انْظُرُوا هَلْ
لِعَبْدِي مِنْ تَطَوُّعٍ فَيُكَمَّلَ بِهَا مَا انْتَقَصَ مِنْ الْفَرِيضَةِ
ثُمَّ يَكُونُ سَائِرُ عَمَلِهِ عَلَى ذَلِكَ " رواه النسائي 465 والترمذي
413 وصححه الألباني في صحيح الجامع 2573
Laakiin Shiikh Cabdulqaadir waxaaba la
soo bixin doonaa isagoo tukanaya oo nebigeenu CSWS wuxuu yiri:
)يُبعَثُ كلُّ عبدٍ على ما ماتَ عليه(صحيح مسلم - الرقم 2878
Casarka
Salaadda casar waxaa loo sheegay fadli
siyaado ah oo si gaar ah ayaa quraanka loogu sheegay markuu yiri Ilaahay “Ilaaliya
saalaadaha iyo salaadda dhexe” waxaana lagu fasiray salaadda dhexe inay tahay
casarka.
حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَى
وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ ,البقرة
Wuxuu sheegay nebigeenu CSWS in
tukashada casarku sabab u noqoto waxa ugu wanaagsan ee qiyaamaha la helo –
aragtida Ilaahay:
عَنْ جَرِيرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ كُنَّا عِنْدَ
النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَنَظَرَ إِلَى الْقَمَرِ لَيْلَةً
يَعْنِي الْبَدْرَ فَقَالَ إِنَّكُمْ سَتَرَوْنَ رَبَّكُمْ كَمَا تَرَوْنَ هَذَا
الْقَمَرَ لَا تُضَامُّونَ فِي رُؤْيَتِهِ فَإِنْ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ لَا
تُغْلَبُوا عَلَى صَلَاةٍ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا
فَافْعَلُوا (1) ثُمَّ قَرَأَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ
الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ. صحيح البخاري - الرقم573
Jimcaha
Jimcuhu waa maalinta ugu fadliga badan
maalmaha. Waxaa ku jira saacad ilaahay ducada aqbalo. waa ciidda todobaadka
muslimiinta.
)إن يوم الجمعة سيد الأيام ، وأعظمها عند
الله (صحيح الجامع - الصفحة أو الرقم 2279
Jimcaha wanaagiisa iyo xurmadiisa lama
eegin oo shiikha dhiigiisa la badbaadin.
Ilaahay waa dul badan yahay.
Inuu cimrigiisa diin ka shaqaynayey,
inuu salaad ku jirey, iyo in dulmilagu dilayba waxay nagu beerayaan inaan khayr
badan u rajayno shiikha. Murugada iyo welwelku waxay ku hareen dadkii ka
shaqeeyey shiikha dilkiisa oo ay u muuqato inay la tahay inay ajar ku helayaan
inay bannaystaan dhiigga.
Qofka da’da yar markuu cilmi yeesho oo
ka shalaayo dhacdhacii ka dhacay yaraantiisii, waxaa ugu daran siduu dhiigii uu
galay uga baxsan lahaa.
Ilaahay ka baryaynaa inuu janadii geeyo
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Dadkii uu ka tegeyna wanaag ugu bedelo meeshuu
ka baxay.
Cabdulqaadir
Cabdi Diiriye
hajikos@yahoo.com