Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Todobada xayndaab shiikha laguma xurmayn

Naf walba waa dhimanaysaa laakiin qofku wuxuu ku noolaa iyo wuxuu ku dhintay ayaa micne u sameeya geerida ka dib. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ilaahiisaa naga yaqaan laakiin noloshiisii iyo geeridiisuba wanaag ayey tusaale u ahaayeen.

Ilaahay dadka caqliga iyo diinta leh wuxuu u tilmaamay xuduuddo aanay ka gudbin si ay adduun iyo aakhiro u badbaadaan. Laakiin waxaa muuqata in sheikh Cabdulqaadir dadkii dilay dhawr gidaar oo shiikha ku xayndaabnaa ayey jebiyeen. Todoba xayndaab oo qaddarin mudnaa ayaa shiikha loo soo dhaafay.

Muslinimada

Dhiiga Muslimka xaaraanimadiisa uma baahna xasuusin oo waxaan filayaa inay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya oo qof walba oo Soomali ah uu ka dheregsan yahay. Quraanka iyo axaadiis aad u fara badan ayaa muujinaya in aanay bannaanayn dilka qofka muslimak ah.

Shiikh Cabdulqaadir Muslinamadii laguma deyn!

Cilmiga

Shiikh Cabdulqaadir wuxuu ahaa qof weligiis shaqadiisu ahayd sheegidda diinta waxa keliya ee uu caanka ku ahaana waxay ahayd masaajid, kitaab, muxaadaro, heshiisiin iyo duruus. Masjidkii Ceel-hindi ee Muqdisho wuxuu ka akhrin jirey Buluuqul Maraam, Siirada Nebiga (CSWS) iyo Saxiixul Muslim oo 1985 markii wadaadada la xirxirayey ka joogsaday markaas oo uu dibedda u baxay. 1989kii ayuu hadana masaajidkii Xaashi Weheliye ka bilaabay Saxiixul Bukhaari. Duruustiisa aad ayaa loo iman jirey oo masjidka dibeddiisa ayaa la fariisan jirey. Ilaa iyo hadda ma joojin hawshaas khayrka ah oo meel walba oo khayr looga yeero wuu taagnaa.

Dilka culimadu waxaa ku joogsada khayrkii badnaa ee ay u gudbinayeen muslimiinta kale. Dugsashada culimadu waxay dadka ka horjoogsataa fitnooyinka adduunka oo u baahan in looga gudbo cilmi.

Shiiikh Cadulqaadir cilmigiisii laguma deyn.

Da’da.

Shiikhu todobaatan waa dhaafay, waa cirraystay, oo nebigu wuxuu noo sheegay in qofka muslinamada ku cirraysta qadarintiisu ay ka mid tahay weyneynta Ilaahay.

قَالَرَسُولُاللَّهِصَلَّىاللَّهُعَلَيْهِوَسَلَّمَ): إِنَّمِنْإِجْلَالِاللَّهِإِكْرَامَذِيالشَّيْبَةِالْمُسْلِمِ،وَحَامِلِالْقُرْآنِغَيْرِالْغَالِيفِيهِوَالْجَافِيعَنْهُ،وَإِكْرَامَذِيالسُّلْطَانِالْمُقْسِطِ(  واه أبو داود  صحيح الجامع – الرقم  2199

Cimriga shiikhu waa ka muuqday oo weliba sandihii dambe waa iska xanuunsanaa oo neef ayuu lahaa waase ku samri jirey.

Hadalkii nebigeena (CSWS) lama qaddarin, oo naxariistii insaanimo dadka da’da ah loo hayey lama qaddarin oo dhaqankii Soomaalida ee qofka weyn la ixtiraami jirey oo ‘adeer’ iyo ‘abti’ iyo ‘awoowe’ la oran jirey lama xeerin.

Da’dii shiikhu ma noqon wax looga joogsado dilkiisa.

Masaajidka.

Shiikhu Masjid buu ku jirey. Waa gurigii ilaahay!, cibaaduu u yimi. Wuu  u carraabay oo nebigu qofkii u kalaha ama u carraaba masaajid khayr buu u sheegay.

وَقَالَ -صلى الله عليه وسلم-: "مَنْ غَدَا إِلَى الْمَسْجِدِ وَرَاحَ، أَعَدَّ اللَّهُ لَهُ نُزُلَهُ مِنَ الْجَنَّةِ كُلَّمَا غَدَا أَوْ رَاحَالبخارى

Masaajidda waxaa ka reebban qaylada suuqa, xabbad baa ka yeertay, in la nadiifiyo ayaa waajib ah, dhiig baa lagu daadiyey, degenaan baa loo doontaa, sas iyo argagax baa lagu abuuray.

