Beryahaan waxaa
dowlada soomaaliya ka muuqda qaab-dhaqameed aan dastuurka waafaqsanayn. Waxaa
si cad u muuqda in awoodii madaxweynaha iyo tii raysulwasaarahaba uu isku
darsaday Xasan Sh.Maxamuud. Haddaba si aan shacabka soomaaliyeed ugu bayaamino
sida sharcigu yahay iyo waxa uu dastuurku qabo iyo sida sahqada ugu kala
qaybsan tahay labada masuul ayaan qoray maqaalkan. Waxaan eegay nidaamka guud
ee dunida io weliba waxa uu qabo tastuurka soomaaliya. waxaan jeclajay inaad
daabacdaan si dadku uga haqab beelaan loona fahmo awood qaybsiga iyo sida ay
shaqadu tahay.
Shaqada madaxweynaha
iyo midda Raysul wasaaraha
Kolka laga hadlaayo nidaamka dowliga ah ee adduunka laga
isticmaalo, waxaa jira dhowr qaab oo kala duwan oo saldhig looga dhigo maamulka iyo
jihaynta wadanka. Nidaamyadaas qaar ka
mid ah ayaan qormadaan ku falanqayn doonaa. Waxaa jira saddex nidaam oo isu
dhow oo lagu maamulo wadamo badan oo dunida ah.
1. Nidaam madaxweynuhu awoodda leeyahay ( presidential system of government)
Nidaam-dowladeedkan waxaa ay awooda ugu weyni gacanta ugu
jirtaa madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa masuul ka ah hogaaminta dowlada iyo in
dowladu ay gudato howshii lagoo xilsaaray. Madaxweynaha leh awoodaan aan kor
kusoo sheegnay waa inuu yahay mid shacabku si toos ah u soo doortay.
Madaxweynuhu waa hogaamiyaha iyo madaxa dowlada.( In a presidential system, the President who is (the chief executive
as well as the symbolic head of government) and is chosen by a separate
election from that of the legislature). Nidaamkaan waxaa wasiirada dowlada
ka kooban tahay soo magacaaba madaxweynaha. Madaxweyanaha ayaa kolkii uu
wasiirada magacaabaayo waxaa uu tixgeliyaa aqoontooda iyo weliba iney yihiin
kuwo isaga la shaqayn kara. Wadanka Maraykanka ayaa ah wadanka ugu caansan ee
isticmaala nidaamka siyaasadeed ee uu madaxweynuhu leeyahay awooda iyo
hogaaminta dowlada. Waxaa kaloo jira wadamo badan oo dunida ah oo isticmaala
nidaamkan. Wadamadaas waxaa ugu badan
kuwo ku yaal waqooyiga iyo koonfurta Ameerika sida: Mexico, Ecuador, El
Salvador, Guatemala, Nicaragua, Panama iyo Paraguay. Wadamada qaarada yurub ee
uu madaxweynuhu awooda badan leeyahay waxaa ka mid ah wadanka Fransiiska.
2. Nidaam uu Raysulwasaaruhu awoodda leeyahay
( primeministerial system)
Nidaamkaan waxaa awooda ugu weyn ee maamulka iyo howsha
dowladu gacanta ugu jirtaa raysul wasaraha ama wasiirka kowaad.
Magacaabista xubnaha dowaldana waxaa
iska leh raysulwasaraha. Baarlamaankuna waa hayąda kor ka ilaalisa in shaqada
dowaldu sidii la rabay u socoto. La xisaabtanka raysul-wasaaraha waxaa ay gacanta ugu jirtaa baarlamaanka,
kaasoo kalsoonida siin kara ama kala noqon kara raysul-wasaaraha iyo
dowladiisa. Awooda ugu weyn ee maamulka dalka waxaa iska leh raysulwasaaraha
ama wasiirka Kowaad. Kolka awooda Raysul-wasaaraha la qeexaayo waxaa la
yiraahdaa( The Prime minister is not
only a highly centralized political
machine but also of a highly centralised and vastly more powerful
administrative machine). Taas oo macnaheedu yahay raysul wasaaruhu ma aha oo
keliya siyaasiga khadka dhexe ee siyaasada dalka balse waa mashiin awood badan
oo wada, iskuna xira dhamaan howlaha dowlada. Awooda iyo howsha uu leeyahay
raysulwasaaraha waxaa ka mid ah.
