Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Wafdigii culumada oo hawlo kala duwan ka qabtay magaalada Gaalkacyo

Wafdigu wuxuu soo gaaray magaalada habeenimadii jimcaha ee 24/01/13. Intii uu joogayna wuxuu muxaadarooyin iyo kalimado waano iyo wacyigalin ah ka jeediyey masaajida Abuuhureyra, Salaaxudiin, Shaafici iyo Nuurul-yaqiin. Wuxuu la yeeshay maamulka dacwada gobolka iyo odayaasha magaalada fadhiyo lagaga wada hadlayey dardargalinta dacwada gobolka Mudug, tayaynta waxbarashada diiniga ah, walaalaynta bulshada Soomaaliyeed, ka hortagga fasaadka iyo marinhabowga ku socda bulshada gaar ahaan burcadnimada, qabyaaladda iyo colaadaha joogtada noqday.

Waxaa kale oo wafdigu kulamo la qaatay madaxa Jaamacadda Bariga Afrika faraca Gaalkacyo, maamulaha mac-hadka Alfaaruuq ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga, waxayna is dhaafsadeen warbixino ku lug leh mu’assasadaha tacliimiga iyo dacwiga ah, iyo waxqabadkooda.

Wafdigu wuxuu booqday dhismaha  Xaraunta Alxikma ee Dacwada iyo Hanuuninta oo ay dhismeheeda iska kaashadeen Hay’adda Alxikma iyo dadweynaha deegaanku, waxayna soo indha-indheeyeen dhismaha iyo qaybaha xaruntu ka kooban tahay, waxaana kormeerkaas ku weheliyey madaxa guddiga dacwada gobolka iyo ku xigeenkiisa, iyo qaar ka mida guddiga maamulka xarunta oo uu ka mid ahaa Eng. Cumar dheere, Sheekh Aadan Maxamed Cigaal iyo Maxamuud Aw Faarax .

Intaa ka dib waxaa lagu qabtay Hotel-ka Aaran kulan lagaga hadlayey qabashada xafladda furitaanka xarunta Alxikma iyo siyaabihii looga faa’iidaysan lahaa, waxaana kulankaas ka soo qaybgalay: masuuliyiinta dacwada gobolka, guddiga maamulka Markazka iyo wafdigii culumada, waxaana la goostay in markazka degdeg loo furo, in uu noqdo xarun dacwadeed oo lagu qabto dawrooyinka, muxaadarooyinka, nadwooyinka iwm, in laga dhex furo mac-had diini ah oo heer dugsi sare ah, in lagu qabto koorsooyin xirfadeed iyo tababaro macalinimo, daacinimo iwm.

Waxaa kale oo wafdigu booqday dugsiga sare ee Cumar Samatar, wuxuuna maamulaha dugsiga ka dhagaystay warbixin kooban oo ku saabsan taariikhda dugsiga, marxaladihii uu soo maray, waxqabadkiisii iyo meesha maanta uu marayo, ka dibna Sh. Axmed C/samad ayaa ardayda u jeediyey muxaadaro taabanaysa dhinacyo badan oo dhalinyarada khusaysa, mowduucyada uu soo qaadayna waxaa ka mid ahaa: nimcada islaaminimada, barashada diinta iyo ku dhaqankeeda, xoojinta cibaadada, wanaajinta akhlaaqda, iska ilaalinta raacidda moodooyinka, ka fogaanshaha qabyaaladda iwm. Ugu dambayn maamulaha ayaa wafdiga inta aanu sagootiyin ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee dugsiga.

Sheekh Axmed Samed

 




   
Xafladii xuska 18ka May ee Soomaaliland ee Holland oo ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal    20 May 2013
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software