Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Maanso:Tacsi iyo Baroor diiq

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Salaanta islaamka kadib waxaan marka kowaad tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo kan Islaamka ah

 meelkastoo ay ku sugan yihiin. Gaar ahaana waxaan bulashada reer Puntland iyo khaas ahaan qoyska iyo qaraabadii uu ka tagay

 Illaahay haw naxariistee AL-Shahiid Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo maanata oo ahayd 15.02.203 ay gacanta mujrimada ahi

 dilka foosha xun ugu gaysatay magaalada Garoowe gaar ahaana Masaajidka AL-BADAR isagoo tukanayoo Rabbigiis u sujuudsan.

 Marxuumkana waxaan Illaahay uga baryayaa inuu Jannadii Firdowsa ugu bishaareeyo oo kitaabkiisa gacanta midig kasiiyo.

Intaas kabacdina waxaan doonayaa inaan halkaan kusoo gudbiyo aana idinla wadaago ood ila qaybsataan tixo Maansooyinoo  gaagaaban kuwaasoon galabta ku cataabay qaracankiina la curiyay markii ay isoo gaadhay geeridii naxdinta lahaydoo ku timid  sheekha Illaahay haw raxmadoo haynaga samirsiiyee.

1: MAANSADII BAROOR

Naf Rabbigu u baaqoo

 Ballageedu uu dhacay

 La badbaadin maayoo

 Ballan weeye way tagin

 Bartii loo badnaa iyo

 Bartamaha qabuurtiyo

 Beesha uunka hoosoo

 Ruuxna baajin maayoo

 Baytkeeda way gelin

 Iyo barada aakhiro

 Waana laga ballamayoo

 Boqorkaa go’aanshaye

 Ma baqoolay Sheekhii?? !!!

 Shahiidkii miyuu baxay?? !!!

 

Walle boohintaaniyo

 Baroortiyo dhawaaqiyo

 Ba’aydiyo ilamadan baas

 Beerkayga go’aniyo

 Boggu kuma bogsanayee

 Allow biri magaydada

 Bahallada habaarani

 Baaska ay ku jiideen

 Bidhaantooda adigaa

 Boqorow u jeedaye

 Soo bal-bali warkoodoo

 Banaankiyo wadada keen

 Oo ceebtooda soo bixi

 Isagana baraariyo

 Barwaaqada firdowsiyo

 Bar-barkii Rasuulkiyo >>>> Calayhi Salaatu Wasalaam

 Bar-baartiyo saxaabada

 Barta ay u hoydaan

 Billad wayn ku siiyoo

 Jannada ugu bishaaree—Aamiin aamiin aamiin

2: MAANSADII SHAAMAREER!

Allaylehe shil baa dhacay

 Iyo shaamareer culus

 Mar hadduu shareertoo

 Shaydaan lasoo diray

 Shafka uu ka toogtoo

 Sheekhii na bari jiray

 Shiinkii Quraankiyo

 Shareecada islaamkoo

 Shacabkuba ku noolaa

 Uu shahiiday galabtoo

 Shiqib lagu sallidayoo

 Ku shabaaxay dhagar-qabe

 Shiishkana la helayoo

 Shar-wadeenadii baas

 Shirqoolkoodii uu fulay

Shacabkii Puntland-now

 Shaybkiyo wax-garadkiyo

 Shabbadaha haweenkiyo

 Shariifiyo mid shiqibiyo

 Shabaabiyo ciroolaba

 Shibbanaanta daayoo

 Shirqoolkaan la dagayiyo

 Shabaqaan la dhigayiyo

 Shubida dhiiga culimada

 Shahiidoo ka dhiidhiya

 Sheekadaana daba gala

 

Shux-shux dooni maynee

 Shayaadiinta soo xira

 Sheelo geliya tuugada

 Shullahooda hoosiyo

 Halka laga shitaaroo

 Shalmadu ay u taaliyo

 Shirwadeenka maamula

 Shaalka uu hagoogtiyo

 Shaashkuu madaxa saartiyo

 Shareerkaba ka fiiqoo

 Shaxda keena idilkood

 Sharcigana la tiigsada

 Shan shan tiirka ugu xira

 Shakhsina yuu ka fiigine

 Halla shiido duulkaas

 Shufna gabi halaga dhigo

 

Shacabkii Puntland-now

 Sharaftiina dhowrtoo

 Shaydaamada ha qarinina

 Shaaciyoo akhbaaraha

 War na shaafinaayoo

 Shiisha beerka gaadhiyo

 Shanshadaan na jabaniyo

 Wadnaha shiilmay dhaydoo

 Ciilka naga shaxeexdoo

 Shuuqinaysa boogtiyo

 Shuftadoo la dabar jaro

 Dhakhso uga shaqeeyoo

 Deg deg noogu sheegoo

 Shirka keena guushoo

 Sheekadu fogaatoo

 Sheekh Cabdulqaadir dabadiis

 Shay la sugo ma laabnee

 Shibbanaanta daayoo

 Shacabow dhamaan kaca

 Shacabow dhamaan kaca

3: MAANSADII RAXMAD LAAWAYAAL

Rabbi baa u jeedoon

Ruux ka dhuuman karinine

Ha rafaadsho duulkaas

Raxmad laawayaasha ah!

 Rubbadii na gooyoo

 Ruugagii na jabiyoo

Wadnihii na ruxanyoo

 Culimadii rigaaxoo

 Rarfaad nagu abuuree

 Raxmaanow Raxiimow

 Haku raajin dunidee

 Rabbiyow kuwaas qabo

 Raaxo yaysan aragoo

Rug islaam ku hoyanine

Ruux ruux usoo dabar

 

 Raamo khayr ha siinine

Rabbiyow kuwaas laa’

Aakhirana rug baasiyo

Rarankii cadaabtiyo

Raarteeda Jahanama

Rasmi uga dhig abidoo

Raxmadaada geediyo

Rako dheer ka saaroo

Rajiimkii Ib-liiskiyo

Raxantiisa shaydaan

Rugta ay u hoydaan

Rabbiyow kuwaas gee

Ray-rayn ha siinine

Rugtaan maanta joogniyo

 Raarta aakhiraadiyo

 Rabbiyow agtaadiyo

Raxmaan labada daarood

Rafaad ugu bishaaree

Oo Rabbiyow ciqaab geli

Reer Caadkii hoogiyo

Thamuudkii la rogay iyo

Racii aad halaagtiyo

Reer banuu Israa’iil

Rafiiq uga dhig Eebbow

Raaxo yay dareemine

 Rasuulkana ka dheeree >>>> Calayhi Salaatu Wasalaam

Raxmaanow ha saacidin

Raar dheer ka saaroo

Towbad hawgu roonaan

Rifqina hawgu deeqine

Raxmadaada gees mari

Oo Rabbiyow ciqaab geli

Aamiin aamiin aamiin

 Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji Yuusuf (dhalkheyr)

 E-mail: dhalkheyr@hotmail.com

Daabacaadda Waayaha.et




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software