Wax walba oo la xeeriyo, masaajid waa meel loo baxsado. Laakiin shiikha waa lagu bixin waayey.

Salaadda

Shiikhu Ilaahay buu la faqayey (hadlayey). Addoonimadiisuu u qirayey.baahidiisuu u muujinayey. Adaan ku caabudayaa Ilaahoow buu lahaa. Ha ii caroonin oo u hanuuni buu lahaa.

Alla meeshuu taagnaa weyneydaa. Alla meeshuu taagnaa weyneydaa. Alla meeshuu taagnaa weyenydaa.

Shiikh Cabdulaadir, iyo qof walba oo addoomada ilaahay ka mid ah, su’aasha u horraysa oo la weydiinayaa waa Salaadda iyo siduu waajibkeedii uga soo baxay. Haddii ay hagaagsanaato, su’aalaha kale waa fududaadaan. Haddiise uu salaadda ku dhaco inta kalena waa ku dhacaa:

عن أبي هريرة رضي الله عنه قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : " إِنَّ أَوَّلَ مَا يُحَاسَبُ بِهِ الْعَبْدُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ عَمَلِهِ صَلَاتُهُ فَإِنْ صَلُحَتْ فَقَدْ أَفْلَحَ وَأَنْجَحَ وَإِنْ فَسَدَتْ فَقَدْ خَابَ وَخَسِرَ فَإِنْ انْتَقَصَ مِنْ فَرِيضَتِهِ شَيْءٌ قَالَ الرَّبُّ عَزَّ وَجَلَّ انْظُرُوا هَلْ لِعَبْدِي مِنْ تَطَوُّعٍ فَيُكَمَّلَ بِهَا مَا انْتَقَصَ مِنْ الْفَرِيضَةِ ثُمَّ يَكُونُ سَائِرُ عَمَلِهِ عَلَى ذَلِكَ " رواه النسائي 465 والترمذي 413 وصححه الألباني في صحيح الجامع 2573

Laakiin Shiikh Cabdulqaadir waxaaba la soo bixin doonaa isagoo tukanaya oo nebigeenu CSWS wuxuu yiri:

)يُبعَثُ كلُّ عبدٍ على ما ماتَ عليه(صحيح مسلم -  الرقم  2878

 

Casarka

Salaadda casar waxaa loo sheegay fadli siyaado ah oo si gaar ah ayaa quraanka loogu sheegay markuu yiri Ilaahay “Ilaaliya saalaadaha iyo salaadda dhexe” waxaana lagu fasiray salaadda dhexe inay tahay casarka.

حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَى وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ ,البقرة

Wuxuu sheegay nebigeenu CSWS in tukashada casarku sabab u noqoto waxa ugu wanaagsan ee qiyaamaha la helo – aragtida Ilaahay:

عَنْ جَرِيرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ كُنَّا عِنْدَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَنَظَرَ إِلَى الْقَمَرِ لَيْلَةً يَعْنِي الْبَدْرَ فَقَالَ إِنَّكُمْ سَتَرَوْنَ رَبَّكُمْ كَمَا تَرَوْنَ هَذَا الْقَمَرَ لَا تُضَامُّونَ فِي رُؤْيَتِهِ فَإِنْ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ لَا تُغْلَبُوا عَلَى صَلَاةٍ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا فَافْعَلُوا (1) ثُمَّ قَرَأَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ. صحيح البخاري -  الرقم573

Jimcaha

Jimcuhu waa maalinta ugu fadliga badan maalmaha. Waxaa ku jira saacad ilaahay ducada aqbalo. waa ciidda todobaadka muslimiinta.

)إن يوم الجمعة سيد الأيام ، وأعظمها عند الله (صحيح الجامع - الصفحة أو الرقم 2279

Jimcaha wanaagiisa iyo xurmadiisa lama eegin oo shiikha dhiigiisa la badbaadin.

Ilaahay waa dul badan yahay.

 

Inuu cimrigiisa diin ka shaqaynayey, inuu salaad ku jirey, iyo in dulmilagu dilayba waxay nagu beerayaan inaan khayr badan u rajayno shiikha. Murugada iyo welwelku waxay ku hareen dadkii ka shaqeeyey shiikha dilkiisa oo ay u muuqato inay la tahay inay ajar ku helayaan inay bannaystaan dhiigga.

Qofka da’da yar markuu cilmi yeesho oo ka shalaayo dhacdhacii ka dhacay yaraantiisii, waxaa ugu daran siduu dhiigii uu galay uga baxsan lahaa.

Ilaahay ka baryaynaa inuu janadii geeyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Dadkii uu ka tegeyna wanaag ugu bedelo meeshuu ka baxay.

 

Cabdulqaadir Cabdi Diiriye

hajikos@yahoo.com




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software