. Magacaabista iyo isku shaandheynta dowlada
. Magacaabista
howlwadeenada hayąadka kala duwan ee
muhiimka ah ee dowlada.waxaa howshiisa ka mid ah inuu magacaabo safiirada iyo xeer ilaaliyayaasha dowalda,
haddii aaney tastuurka ku qorayn wax kale oo lagu heshiisyey. (The
Prime Minister the power to appoint top civil servants, ambassador
and judges)
. Maamulitaanka iyo qaabeynta wax kasta oo fulinteeda laga
doonaayo dowlada.
. Waxaa uu awood u leeyahay inuu soo jeediyo qabashada
doorasho cusub. Waxaa jira howlo kale oo badan oo aan halkaan lagu soo koobi
Karin.
Nidaamkna la yiraahdo-( primeministerial
system), waa mid ay aad u yar tahay awooda uu leeyahay madaxweynaha dalka.
Dastuurkuna waxaa uu u ogol yahay howlo yar-yar oo loogu talo galay in
madaxweynuhu uu xushmad iyo odaytinimo ku helo (President has ceremonial duties). Howlahaas madaxweynaha
waxaa ka mid ah:
. Soo bandhigitaanka ama soo jeedinta qofkii noqon lahaa
raysul-wasaare , doorashada dalak ka dib
. Qaabilaada madaxda dalka soo booqata ( la soco waa
qaabilaad xushmadeed, ee howsha iyo kala saxiixashada heshiisyada iwm waxaa
iska leh raysul-wasaaraha)
. Madaxweynuhu waa
taliyaha guud ee ciidamada
Soomaaliya:
Dastuurka haatan u yaal dalka soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid ah -( primeministerial system) kaas oo
sidaan kor kusoo sheegnayba awooda ugu weyn ee maamulka dalka uu leeyahay
Raysul-wasaaruhu. Awooda waxaa saldhig u ah raysul-wasaaraha iyo
dowlada.(The executive power lies with
the government, or cabinet and the prime minister). Madaxweynaha waxaa keliya oo howlihiisa la
arkaa markii uu qaabilaayo madax dalka timid oo la doonaayo in la tuso xushmad
iyo soo dhoweyn. Arintaasina waa sida uu
sharciga iyo tastuurku qoraayo. Shaqada
madaxweynaha iyo raysul-wasaaruhuna waa mid kala qaybsan oo aan marna
isdhexgeli Karin ama aan la isku qasi Karin.
Beryahaan waxaa si cad usoo baxaayey jahwareer ka taagan
qaabka ay shaqadu ugu kala qaybsan tahay madaxweynaha soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud
iyo Raysul-wasaare Cabdi Shirdoon( Saacid). Waxaa muuqda in madaxweynuhu uu aad
ugu dhexjiro uuna si toos ah u qabanaayo shaqadii uu lahaa raysul-wasaaraha.
Tusaale ahaan; safarada shaqo ee dibada loo tago oo laga dhaxlo heshiis ama
abuuritaan xiriir kaasoo keeni doona in dowladu ay fuliso heshiisyadaas.
Sahqada noocaan ah lehna shuruuda aan xusay waxaa iska leh raysul-wasaaraha iyo
xubnaha kale ee dowlada.
Haddaad si fiican oo hufan aad diirada u saarto qaabka ay u
socoto siyaasada soomaaliya wakhtigaan xaadirka ah waxaad arkeysaa in
doorkii madaxweynuhu lahaa iyo kii raysul wasaaruhu lahaa ay
isbedeleen. Howshii raysul wasaaraha
waxaa qabanaaya madaxweyne Xasan Sh Maxamuud halka raysul wasaare saacidna uu
la wareegey doorkii madaxweynaha ee ahaa mid xushmadeed (Ceremonial duties).
Arintaasi waa mid aan waafaqsanayd
nidaamka Dastuuriga ah ee u degan dalka soomaaliya. Waxaana laga doonayaa in
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu labadaan masuul, madaxweynaha iyo raysul
wasaaraha u kala caddeeyo howshooda si ay u noqoto mid sharciga waafaqsan.
Qore: C/risaq Maxamed
Xuseen
Master degree in
Economics and international relations
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna, Sweden